Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Muquuratay Ka Hadalka Ergo La Sheegay Inay Muqdisho Shir Kaga Qaybgaleen

12
596

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ka muuqaratay inay ka hadasho Agaasimayaal iyo Xirfadlayaal caafimaad oo Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kaga qayb-galay shirwaynaha caafimaadka ee dalkaasi, kuwaasi oo qaarkood ka tageen Magaalooyinka Laascaanood iyo Burco ee Somaliland.

Shirkan oo muddo saddex Maalmood ah soconaya isla-markaana uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Khamiistii ka furay Muqdisho, ayaa waxa ka qayb-galaya dhakhaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo tiradooda lahu sheegay 270, kuwaasi oo isaga kala yimid gobollada Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka horumarinta addeegyada bulshada ee dalka Soomaaliya Maryan Qaasim oo shirkaasi ka hadashay ayaa caddaysay in shirka dib u habaynta Caafimaadka ee Muqdisho ka furmay ay ka qayb-galeen Agaasimayaal iyo xirfadlayaal caafimaad oo ka socda Somaliland iyo Puntland “Agaasimayaal ka socda Somaliland iyo Puntland ayaa shirkan ka qayb-galaya” ayay tidhi Wasiir Maryan Qaasim oo intaasi ku dartay “Waxa ka qayb-galaya dhakhaatiir iyo ka kala yimid Burco, Laascaanood ilaa Kismaayo”.

Xirfadlayaashan Caafimaad ee gaadhsiisan heer Agaasime iyo dhakhaatiirta kale ee Magaca Somaliland kaga qayb-galay shirkaasi, ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen xirfadlayaasha caafimaadka ee ku jira shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ka mushahar qaata isla-markaana ay si qarsoodi ah u tageen Magaalada Muqdisho kana qayb-galeen shirkaasi, balse Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ka muquurtay inay ka hadlaan fadeexadan la soo deristay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi oo aanu xalay isku mashquulinay inaanu arritan waxa ay kala socdaan wax ka waydiino, ayaanay noo suurtogalin, ka dib markii midkoodna Telefoonkiisa gacanta qaban waayay, taasi oo muujinaysa inay ka badheedheen ka hadli la’aanta shaqaalahooda sida xoriyadda ah Muqdisho uga qayb-galay shirkaasi.

Comments are closed.