La Taliyayaal Madaxwayne Oo Mar Iska Wada Casilay Xubin-nimadii Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha Kulmiye

1
593

Picture3Hargeysa (Geeska) – La taliyaha gaarka ah ee Madaxwaynaha Dr Cumar Cilmi Dixood iyo la taliyaha Madaxwaynaha ayaa arrimaha haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan, ayaa labadooduba iska casilay xubin-nimadii guddida qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga Kulmiye.

Dr Cumar Cilmi Dixood iyo Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo labadooduba ka mid ahaa 15-kii xubnood ee sida gaarka ah isaga dhex doortay hogaanka guddida qaban-qaabada, ayaa caddeeyay inay gabi ahaanba iska casileen xubin-nimadii guddida qaban-qaabada shirwaynaha Kulmiye.

La Taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee arrimaha haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo shalay u warantay Mareegta Hadhwanaagnews, ayaa tidhi “Waxaan kuu caddaynayaa inaan iska casilay xubinimadii gudida qaban qaabada ee shirwaynaha Kulmiye” Amaal oo la waydiiyay sababta ay isku casishay ayaa ku jawaabtay “Waxaan isu casilay arrimo ii gaar ah”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay oo ay sheegtay inay iscasilaadeeda u gudbisay Guddoomiyaha Kulmiye “Waan u gudbiyay warqada iscasilaada Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye”

Dhanka kale, La taliyaha gaarka ah ee Madaxwaynaha Dr Cumar Cilmi Dixood, ayaa isuguna war-saxaafadeed uu xalay soo saaray oo Wargeyska Geeska Afrika helay ku caddeeyay inuu iska casilay xubin-nimadii guddidii qaban-qaabada shirwaynaha Kulmiye.

War-saxaafadeedka Dr Cumar Cilmi Dixood, ayaa u dhignaa sidan “Anniga oo ah Dr Cumar Cilmi Dixood, waxaan halkan ku caddaynayaa inaan iska casilay xubin-nimadii guddiga qaban-qaabada ee shirwaynaha Kulmiye, waxaan guddoomiye kaaga mahadnaqayaa inaad xilkan markii hore ii garatay imikana waxaan kaa codsanayaa inaad iga aqbasho is casilaadan, ka dib markii aan arkay murankii iyo kala qayb-sanaantii ay ku keentay arrintaasi oo ilaa Madaxwaynaha gaadhay.

Anniga oo eegaya danta xisbiga, ta qaranka iyo xaaladda waddanku ku jiraba waxaan ku rejo weynahay inaad ig aaqbasho is casilaadan”

Comments are closed.