Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Denmark Oo Ka Hadashay Xafiis Ay Shalay Ka Furteen Magaalada Hargeysa Iyo Hawlaha Shaqo Ee Uu Qaban Doono

0
485

 

Picture8Hargeysa (Geeska/RITZAU)- Wakaaladda wararka ee RITZAU oo laga leeyahay dalka Denmark ayaa shalay baahisay in wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Denmark iyo gaar ahaan xafiiska dalkaas u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo DANIDA ay xafiis ka furanayso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana shalay si rasmi ah Hargeysa u soo gaahay laba xubnood oo ay dawladda Denmark Hargeysa u soo wakiilatay, kuwaas oo uu  shalay xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaana wakiilka Denmark ee Somaliland magaciisa la yidhaahdaa Mr. Soren Skou Rasmussen.

 

Sida ay wakaaladda RITZAU ku sheegtay warkan, wasiirka dalkaas u qaabilsan horumarinta Christian Friis Bach ayaa sheegay in uu aad ugu faraxansan yahay in dalkiisu noqdo wadankii dalalka reer galbeedka ugu horreeyey ee xafiis rasmiya ka furtay Somaliland. “Si gacan looga geysto dadaalka lagu xasilinayo Soomaaliya, taageero inta hadda ka badanna loo siiyo baahiyaha horumar ee ka jira gobolka, hay’adda Denmark u qaabilsan caawimada dibadda ee DANIDA waxa ay dooratay in ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay 4-tii august soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Denmark.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Denmark ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskani yahay kii noociisa oo kale ugu horreeyey ee abid dal reer galbeed ahi ka furto Somaliland, kaas oo qaabka uu u shaqaynayaana noqon doono mid laba geesood ah oo macneedu yahay in uu xidhiidh shaqo oo toos ah la samaynayo dawladda Somaliland.

Wasiirka horumarinta iyo caawimada ee dalka Denmark Christain Friis Bach ayaa mar uu booqasho ku yimi Somaliland bishii February ee sannadkan waxa uu ballan qaaday in uu dalkiisu Hargeysa ka furan doono xafiis isku dubarida barnaamijyada dalka Denmark ka wada Somaliland, arrintaas oo aad looga soo dhoweeyey dhinaca Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Denmark ayaa tallaabada ay xafiiskan kaga furanayso Somaliland ku tilmaamtay mid qayb ka ah ka shaqaynta horumarinta dalalka aan cagaha adag ku taagnayn, taas oo ay sheegeen in khatarta ay yeelan karto ay ugu badheedheen rajada ay ka qabaan in ay kaalintooda ka qaataan gacan qabashada lagama maarmaanka u ah horumarka ay dalalkaasi hiigsanayaan.

Tan iyo markii dawladdii dhexe ee Somalia burburtay sannadkii 1991-kii, oo uu dalkaas ka dhacay burbur dhaqaale, bulsho iyo bani’aadamnimo, Somaliland oo dhinaca woqooyi galbeed ee Somalia ku taallaa waxa ay samaysay horumar muuqda iyo aragti ay ku abuurayso xasilooni xooggan iyo horumar” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Denmark.

Wakaaladda wararka ee RITZAU ayaa ka soo xigatay wasaaradda arrimaha dibadda in dalka Denmark uu muddo afar sano ah Somaliland soo gaadhsiiyey caawimo qaddarkeedu dhan yahay 112 (Boqol iyo laba iyo toban) Milyan oo doolarka Maraykanka ah. “Taas oo qayb ka ah qorsha waqtiga fog ee uu dalkaasi ku doonayo in uu kaga qayb qaato xasilinta Soomaaliya, si ay dib ugu soo noqoto dal amnigiisa ilaashan kara, isla markaana dhisan kara dhaqaale sal-deggen iyo horumar bulsho” ayaa ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Denmark ku sheegtay warkan aanu ka ka soo xigannay wakaaladda wararka ee RITZAU. Iyada oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaysa meelaha loo adeegsan doono caawimada ay Somaliland siisana waxa ay hoosta ka xariiqday, dhismaha hay’ada adeegga bulshada, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo horumarinta curinta bulshada. Iyada oo wasaaraddu muujisay in Somaliland uu ka socdo horumar togan.

“Maamulka Hargeysa waxa uu muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay in uu dadka ku hoggaamiyo dib u dhiska. Dadaalkaas ayaana Denmark ku beeray in ay xoojiso dadaalka Somaliland” ayaa ay wakaaladda RITZAU ka soo xigatay wasiirk Christain Friis Bach.

Wakaaladda wararka ee Ritzaus oo ku hadasha luuqadda Danish waxaa la aasaasay sannadkii 1866-kii waana wakaalad wareed oo madax bannaan tan ugu weyn Denmark waxa aanay soo saartaa wargeysyo iyo warbaahin kala duwan oo maalinle ah.