Jasiiradda Lampadusa: Xabaalaha Tahriibayaasha

34
616

Picture2Lampedusa (Geeska)-  Saxafi ka tirsan shabakadda Aljazeera ayaa dhowaan booqday jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga oo tan iyo sannadkii 1998kii bartilmaameed u ahayd tahriibayaasa u ordaya in ay galaan qaaradda Yurub laakiin badankoodu ay ku dambeeyaan badweynta ama xabaalaha guud ee jasiiraddan.

Hadal haynta magaca jasiiraddan ku taalla badda Mediterranean ku waxa ay dunida ku faaftay markii ay soo noqnoqdeen shilalka tahriibayaasha ka imanaya dalka Liibiya ee ku qarqoomaya badaha jasiiraddan oo labaatankii sano ee u dambeeyey qabta 19 kun oo qof. Warbixin uu saxafigu ka diyaariyey safarkan uu ku booqday jasiiraddan xabaasha u noqotay dad badan oo Afrika uga tahriibay nolol xumo, hammigooduna ahaa in ay gaadhaan riyadooda ah nolosha jannada ah ee Yurub, ayaa sheegay in jasiiraddan bedkeedu uu yahay 20 kilomitir oo keliya, dadka ku noolna tiradoodu waa 5 kun oo ruux. Waayadii hore Jasiiradda Lampedusa waxa ay ahaan jirtay xabsi loo mustaafuriyo dadka dembiyada gala, tan iyo sannadkii 812kiina waxaa degitaankeeda isu weydaartay qawmiyado kala duwan oo ay ka mid yihiin Giriig, Roomaaniyiin, Byzantines, Carab iyo Talyaani.

Muhiimadda:

Markii uu Maraykanku weerarka cirka ah ku qaaday dalka Liibiya sannadkii 1986kii ayaa uu hoggaamiyihii la dilay ee Liibiya Mucammar Al-Qaddaafi oo xilligaas ka talinayey ku fashilmay weerar aargoosi ah oo uu markiiba laba ka mid ah gantaalaha Scud ka loo yaqaanno ku riday jasiiraddan. Sannadkii 1989kiina waxaa jasiiraddan ku bilowday mawjado laashash ah oo sida qaxoonti ka imanaya qaaradda Afrika oo doonaya in ay u gudbaan dalalka Yurub, iyada oo ay sannad kasta sii kordhayeen tirada qaxoontiga gaadhayey, tusaale ahaan sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxoontiga adduunku, sannadkii 2003da waxaa jasiiraddan gaadhay 8 kun oo qof, sannadkii xigayna 13kun oo qof, sannadkii ku sii xigay oo ahaa 2005tiina waxaa gaadhay in ka badan 20 kun oo qof, intii ka dambaysay bilowga kacdoonnada gu’ga Carabta oo ahayd 2011kiina tirada dadka gaadhay jasiiraddan waxa ay kor u dhaaftay 80 kun oo ruux.

3dii bishii tobnaad ee sannadkan waxaa jasiiraddan ka dhacay shilkii ugu xanuunka badnaa kadib markii uu ku qarqoomay laash ka yimi dalka Liibiya oo siday in ka badan 500 oo qaxoonti Soomaali iyo Eretariyaan isugu jira, ninkii tahriibayaashan naakhuudaha u ahaa ayaa isku dayey in uu maro yar gubo si ay dabka u soo arkaan ciidamada badda ee Talyaanigu oo ay u badbaadiyaan, laakiin nasiib darro dabkii waxa uu si kedis ah u qabsaday doontii oo gubatay ka hor intii aanay degin, waxaana ka badbaaday 155 ruux oo keliya. Intii shilkan ka dambaysay waxaa jasiiraddan booqday siyaasiyiin iyo dad kale oo caalamiya oo uu ka mid yahay guddoomiyaya midowga Yurub, iyo wadaadka ugu sarreeya Vatican ka. Intaa kuma ay joogsan ee 11kii bishii tobnaad waxaa mar kale qarqoomay laash shiday 400 oo qof oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Liibiya rasaas ku fureen isaga oo maraya meel u dhaxaysa Lampedusa iyo Malta waxaana laga badbaadiyey 206 ruux, intii kalana waxaa loo aqoonsaday in ay ku biireen dadka tirada badan ee baddan ku maqan.

Labadan shilba waxaa safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga lagu wareejiyey maydka tahriibayaashii Soomaalida ahaa oo ay ku aaseen xabaalaha Muslimiinta ee magaalada Roma. Xeebta jasiiraddan waxaa daadsan hadhaadiga boqolaal laash oo isugu jira kuwo burburay iyo kuwo weli shaqayn kara oo Lampedusa nolol ku keenay ama badweynta geeri kaga yimi kumanaan qaxoonti Afrikaana ah, waa xusuuso murugo leh oo marka ay indhuhu ay arkaan aad garanayso baaxadda ay leedahay masiibada ka dhacday jasiiraddan iyo badda ku xeeran, oo ay dad badani jeclaan lahaayeen in loogu yeedhay xabaalaha tahriibayaasha.

Comments are closed.