Wasaarada Xanaanada Xoolaha Oo La Wareegtay Daawooyin Kuwa Xoolaha Ah Oo Ay Soo Iibsatay

1
759

 

Hargaysa( Geeska)- Wasaarada xanaanada xoolaha ayaa la wareegtay daawooyin kuwa xoolaha ah oo ay sheegtay inay ku bixisay qanadaraas ku kacay kudhawaad Sodan kun oo doolar.

Agasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne) ,ayaa dawooyinkan kala wareegay shirkada Hilaal oo iyadu daawooyinka keentay dalka. Waxaanu agaasimahu daboolka ka qaaday inay daawooyinka u soo iibiyeen xoolo-dhaqatada Somaliland si ay uga taageeraan in la’sugo caafimaadka xoolaha.

Agaasime Maxamuud Cagaweyne waxa uu sida oo kale sheegay in lacagtan ay daawooyinka ku soo iibiyeen ay ku jirtay bajadkii wasaaradaas loogu talo galay, waxaanu ugu danbayntii xusay inay de’daal xoogan ku bixinayaan sugida caafimaadka xoolaha dalka.

Agaasimaha oo ka hadlaayay madashaas ay kula wareegeen daawooyinka waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa farxad ii ah maanta in wasaarada xanaanada xoolaha hadaanu nahay aan la wareegno daawooyin ay wasaarada xanaanada xoolahu qandaraas ku baxisay oo ay heshay shirkad dawooyinka keenta, daawooyinkaas oo aan ku bixinay lacag ku dhaw sodan kun oo doolar( 30,000 ), lacagtaas oo ahayd mid miisaaniyada noogu jirtay, dabadeedna aanu qandaraas ku bixinay, maantana waxaan kala wareegaynaa shirkadaas qandaraaska heshay oo daawooyinkii keentay.” Agaasime Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne)  isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “Daawooyinkan waxanu ugu talogalnay inaan ku daawayno xoolaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo qaybahooda kala duwan sida Geela,lo’da iyo xoolahaba, horu umaynaan arki jirin wasaarada xanaanada xoolaha oo daawooyin u iibinaysa daawaynta xoolaheeda. Dadka uunbaana barigii hore la tacaali jiray xoolahooda, lakiin intii aanu xukuumada cusub ahayn waxaan ku da’daalnay sidii talaal iyo daawaba aanu u gaadhsiin lahayn xoolo dhaqatadeena, meelkasta oo ay joogto.”

Comments are closed.