Bariiska Oo Laga Helay Protein Laga Sameeyey Dawo Lagula Dagaalami Karo Xanuunka Shubanka (Kalooraha)

0
685

Tokyo (Geeska)- Culimo caafimaad oo u dhalatay dalka Japan ayaa sameeyey baadhitaanno caafimaad oo natiijadoodu ay daahfuray in noocyo ka mid ah barootiinnada ku jira bariisku ay u fiican yihiin daweynta shubanka. Xeeldheerayaasha oo natiijadaa daraasadda ka duulayaa waxa ay tijaabiyeen dawo cusub oo ay ka sameeyeen Protein taas ku jirta Bariiska la cuno, si loogu daweeyo shubannada halista ah oo uu ugu horreeyo k aka dhasha xanuunka shubanka. Arrintani waxa ay kor u qaaday rajada laga qabo in xanuunka shubaknka (Kalooraha) loo helo dawo waxtar leh.

Dawadan cusub oo loo sameeyay qaab Kaabsool lagana qaadanayo afka ayaa ay khubarada daraasaddan diyaarisay oo ka tirsan Akadamiyadda Sayniska ee dalka Japan ay sheegay in ay ka waxtar badan tahay dhammaan dawooyinkii hore loogula dagaalami jiray xanuunkan Kalooraha. Waxa ay intaa ku dareen in wax-yeellada ka iman karta dawadani ay aad uga yartahay ta laga filayo daawooyinka kale ee xanuunkan.

Kalooruhu waa xanuun daran oo ku dhaca caloosha waxa aanu keena shuban iyo matag badan oo qofka ku keena ingag (Qallal) iyo fuuq bax keeni kara dhimasho haddii aan la dawayn.