Kocdoonkii Guga Carabta ee masar ka hilaacay iyo banana-baxyo rabashado wata oo daba dheeraaday waxay masar ku abuureen xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, Dawlada Ikhwaantu waxay ku haftay xalinta iyo dejinta arrimaha murgay ee dalka gudihiisa, waxay ka mashquuleen ilaalintii iyo foojignaantii biyaha webiga Niilka iyo kuwo kaleba sida doorkii Hogaamineed ee barriga dhexe ama Dalalka Carabta.
Si kastaba ha ahaatee masar waxay ku hamababartay dhismaha Biyo xidheenka Abay ee Itoobiya ka hirgelinayso (Blue Nile-ka).
Masar Biyaha webiga waxay u arkaan inay yihiin xuquuq iyo mulki ay iska leeyihiin oo ay ku heleen heshiis ay boqortooyada ingiriiska la galeen 1929 oo siinaya in ka badan Boqolkiiba %90 iyo Heshiis kale oo ay sudan wada galeen 1959 markii ay xoriyada qaateen oo ay biyaha webiga ku kala qaybsadeen.
Heshiisku wuxuu masar siinayaa %75 Sudana %25 isku geyntu waa %100.
Waxa wax lala yaabo ah waxba looma qoonadayna lamana tixgelin wadamada webigu ka yimaado ama soo dhex maro ee barriga Africa haba yaraatee, waxa ka sii la yaab badan oo heshiisku dhigayaa in haddii dalalka webigu ka yimaado mid ka mid ahi doono ama damco inuu isticmaalo biyaha webiga Nile-ka waa inuu fasax ama Ogolaansho ka helaa Gudi ka kooban Masaari iyo sudan kaliya.
Waxay sidaas soo ahaataba 2010 kambala waxa shir isugu yimid dalalka bariga Africa ee Nile-ku ka yimaado iyaga oo u arka heshiisyada masar ku doodayso in ay yihiin kuwo baadil ah ama duudsiyaya xaq ay u lahayeen Biyahooda ama qayb ka mid ah oo aanay marti uga noqon Dal kale ama Ogolaansho uga doonan.
Shirka waxa qaadacay masaarida oo ku dooday in aan laga wada hadli Karin habayaratee wax ku saabsan isticmaalka biyaha Nile-ka sidaas oo kale waxa iyana ka soo qayb gelin Sudan oo lagu yaqaano inay markasta Taageerto siyaasadaha Masar ee ku aadan biyaha webiga iyo danaha kale ee ay ka leeyihiin Barriga Africa hase yeeshee wadamada Nile-ku ka yimaado ama soo dhex maro waxay isku raaceen inay mashaariic ka samaystaan iyaga oo aan cidna uga amar qaadan.
Dawlada masar go’aankaa waxay ku tilmaantay inuu la mid yahay Masar oo lagu soo duulay sidaa daraadeed waxaanu kaga hortagi doonaa Talaabo Milatari, waxayse xiisadu qabowday Dawaladaha barriga Africa oo dhaqaale ahaan awoodi Kari wayay inay Mashaariic ka hir geliyaan agagaarka Nile-ka, isla markaana Masar waxay ku Guulaystay iyada oo kaashanaysa Dawladaha kale ee Carabta inay iska hor taagto in Dawladaha waaweyni Maal galiyaan Mashaariic samayn ku yeelan kara Biyaha Nile-ka.
Run ahaantii ma aha wax lala yaabo in Dawladaha reer galbeedku sidaa yeelaan maxaa yeelay danaha ay ku leeyihiin bariga dhexe iyo dunida carabta ayaa aad uga muhiimsan kuwa ay ku leeyihiin bariga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee raysal wasarihii hore ee Itoobiya Mr Meles Zenawi wuxuu si lama filaan ah ugu dhiiraday dhismaha Biyo xidheenka Abay oo ku kacaya Lacag dhan 4.5 Bilayan Dollar iyaga oo isku tashanaya.
Hadaba markii ay u cadaadtay in itoobiya awoodi karto dhismaha biyo xidheenka maxay madaxda masar ka tidhi? Bal cabaar aynu is dul taagno hadalada ka soo yeedhay Madaxweynaha Maxamed Mursi iyo isla weynida ka dhadhamaysa hadaladiisa: “ Cidna uma ogolaan karno Dhibic ka mid ah Biyaha Nile-ka, waa lama huraan In aanu qaadno Talaabooyin aanu ku xaqiijinayno amniga biyaha masar, Madaxweyne Maxamed Mursi arrinta dhaamka wuxuu ku tilmaamay inay tahay khatar weyn oo soo waajahday Masar.
Waxa jira Siyaasiyiin kale oo ku tiraabay hadalo ka sii adag kuwa madaxweynaha oo soo jeediyay in si rasmi ah loogu dhawaaqo dagaal, inaga oo ka duulayna dareenka iyo hanjabadaha madaxda ugu saraysa Dawlada masar shaki la’aan waxa la odhan karaa dagaalkii Biyuhu wuu bilaabmay, haddii aanu soconba.
la soco ……….. qaybta danbe
C/raxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com
Comments are closed.