Sheekh Saleeban Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu KULMIYE Ku Wareejiyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi

0
661

Berbera(Geeska)-Agaasimahii hore ee wasaarada diinta iyo awqaafta xukuumadii madaxweyne Siilaanyo Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ku wareejiyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.                                                                                             Waxa uu Sheekh Saleebaan sheegay in xaalada nolaleed ee dadku ay gaadhay meeshii ugu hoosaysay lana arkaayo faramadhnaan isa soo taraysa, isla markaasna hogaaminta iyo amaanka dalku uu dabcay, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Sahan isaga oo Berbera ku sugan waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay“ Maxamuud Xaashi waa nin weyn oo siyaasi ah oo waxtar ah oo dalka iyo dadka aqoon u leh oo isku wadid leh oo ragii waaweynaa ee Somaliland mudada dheer ka soo talinaayay ka mid ah, SNM-tii haday tahay Burco ka talinteedii haday noqoto,baarlamaan soo ahaa waa nin la arkay, xilalka Muuse lagu arkay iyo xilalka Maxamuud lagu arkay wax badan kuwa Maxamuud lagu arkay sida runta ah, Muuse  dadku waxay isa soo mareen laba sano oo wasaarada daakhiliaga ah laakiin Maxamuud mudo dheer ayuu soo shaqaynaayay,  aragtidayda ragaas kulmiye u sharaxan markaan eego nin uga haboon ma jiro ayaan leeyahay ee ama inqilaab ayay noqon hebel ayaa loo yeedhinayaa ee hebel halagu wareejiyo ayay noqon ama dad caqli leh ayaa codayn doona way arki doonaan dadka caqliga leh qofka ku haboon xisbiga wadistiisa iyo sii jiritaankiisaba.”                                                                                                                  Waxa uu ka hadlay xaalada nolaleed ee dalka“Aragtidaydu waa aragtida bulshada uun shayga hadaad kali ku noqoto waxa la odhanayaa fikirkaas qofkaas ayaa iska leh laakiin bulshadu waa ay dareemaysaa dabac intii xukuumadani jirtay, haduu mid maamul yahay, haduu mid dhaqaale yahay, haduu mid amni yahay way dareemaysaa, miisaan ayaa yaala oo xukuumadu waa xukuumadii Kulmiye amnigeena daakhiligu waa uu liitaa Ceel-afweyn ayaa bakhtiyi la’ saddex sano iyo siyaado, taas dhaqaalaha hadaan dib ugu joqdo dhaqaalaha hoos u dhaca halkee laga dareemaa, waxa laga dareemaa dadku cuntada ay cunayaan dadkeena habeenkii cashaynaaya 90% harakoo ayay cunaan,hadaad aragto maqaaxiyaha garowga iyo harakooga oo camirma dadkii meel kale ayay tagi kariwaayeen, markaas waxaad eegtaa xaafadiinii Hargeysa maxaa ku soo kordhay garowle iyo Harakoole maxaa hudheelkii caadiga ahaa ee cuntada laga cuni jiray xidhmay oo labaabadu ay isa sudhan yihiin waxa kuu soo baxaysa dadku maxay hayaan.”

Agaasimahan hore ayaa madaxweyanha u soo jeediyay inuu ku da’daalo inuu taariikh wanaagsan ka tago“ Madaxweyne waan kula shaqaynaynaa muddo xileedkaaga cidina kursiga kuuguma iman karoto cidina kaama qaadi karto laakiin taariikh ayaa kuu qormaysa, cidi ku badali mayso alle ayaa kuu doortay lagaamana qaadi karo laakiin waxa kaa hadhaysa sideetan jir ayaad ku dhawdee wax sideed boqol oo sano lagugu hadal hayo haday kuu wanaagsanaato sideed boqol oo sanaad wanaajisay hadaad xumaysana sideed boqol oo sanaad xumaysay  waayo lagumana badali karo cid xisaabtaada ogaan kartaana ma jirto intuba adiga iyo alle ayaa ka xisaabtamaaya, waxaanse kugula talinayaa inaad dadka la tashato,cidaad u tuhmayso inay caqli leeyihiin inaanad u fahmin marka wax la sheegayo in lagu dhaliilayo laguma dhaliilayo waa lagu toosinayaa, waayo adigu waxa aad wadaa waxaana laga yaabaa in aanay kuu muuqan waxa suuqa yaala, suuqa wax badan ayaa yaala madaxweyne, walaahi saddexda u hadhay haduu sidaas ku sii wado meel kale ayaynu ku waabariisanaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here