“Wasaarad Kastaa Waxay Noqotay Tukaan Nin Leeyahay” Sheekh Aadan Siiro

0
580

Hargeysa (Geeska)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay culayska ay leedahay Masuuliyaddu loo qaado Ummaddu.

Sheekhu wuxuu is-barbar-dhig ku sameeyay sida Saxaabadii uu Rasuulku ku tarbiyadeeyay ku dhaqanka Shareecada Islaamku uga soo baxeen Masuuliyadihii ay Rasuulkeenna Muxamed (CSW) ka dib u qaadeen Ummadahoodii iyo sida Dadka Xilligan Hoggaamiya Ummadaha Muslimka ahi aanay u fahmin culayska Masuuliyaddu leedahay.

Sheekh Aadan-Siiro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Maxay tahay inaad Masuuliyad qaaddo ?, Muxuu Islaamku u yaqaanaa Masuuliyadda ?, siduu Rasuulku (CSW) u gutay Masuuliyaddii uu qaaday ee Alle u dhiibay.? Jiilkii wanaagsanaa ee uu barbaariyey Rasuulku (CSW) ee ahaa Saxaabada ee Dunidan dhifta ku ahaa siday Ummaddoodii u hoggaamiyeen ?. Maxaase ka jira siday Masuuliyadda u fahmeen Dadka Maanta Muslimiinta Hoggaamiyaa.? Mujtamaceennu siday u fahamsan yihiin Masuuliyaddu waxay tahay.?..”

Sheekha oo Tafaasiil ka bixinaya waxa Masuuliyadda ay ka yidhaadheen Culimada Muslimiintu, ayaa yidhi, “Mid ka mid ah Aa’imadii Diinta fahamtay ee Cilmiga lahayd ayaa yidhi, ‘inaad Masuuliyad qaaddo waxa looga jeedaa inay dareenkaaga wada gasho inaad gudato waxaas aad Masuuliyaddiisa qaadatay. Maaha inaad garato in waxaas aad Masuuliyaddiisa qaadday Waajib kugu tahay, laakiin waa inaad ka Run sheegto oo aad ILAAHAY dartii u qabato. Waajibnimada ka sakow waa inaad waxaasi u qabataa si IKHLAAS ah marka Dadku kula joogaan iyo marka aad keligaa tahay ILAAHAY hortiisa. Waxay yidhaahdeen Masuuliyaddu maaha Wasiir-baan ahay, Xildhibaan-baan ahay iyo Magacyada Maanta jira, iyadoo Nin wada cirreystay oo Toban Goor Ummaddan u dhaartay, haddana Go’aannada uu qaadanayo iyo meesha uu u jeedo iyo waxay Ummaddu doonaysaa (kala duwan yihiin).”

Sheekhu wuxuu Arrintaasi barbar-dhigay waaqaca xilligan ka jira Dunida Muslimka ah ee Somaliland ka mid tahay, “Masuuliyaddu maaha Guddoomiye ayaan ahay, Xildhibaan-baan ahay iyo Magacyada Maanta jira ee lagu shaqeysto ee Ummadda lagu Foof-daran habaabiyo laguna baa’biiyo. Maaha Masuuliyaddu inaad Magac keliya meel dhigto ma go’aaminayso Masuuliyadda la doonayo ILAAHAY hortiisa iyo Ummadda hortooda. Laakiin, innaga siday u dhaqmaan marba inta Masuuliyadda fuushaa ? waa maxay qaabka uu u fikirayo, waa maxay qaabka uu doonayo inay Carruurtiisu u noolaato.? Waa maxay Hab-dhaqanka Maanta jira ee aynu Naqaanno, kuwii hore, kuwii ka sii horeeyay iyo kuwa soo socdaba, ee is-daba gelinaya 30-ka Laanguruusal ee Qiimahoodu yihiin 70 kun iyo 80 kun oo Dollar iyagoon Waddo samayn. Taa macnaheedu waxa weeyaan sida ay u fikirayaan kuwaa aynu ka warranay si la mid ah waxa u fikiraya Dadka, Dadka ayaa il-baxnimo u haysta Ninku marka uu Maalin meel yar fadhiisto (Xil loo dhiibo) inuu kaxaysto Gaadhi boqol kun oo dollar ah, oo lagu ammaano. Muhiimaddu waxa weeyaan Masuuliyaddii waxay noqotay Tukaan Nin leeyahay, Waayo? Wasaarad Kasta oo aad tagto waxay noqotay Tukaan Nin leeyahay, Reerkoodii buu ku ururinayaa, xilliga uu doono ayuu imanayaa, Wakhtiguu doono ayuu iskaga tagayaa, intuu doono soo shaqo tagi maayo, Cid alaale iyo cid aad uga ashkatootaa ma jirto, qaar baad bil la raadinaysaa inuu Warqad yar kuu saxeexo.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu is-waydiiyey waxa Laamaha Ammaanka iyo Masuuliyiinta kale ee Dawladda Somaliland uga hadli la’yihiin Carruuraha la sheegayo in Dad aan la garanayn ay Qaadanayaan, arrintaasi oo ku soo noqnoqotay Magaalooyinka Somaliland, “Imika maxaa ka jira Magaalada (Hargeysa).? Hablaha iyo Carruurtu Guryaha kama soo baxayaan, oo waxa laga dhaadhiciyey Heblaayo ayaa la qaatay, imika xaafadda (Xawaadle) laba Hablood baa la la’yahay, mid kale Gurigooda ayaan tagay iyadoo ay sii muuqato halkii laga geliyey Siliishku (Markii la qaatay). Laakiin Dawladdaa dhami waxay ku mashquulsan tahay maxaa Maanta laga yidhi Masaajidkii Xawaadle (ee Hargeysa), waxay ku mashquulsan tahay Hebel yaa Hadal-hayey. ? Intaas oo Ciidan ah ayaa jira, haddana Ummaddii bay Qancin kari la’yihiin, yaa Masuuliyaddaa leh. Imika Bil ayuun baa la leeyahay Heblaayo iyo Heblaayo ayaa la qaatay, Sababma ayaad dadka ula hadli la’dihiin ee aad Ummadda u qancin la’dihiin.”? Ayuu yidhi, waxaanu Laamaha ammaanka ugu baaqay inay arrintan wax ka qabtaan, kana hadlaan oo ay Ummadda u faahfaahiyaan.