Masuuliyiin Ka Tirsan Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

2
676

 

xaqsHargeysa(Geeska)-Taageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor oo uu horkacayo guddoomiye xigeenka Md. Cali Maxamuud Axmed (Sandule) , ayaa si diiran magaalada Hargeysa ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan madaxda ururka ee dalalka dibadda oo dalka soo gaadhay.

 

Masuuliyiintan la soo dhaweeyay oo kala ah Wakiilka guud ee Urur-siyaasadeedka Xaqsoor u qaabilsan Wadamada Yurub Maxamed Ibraahin Aadan, Wakiilka khaliishka Axmed Cali Mahdi, Maxamed Cawil, Maxamed Cumar Dhuule, ayaa waxa madasha lagu soo dhaweeyay oo lagu qabtay hoteel, waxa hadalo soo dhawayn ah u jeediyay guddoomiye-xigeen Cali-Sandule, oo sheegay in xubnahani yihiin kuwo ku culus urur siyaasadeedka Xaqsoor.

Masuuliyiintan la soo dhaweeyay oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa taageerayaasha Xaqsoor uga mahadceliyay dareenka ay ku qaabileen ee soo dhawaynta leh, waxaanay ka warameen taageerada uu ururku ku leeyahay dalalka qurbaha ee ay ka yimaadeen.

Comments are closed.