Maxaa Sababay In Saddexdii Dhadhaar Is Dheeli Tiri Waayaan?

0
556

Picture1Sidii aan qaybtii hore ku xusnay,  Qabiilku waa AAFADA  u wey ee halista ku ah MAAMUL-WANAAGA iyo horumarka Dalka. Waxa ay saamayn ku leedahay  is-dheelitirkii Xukuumadda, Xeer-dejinta iyo Garsoorka. Qabiilku qayb weyn buu ka qaadataa, OLOLAHA  DOORASHADA. Taasaa qayb  ka ah tayo xumada maanta la dareemayo.

Waxa intaa dheer, Dastuurkii iyo sharcigii oo la baal maray, wuxu isu soo dhoweyay danihii gaar ahaa ee Xukumadda iyo Baarlamaanka. Markaa saddexdii DHARDHAAR ee IS-DHEELI TIRAYAY way isu soo dhowaadeen. DHERIGII dhinacbuu u ciiroo halis buu ku sugan yahay.  Laba tusaale oo gaaban;

Markii Golaha Wakiilada muddadii wakhtigu ka dhamaaday 2005 xukuumaddii wakhtigaasi waxa ay G/Guurtida ka dalbatay muddo kordhin G/Wakiilada, oo saddex sano ah. G/Guurtida ma weydiin sababta Xukuumaddu xilkeedii u gudan weyday ee doorashadii ugu qaban weyday wakhtigeeda.  Xukuumaddu waxa ay markaa, mutaysatay Xil ka qaadid (impeachment), xil-gudasho la’aanta awgeed.

Haddana mar labaad 20 13 ayay Xukuumaddu ka dalbatay G/Guurtida muddo kordhin G/Wakiilada, oo laba sano ah. Markaana G/Guurtidu ma weydiin Xukuumadda, waxa ay u gudan weyday xilkeedii oo ay u qaban weyday doorashada wakhtigeedii. Mar labaadna  xil ka qaadid bay mutaysatay xukuumaddu.

Sabadaha muddo kordhinta, sida sharcigu dhigayaa waa sidan soo socota, oo ma aha wax dhacay. Dastuurka Qod 42-3  Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi waydo duruufo adag awgeed, Duruufaha adagi waa: 1.Dagaal baahsan.   2. Xasilooni darro gudaha ah. 3.Aafo dabiici ah oo oculus sida dhul gariirka , cuduro faafa, abaar culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Waxa halkaa ka caddaatay in ay Xukuumadda iyo Baarlamaanku danaysteen oo ay u arkeen in muddo kordhinta faa’ido ugu jirto giddigood. Ugu yaraan doorashada oo dib u dhacda iyo mushaharka oo u socda. Waxa halkaa ku lumay; Xilkii, dhaartii iyo danihii Ummadda oo ay ka doorteen danahooda gaarka ah.                                                                                                                        

Arrin labaad, Baarlamaanku ma sameeyaan xisaab-xidh, miisaaniyadda loo qondeeyay. Halkaana waxa ay la wadaagaa Xukuumadda, Xisaab-xidh la’anta. Waa dambi ay giddigood wadaagan. Waa xuddunta MUSUQ-MAASUQA, oo maraysa halkii u sareysay 100%.                                                                   DASTUURKA QOD.39, G/Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana Qaybta 1aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hogaaminta dalka. Muwaadin Golihii aad soo dooratay xilkaa ma guttay?

Si dadweynuhu  u la socdo, madaxdii uu doortay, wax qabad kooda, tusaale ahaan,  wuxu  Goluhu u qaybsan yahay: Siddeed guddi-hoosaad. Bal aan tilmaan ka bixiyo qaybaha iyo hawlaha  Goluhu u xil saaray Guddi Hoosaad walba.  Taas oo iftimin doonta, xil-gudashadooda iyo dhaliilahooda. Aan ku bilowno:-                                                    

Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabadgelyada, Guddi Hoosaadka; shaqadoodu waa sidan soo socota:-

a) Guddi-hoosaadkani wuxuu u xilsaaran yahay oo Goluhu u egmaaday dabagalka iyo la socodka habsami u taabagelinta xasiloonida iyo amniga (Enforcement of Law and order) iyo xaqiijinta iyo qiimaynta

b) siyaasadda difaaca dalka iyo Qaranimada (State Policy on defense of Sovereignty and Territorial Integrity).

c) Guddi-hoosaadku wuxuu arrimahaas kala xidhiidhi doonaa Hay’adaha  ku shaqada leh sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga iyo Hay’adaha kale ee amniga iyo nabadgelyada u xilsaaran.

d) Guddi-hoosaadkani wuxuu xilgudashadiisa ku salaynayaa Dastuurka, sida qodobada 48, 49 iwm iyo xeerarka kale ee dalka ee hawshooda khuseeya.

Hawlaha kale ay tahay in ay qabato, waxa ka mid ah; ku daba jooga Wasaaradda A.Gudaha, kala xadaynta Gobolada iyo degmooyinkii hore. Ka talo-bixin degmooyinkii iyo Goboladii cusbaa ee Daahir  Rayaale magacaabay, si Baarlamaanku u ansixiyo.  Maamul fidinta iyo gacan ku haynta degmooyinka Dalka.  Arrimahani waa qabyo.

Waxa kale oo ay ka baaqsatay samaynta E-Passport , oo kharashka lugu daabaco ku soo celin lahaa, laba moosin oo Muwaadiniintu XAJJka soo guttaan. Dadweynaha waxa ay ka furan lahayd Baasaboor  shisheeye.

Dhinaca amniga; Somaliland waxa soo food saartay, ARRINTII  UGU  HALISTA  WEYNAYD intii ay jirtay ee 22ka sannadood. Waa : CIIDANKA  RRU, waxa ay wadaan, arrin khatar ku ah; XASILOONIDA IYO NABADGELYADA DALKA,  haddii aan la joojin. Dilka iyo tacaddiga ay dadweynaha u geystaan, ma aha mid loo dulqaadan karo.

Wasiirka A. Gudaha  iyo Taliska Booliisku, kama bixiyaan jawaab  su’aalaha KA SOO BAXA FICILADA AY RRU KU KACAAN.

Waxa isweydiin mudan:-                                                                                                                                          1. Maxaa loo sameeyay ciidanka RRU?.

2. Waa maxay ujeedadiisu?                                                                                                                                       3. Waa maxay hawl galkoodu?                                                                                                                                 4. Ayaa ka mas’uu al ah khasaaraha uu geysto?

5. Ayaa amarka hawl galka siiya?                                                                                                                      Su’aalanhan, Xukuumadda iyo Xeer-dejintu, jawaab cadd ha ka siiyeen Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 Ficilada RRU, ma aha shaqo booliis. Booliisku Waji ma qariyo, albaabo ma jebiyo, werar kuma qaado reer iska deggan. Booliisku ruqsad maxkamadeed buu u soo qaataa halka uu baadhayo  ama daba socdo. Ka bacdi maxkamad baa la hor keenaa.

Ficilada RRU waa tababar ARGAGIXISO, MUWAADINIINTA REER SOMALILAND  WAA DAD NABAD GELIYADA JECEL, WADANKOODANA U FEEJIGAN ILAALINTIISA.   Madaxweynaha miyaan xil ka saarayn dhacdooyinkan RRU ee noqday taxanaha?  Madaxweyne, KA- HOR- TAG KHATARTA RRU dadweynaha ku hayso.                                    

ALLAA  MAHAD  LEH

Eng. M axamed Xaashi