Guddoomiye Saleban; Waa Laga Wada Sugayaa

0
508

Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtidu, waxay maanta gudo-galayaan doodda mawduuca muddo kordhinta loo samaynayo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, ka dib markii ay doorashooyinku ku qabsoomi waayeen wakhtiga loogu tallo galay.

Xildhibaanada, ayaa waxa ay shacabku si is daba-joog ah ugu baaqayaan inay muddo kordhinta ku saleeyaan is-afgaradka dhex maray xisbiyada iyo guddiga doorashada ee ah in doorashadu qabsoonto Oktoobar 2017, waxaanay dadkani golaha guurtida maalmihii ugu dambeeyay ka dalbanayeen inaanay ka talaabin wakhtigaas la isla qaatay si doorahadu miciin ugu noqoto dalka oo ay xaaladiisu meel adag marayso.

Hase yeeshee, xildhibaanada codaynaya ka sokow, waxa mindida daabkeeda haya guddomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo awood shirgudoon oo adag leh, waxaana la eegayaa qaabka uu u maamulo muddo kordhintu inay noqoto mid odaytnimo iyo mid siyaasadeed.