Boobe Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Laba Hablood Oo Uu Dhalay Fanaankii Cumar Dhuule

0
724

 

boHargaysa( Geeska )- Wasiirkii hore ee warfaafinta Md.  Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa casuumad qado sharaf ah u sameeyay laba hablood oo uu dhalay Alle haw-naxariistee fanaankii weynaa ee Cumar Dhuule Cali.

 

Labadaas hablood oo kala ah Khadra Cumar Dhuule iyo Hodan Cumar Dhuule ayaa ah fanaaniin sidii aabahood, waxaana qado sharafta ku weheliyay fanaanka caanka ah ee Cabdinuur Alaale.

Qadashraftan oo ka dhacday Hotal Maansoor magaalada Hargaysa, waxa uu Boobe Yuusuf  Ducaale Somaliland ku soo dhaweeyay hablahan Cumar Dhuule dhalay iyo fanaaniintan kale, waxaanay kooxdan si diiran uga mahadceliyeen sida diiran ee Boobe u soo dhaweeyay.

Ugu horayntii Qoraa Boobe Yuusuf  Ducaale qada’daas  kadib halkaas ka hadlay waxa uu yidhi “ Waxaan joognaa Hargaysa baritoolana wa ciiddii Adxada, halkan waxa nala jooga, odhan maayo martibay nagu yahiine, Cali Cismaan Bulqaas,Cabdinuur Alaale, Hodan Cumar Dhuule iyo khadra Cumar Duule, waxaan leenahay dhamaantood ku soo dhawaada Hargaysa Somaliland, aabo waxa uu ahaa reer Somaliland iyo waliba Somali oo dhan.”

Intaas kadib waxa goobta ka hadashay Hodan Cumar Dhuule, waxaana hadaladeedii kamid ahaa“Waxaan halkan ka salaamayaa walaalahayaga reer Somaliland meelkasta oo ay adduunka ka joogaan, gaar ahaan dad weynaha reer Hargaysa, waxaan leeyahay ciid wanaagsan madax iyo shacaba.”

Khadra Cumar Dhuule ayaa iyaduna dhankeeda tidhi sidan “Ciid wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan walaalahayaga Somaliland, waxaan halkan ka salaamayaa oo kale shacbiga Somaliyeed, anaguna Hargaysa ayaan joognaa oo waa dalkayagii iyo dadkayagii, dhamaantiina aad baan idiin salaamayaa, muslimka oo dhana waxaan leeyahay ciid wanaagsan. Waxaan halkan salaan qaaliya uga soo jeedinayaa adeerkay Boobe oo aad iyo aad Somaliland noogu soo dhaweeyay, si fiicana noo casuumay.”

Fanaan Cabdinuur Alaale ayaa ugu danbayntii mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Boobe iyo bulshada Somalilandba “Anaga oo ku sugan magaalada Hargaysa waxaan salaamayaa umadda muslimiinta meelkasta oo ay joogaan, waxa kale oo aan halkan ka salaamayaa dadweynaha reer Jabuuti, waxaan ku faraxsanahay Boobe Yuusuf Ducaale oo halkan noogu sameeyay qado shaqaf oo aan ka aqbalnay, naguna qadaysiiyay Maansoor waa uu ku mahadsan yahay, kaligiina maahee dhamaan waanu ka helnay Somaliland casuumad, waanan salaamaynaa madaxda Somaliland iyo bulshadeeda,ciid mubaarigna waanu leenahay.”