“Xisbigu Waa Dimuqraadi, Shuruuc Ayuu Leeyahay Oo Shuruucdaas qofka Buuxiyay Waajib Buu U Leeyahay Inuu Is Sharaxo”

26
4027

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheer, ayaa sheegay in aanu wax khilaaf ah ka dhaxayn isaga iyo madaxweyne Biixi isla markaasna uu haatan isagu xafiiska fadhiyo oo uu ugu sareeyo.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye in xisbigu uu shirweynaha ku dooran doono hoggaankiisa inta ka horaysana uu madaxweynuu xilka sii haynaayo, isaga oo xusay in aan mudo xileedkiisii guddoomiye nimada xisbiga aanu dhamaysan, waxaanu sidan u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta oo waraysi la yeeshay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi”Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah qofka kasta oo xisbiga ku jira shuruuc ayuu leeyahay oo shuruucdaas hadduu buuxiyay waajib buu u leeyahay inuu is sharaxo, Cali Warancadena dadkaas ayuu ka mid yahay oo waa nin oday ah mudo badan dalkan u soo shaqeeyay xisbigana ka tirsan, hasa yeeshee maalintii lays sharaxaayay guddoomiye nimada xisbiga maanta ma joogno, madaxweynaha ayaa guddoomiye ka ah wakhtigiisiina muu dhamaan uu guddoomiye nimada noqonaayay, maalinteeda ayay noqonaysaa taas musharaxnimadu ama hogaankaaga ha noqdo ama qof kele ee ninkii damac ka hayo maalinteeda ayay noqonaysaa.”

Axmed Cabdi Dheere oo ka hadlaayay in madaxweynaa khilaaf ka dhaxeeyo waxa uu yidhi”Aniga iyo madaxweynuu muddo faro badan ayaanu soo wada shaqaynay rag saaxiibo ah ayaanu nahay ku xigeenkiisii ayaan ahay imikana sidii iyo si ka wanaagsan ayaanu u wada shaqaynaa, anigu arin safar ah ayaan u baxay qoyskayaga ah oo walaaladay oo qaliin galaayay ayaan ugu tagay dalka Kanada, may ahayn isku dhac aanu isku dhacnay madaxweynaha, Cali Warancadena madaxweynaha saaxiib ayay ahaayeen, anaguna saaxiib ayaanu nahay markaas wax isku dhac ahi ma jiraan. ilaa la gaadho wakhtigii shir weynaha  qof waliba xilkii uu hayay ayuu haynayaa oo golaha dhexe ma doorto ee shir weynaha ayaa doorta xafiiskiina aniga ayaa fadhiya, guddoomiyenimada xisbiga madaxeynaha ayaa haya  mana aha markii ugu horaysay ee madaxweynuu guddoomiye  iyo madaxweyne nimo isku hayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here