Hargeysa: Guddo Galkii SNM Iyo Furashadii Birjeex Qaybtii 2-aad iyo Muj. Xasan Ganey

0
1234

 

xassan GaneyHargeysa (Geeska) Akhristayaal, waxaanu cadadkayagii shalay idiin soo gudbinay xog waran uu bixiyay Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey) oo ahaa taliyihii tiknikadii SNM ee Hargeysa soo gashay 31 May 1988, xilligaas oo uu ka mid ahaa dhallinyaradii reer Somaliland ee hurisay dhimbiishii halganka.

Haddaba, waxaanau maanta idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad, oo uu ku bilaabay sidan: “Markii aanu Hargeysa soo galaynay ee aanu fooqa istaagnay gaas la yidhaahdo gaas 1-aad oo xeebta jira oo kii faqashta ah oo ilaa toban taangi wata ayaanu  soo wada galnay magaalada. Gaaskaas aan kuu sheegayaa may qabin in Hargeysa cidi soo galayso, laakin waxay u gurmanaayeen cadaadlay iyo Burco. Cidii aanu maalintii iyo habeenkii is haysanay iyaga ayey ahaayeen, waxaana ku dhacay gaaskaas tacab khasaar, waxaana xaga ilaahay ka suurta gashay taayadii aanu wadanay. Markii uu waagu magaalada noogu baryey waxaanu fadhiisin ka samaysanay idaacada. Waanu kala yar biiq biiqnay oo magaalada ayaa nagu badatay oo nagu balaadhatay, anaga oo muddo dheer ka maqnayn xataa dhulkii aanu naqaanay ayaanu kala garan weynay, waxaanu dib isku hel helnay maalin toddobaadii. Rasaastayadii waxaanu ka helnay birjeex oo aanu ka sii daynay boqol askari oo isugu jiray shicib iyo milatari oo ahaa dadkii Isaaqa ahaa ee la uruuriyey, waxaa laga saaray guryahooda, iyada oo lagu uruuriyey laguna ilaalinaayey buuraha yar yar ee magaalada koonayaasheeda. Kuwaas oo dhamaantood subaxaas loo diyaar gareeyey dil toogasho ah. Wixii aanu rasaas u baahanyn oo dhan waxaanu ka helnay birjeex.”

Rag badan ayaa garabkayga ka baxay oo naga bar bar dagaalamaayey oo magac iyo maamuus nagu ag lahaa markaas iyo haatanba, waxaanay faa’ido keentay in maanta dalkii Somaliland ahaado dal jira. Dalkii maalintaas jiray ee ay Siyaad Bare iyo Moorgan ku meer meerayeen hablahaygii kumay guumoobin ragaygina magac xumo kamay qaadin. 12-ka habeenimo lama socon jirin maantana 12-ka habeenimo ayaa la socdaa oo kala joogsi malaha. Waxaan ku raaxaysanayaa maanta aniga oo camal ka hayn sidaan dalka u soo galnay dhibaatadii jiri jirtay oo uu wanaagaygii badalay oo ay maanta caruurtaydi ku nool yihiin xoriyad, taas oo farxad dheeriya ii ah habeenka 31 May, waxaanan aad ugu ducaynayaa dhamaan mujaahidiintii ka baxday garabkayga oo ay ku jireen rag badan oo la garanaayo kana mid ahaayeen Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax, Gacma Dheere.

Taariikhaha aan xasuusto waxaa ka mida Maxamed Cilmi Galaan nin layidhaahdo oo ururkii Sayid Cumar ka mid ahaa kornaylna ahaa wakhtigana nool ayaa dhabarka ka jabay oo ay xabadi kaga dhacday, marka la eegaayo maqaamka aanu joognay markaa waxaan ka sii xasuustaa ereyadiisii markii aan qaaday habeen sagaalaadkii isaga iyo dhaawac kale aniga oo ku sii wada halkii aanu ka soo ambaba baxnay wuxuu yidhi xasanaw hadaan dhinto yaanan iilka ku xasuusan inay faqash iga dambaysay  hadaan noolahayna yaanan ugu soo noqon. Ujeedada aanu lahayn ayaa noocaas ahayd oo dhimasho iyo nolon maanu kala jeclayn, waana maalintii uu baxay ragii hal doorka ahaa.

Waxaan farayaa jiilka kacay maanta ee u dhexeeya 30-ka ilaa 20-ka inay dalkooda siyaasina ku halayn oo ay iyagu u tooba barman dalkooda sidii ay u ilaashan lahaayeen waana inay dib u jaleecaan ragooda ku maqan halgankii loo soo galay dalka. Waxaa iigu layaab badnaa markii aanu soo soconay ee aanu ku soo dhawayn masalaha oo aan aad ula yaabay meesha aanu dhex mushaaxayno dawladii quwada lahayd ee joogtay xagay qabtay iyo sida aanu gees walba u dhex qaadayno.

Boqol sarkaal ayaa joogay habeenkaas meesha aanu soo galaynay. Diyaarad qudha oo ay nagu soo kiciyaan, waabay nagu soo kiciyeen ayaa nagu filnayd waxbase way naga qaadi waday, waxaan runtii u qaadan waayey oo aan la yaabanaa qaabka aanu u soconay oo aan anigu u qaatay qaab ilaahiyaa inuu yahay, dawlada dhan oo aanu dalkii ay haystay iska dhex qaada way iga degi waday.

Waxaa kale oo aan la yaabay fooqan imika taliska guud yahay oo uu gaani dhistay markii aanu dalka ka baxnay muu dhisnayn, waanu ka soo hor baxnay oo wadadii sheekh Cumar ayaa nagula soo dhacday anaga oo taliska aanu ku soconaa ahaa xerada birjeex, fooqaasina runtii wuxuu noqday iyo xeradaasi mid naga yaabisay dhamaantayo. Waxaa kale oo iigu layaab badnaa markii aanu garan waynay magaaladii aanu ku dhalanay oo aanu ka shakinay in suqduudka aanu maraynaa Hargeysa ku yaalo iyo in kale.”