Wasaaradda Daakhiliga Oo Soo Bandhigtay Tiradda Dhalinyarada Bil Kasta La Tahriibiyo

0
636

Picture2Hargeysa (Geeska) – Wasaarada arimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegtay inay dawladda Itoobiya xidhiidh kala samaysay sidii loo horjoogsan dhalinyarada Somaliland ka tahriibaysa ee dalkooda sii dhex maraya iyo weliba sidii loo soo celin lahaa.

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa sidoo kale ka hadlay tiradda dad Tahriibayey oo lagu qabtay xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay ilaa 45 qof oo dhammaantood dhalinyaro ah.

Agaasimaha guud oo shalay ka qayb-galay dood Jaamacadda Hargeysa ka qabatay masiibada Tahriibka iyo sida looga hortaggi karo, ayaa sidoo kale sheegay in qiyaas ahaan 150 qof Somaliland laga tahriibiyo bil kasta, taasi oo muujinaysa in Tahriibku faraha ka baxay.

Agaasimaha guud oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu  yidhi  “Qiyaas ahaan 150 qof ayaa dalka (Somaliland) laga tahriibayaa ama ka tahriiba celceliska aanu samaynay bil kasta, masiibadani waa mid laga shaqeeyay oo isku xidhan oo ka jirta dhammaan gobollada dalka, kuna xidhan Itoobiya, Suudaan ilaa Liibiya, waxaad ogtihiin in dadka inta la kaxaysto in loo qabsado madax furasho, waxaanad ogtihiin in qofka madax-furasho laga waayo in beerka iyo kalyaha lagala baxo, labadii maalmood ee u dambeeyayna masiibo arintaasi sababtay ayaa shan qoys oo Hargeysa ahi ay Tacsi u fadhiyeen, qoysaskaana waxa ka mid ah qoysaska masuuliyiin xukuumadda ah, markaa masiibadani waa masiibo gashay qoys walba iyo meel walba”

Agaasimaha guud waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu samaynay hawlgal aanu xuduudaha ku adkaynayo, Gobolka Buuhoodle ilaa Salal, waxa la qabtay ilaa 45 dhalinyaro ah oo 13 ilaa 18 jir ah, waxa la qabtay 15 qof oo lagu tuhunsan yahay inay Tahriibiyayaasha yihiin, xidhiidho ayaa lala sameeyay Itoobiya, taana waxa ka dhalatay in la soo celiyo oo hadda la hayo ilaa 35 qof, 200 qof-na ay dhexda ku soo jiraan oo la soo qabtay, kuwaasi oo wada da’yar ah, mana aha dad dhaqaale ka baxay ee waa dad farsamadaasi isku xidhiidhsan lagu kexeeyay, markaa waxyaabaha loo baahan yahay ee deg-deg ah waxa ka mid ah in xuduudaha la adkeeyo, in dadka la soo qabto markaaba xukun adag lagu rido, in la adkeeyo kaantaroolada iyo meelaha laga baxo”ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey “Markaa haddii aynu nidhaahdo maxaa sababay masiibadan, sabab uma samayn karno, waa Dambi, waayo waa tahriibin, markaa odhan mayno dhaqaale xumaa sababtay iyo dhaqaale xumaa sababtay, qofka waxa ku shaqeystana waa in dhagax lagu dilaa.”