Xildhibaan Mataan Oo Dadka Kula Taliyay Inaanay Dhagaysan Hadalada Wasiirka Warfaafinta

0
523

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori(Mataan), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, oo ku saabsanaa Xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in dhaliisha Wasiirka tahay waxba kama jiraan.

Xildhibaan Mataan Muxumed Hoori, oo waraysi siiyay HCTV ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Waddani yahay Xisbi Qaran “Qofkaas iyo waxa la nooca oo ah oo dhan, ayaa haddii aynu dadka ku sii dayno oo aynu iska dhegaysano  uun, dadkeena masaakiinta ah qaar badan jahaweerin karaya, marka in loo sheego in qofkaasi qof siyaasiya ahayn, qof wax garaynayana ahayn, qof shaqo helay oo wasiirnimo heli karayey, aanu ahayn, ee qof la soo qortay oo waxa loo soo qortay ay tahay in qolada uu sheegayo uu caayo, iyo Xisbi lagu sheegayo inay qoladiisu leedahay, oo aanay lahayn. Waxa yaq-yiiqsiga uu shubayo, ayaan doonaya in aan dadka u sheego, oo wixii aan aad xogogaal u ahayni aanay qaarkood run ka moodin, Xisbiga Waddani, waa Xisbi Somaliland ah, waa Xisbi umadda oo dhami leedahay, oo ay ku jirto, waa wax ka fog in reer lagu sheego, iyo in reer lagu eedeeyo midna”.

Xildhibaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta Golaha Guurtida hor taala ayaa yidhi “Anigu sannado kumaan tiriyeen, ee intaa roobku dayo, ee dadku degayo, ee salka dabada la dhigayo, aynu baxnaanino, ILLAAHAYNA aynu ka barino naxariis deg deg ah.”

Mataan oo ka hadlaya xisbiyada dalka ayaa yidhi “Waad og tihiin Saddexda Xisbi ee Wadanka dhex ordayaa waxay kala yihiin, labada kale ma qabo in midi la tartamo daaye inuuu soo agmari karo Waddani,anigu in badana waan ku jiray Siyaasada, qiyaas baanan ku eegayaa, ee igama ah eex iyo kana hoose iyo kan amaan u same, ee iyaga ayey dan u tahay in dib loo dhigaa, oo muddo sii ahaadan waxaanu nahay masuuliyiin Axsaab, laakiin anaga waxa noo dana wakhtiga ugu horeeysa ee ugu deg degsan, inay Doorashadu u qabsoonto”.