Qallinkaa Wax Suureeya

0
1207

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir   

 

 

Iimaanka iyo Nolosha (2)

 Waxa aan ku tilmaanay qoraalkeenii hore in Waajibka iyo ujeeddada ugu weyn ee iimaanka lagu fuliyaa tahay  CADDAALAD; Caddaalad loo sameeyo Nafta, Baniiaadamka (Muslim iyo Gaal), Mayeedhaanka, Degaanka iyo dhammaan wax walba oo jooga UUNKA.

Habada, marka aan ka hadlayno caddalada loo sameynaayo qaybaha nolosha ee kala duwan waxa muhiim ah in aan ka eegno saddex dhinac oo kala ah:

1. Qofka iyo Uumihiisa: Qaybta koowaad ee caddaladu waxay la xidhiidhaa inaad u xaqsoorto xidhiidhka ka dhaxeynaaya adiga iyo uumaha jirsiiyey adduunka,  waa abuur in qofku raadiyo wax uu caabudo, habka iimaankaas lagu gaadho waan soo tilmaanay, xaqsoorka u baahan in la fuliyaa waa in tusmooyinka iyo tilmaamihiisa sideeda loo raaco, kuwaas oo u qaabeysan hab la fil ah awoodaha qofka lagu abuuray. Tusmooyinkaas ma ah kuwo aan la fulin karin, waa tilmaamo koobsaday rumeyn, odhaah iyo ficil  oo aan ka baxsaneyn karitaanka iyo awoodda qofka. Waxa taas barbar socda in baaxadda tusmooyinkaasi ay qaadataa balladhan karto mamar kalena koobnaan karto iyada oo ku xidhan hadba karitaanka kala duwan ee dadku ay leeyihiin.

Sidaas darteed, xaqsoorka ka sameysma halkan waxa uu noqonayaa in qofku marka uu qaado tubta saxan ee loo tilmaamay, kana run sheego fulinta tusmooyinka loo dhigay wixii karaankiisa ah, mid goosanaya midhaha ka unkamaaya, kuwaas oo dhaxalsiinaysa naftiisa wanaag, degenaansho, waafajin iyo hiil u fududeeya ka sal gaadhka xaaladaha nolosha ee noocyada badan.

2. Qofka iyo Qofnimada: Qaybta labaad ee caddaladu waxay la xidhiidhaa xaqsoorka qofku uu u sameeyo qafnimadiisa, baahida aad u qabto in aad u xaqsoorto qofnimadaada ayaa ka mudan in aad u xaqsoorto wixii ka soo hadha, marka aad ku guulaysato waajibkaas ayaad si fudud ku gaadhi kartaa arrinka aan ku sheegnay qodobka koowaad.

Waxaase mudan inaan hoosta ka xariiqno xaqiiqada ah in qofku ka sameysan yahay laba qaybood oo is diidan ah, mid waxa ay la xidhiidhaa nolosha uu la wadoogo noolaha aan garaadka lahayn mida kale waxay la xidhiidhaa nolosha uu la wadaago noolaha garaadka leh.

Nolosha hore waxa tilaame u ah jidhka qofka, taasoo mar walba ka tarjumaysa baahida mayeedhaan ee ku abuuran qofka, halka nolosha labaad ay tahay ta ugu baaqaysa qofka inuu ku guto waajibkiisa nololeed heer ku dhisan garaad iyo iimaan.  Baahida nolosha hore haddii aanay dhaafin xadkeeda ma saarto caqliga qofka culeys, taasi waxay sababtaa in si miisaaman garashadu u shaqeyso, miisaankaas waxa uu aasaas u noqonayaa in garaadka qofku qabto shaqooyin jirsiinaaya dadnimada abqaal fiicana u sameynaaya qofnimada.

Markaas ayuu qofku noqon karaa mid lagu tilmaamo banii’aadam, mid ka fekera mustaqbalkiisa heer qof, qoys iyo qaran – intaba. Waxa uu haleelayaa inuu si miyir qabta ugu hawlgalo fulinta ujeeddooyinka uu ka leeyahay nolosha, hankiisa iyo himiladiisu waxay noqonayaa mid si sax ah u abbaarta tusmooyinka nolosha suuban.

Xaqsoorka qofnimo ayaa kuu xadeynaaya qaabka aad uga jawaabeyso xaaladaha iyo duruufaha kugu xeeran oo dhan, waxaad si wanaagsan u hanan kartaa rabitaan walba oo ka baxsan xadkiisa, wax aad qofnimadaada ku hirgelinaysaa inay noqoto mid ka mudan dhiggeed, ha ahaato dhinac aqooneed, dhaqaale, awoodeed iwm

Caddaalad aad u sameyso naftaada ayaa dhisaysa qof-nimadaada, qoys-nimadaada iyo qaran-nimadaada, iyada ayaa kugu hanuuninaysa in aad garato waddada aad ku gaadhayso horumarka kulana taratameyso facaaga, arrintaas waxa ay horseed ka noqonaysaa in aad yeelato aqoontii aad qarankaaga ku dhisi lahayd, dhaqaalahaaga ku kobcin lahayd, cududaada ku adkayn lahayd, dhaqankaaga ku ilaalin lahayd, deegaankaaga ku dhawri lahayd…

Xaqsoorkaasi waxa uu kuu horseedayaa in aad ka baxdo nolosha aad ku jirto maanta ee ummadaha kula midka ahi ay ka soo baxeen qarniyo ka hor, maanta waxa tilmaan u ah noloshaadaas aqoon la’aan, deganaansho la’aan, gaajo, biyo dhaamis, cudur, danwadaag la’aan …. kuwaas oo sidii loo maareyn lahaa adiga lagaa sugaayo, caddaaladuna waxay sugaysaa in aanu jirin wax iyo walax sideeda u  khaldan haddii aanad adigu khaldin, , sidaa darteed waxa lama dhaafaan ah in aad qofnimadaada la garanto.

3. Qofka iyo Uumanaha: Qaybta saddexaad ee caddaaladu waxay la xidhiidhaa inaad ka xaqsoorto xidhiidhka ka dhaxeeya adiga iyo uumanaha kale oo dhan, ha ahaado mid dhiggaa ah ama mid aan ahayn, mayeedhaan ama deegaan …waxaad ugu caddaalad sameynaysaa in aad saxdo khaladkiisa, u tilmaanto wanaaga, dembi aanad ka gelin, waxa uu gaarka u leeyahay aanad ku gefin, ixtiraam qofnimo iyo abuur uu kaa helo, danta idinka dhaxaysa si wadajir ah oo hufan aad ku ilaalisaan.

Caddaaladu waajib ayey u aragtaa in aad dulmiga  diiddo, oo weliba aad iska difaacdo, laakiin waa in aad si caddaalad iyo xaqsoor cad uu ka muuqdo aad u martaa marinkaas, maaha adiga oo dulmi iyo jujuub diiddan in aad gasho denbi ka weyn kan aad ka dagaalamayso, marar badan habka aad ula dhaqanto cadowgaaga ayaa aasaas u noqoda natiijada ka dhalata difaacaaga.

Uumanaha laguma duudsiyo xaqiisa iyada oo lagu takooraayo waxa uu aaminsan yahay, midabka uu leeyahay, qabiilka uu yahay, kaalinta uu bulshada kaga jiro, da’da uu yahay … falkaas waxa maanta uu calaamad u yahay dadyow is bidey in ay hanteen uunka, kuwaas oo markii ay wax walba soo sameeyeen gaadhay inay hanka umadaha burburiyaan si aanay u soo kicin, hantidoodana ka dhigtaan kayd iyaga u yaal.

Deegaanka iyo waxa uu koobsanaayo oo dhan waxa loogu xaqsooraa in laga dhowro dhibta ku keenaysa dhelan gediga, waxa loo daryeelaa in faa’iidooyinkiisa la kobciyo tiro iyo tayo ahaanba, waxaana lagu dedaalaa in jiritaankiisa la dheereeyo cimrigiisana lala tacaalo.

Marka arrimahaas la fuliyo iimaanku si dhaxal gal ah ayuu nolosha u hagaa, waxaanu qofku noqdaa kan u mudan uumanaha, haddiise baal laga dhafo qofku waxa uu ka hoos maraa MAYEEDHAANKA.