Mr. Xaglatoosiye Iyo 70 Oday Oo Uu Horkacayo Oo Xalay Oog Ku Hoyday Iyo Wada Hadalka Oo Maanta Ka Furmaya Caynabo

0
475

 

xaglaHargeysa(Geeska)-Ergo tiradoodu gaadhayso 70 oday dhaqameed oo uu horkacayo Dr. Saleban Ciise Axmed (Xaglatoosiye), oo shalay ka soo ambo baxay magaalada Buhodle, ayaa xalay cawayskii soo gaadhay magaalada Oog ee gobalka Sool, ka dib markii ay shalay gabal dhicii deegaanka la yidhaahdo Yeyle oo dhinaca Buhodle ee hawdka ka xigta magaalada Oog; isugu yimaadeen wefti ka socday Somaliland, oo habeen hore ka ambobaxay magaalada Hargeysa, waxaanay wasiiradu halkaas si diiran ugu soo dhaweeyeen Saleban Ciise Axmed iyo weftiga odayaasha ah ee uu horkacayo.

 

Weftiga Somaliland ayaa markii hore qorsheeyay inay odayaasha iyo hoggaamiyihii hore ee jabhadda SSC kula kulmaan degmada Balidhiig ee gobalka Togdheer oo dhacda xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, laakiin waxa la sheegay inay qorshahaas isla habeen hore bedeleen, waxaanay ergada reer Buhodle iyo weftiga Somaliland xalay u hoyden magaalada Oog, waxaana la filayaa in wada hadalku maanta ka furmo magaalada Caynaba. Ergadaas Buhodle ka timid ayaa la filayaa inay wada hadal la furaan dawladda Somaliland ka dib markii ay aqbaleen baaqii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu soo jeediyay, waxaanay wararku sheegayaan inay ergada iyo Mr. Xaglatoosiye marka uu wada hadalku dhamaato ay suurtogal tahay inay Hargeysa u soo ambobaxaan.

Weftiga ka socday dhinaca Somaliland ayaa waxa ay kala yihiin saddex wasiir oo uu weheliyo guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe.