Warqadda Furan Ee Uu Dr. Sifir Soo Diray Oo Somali Ku Qoran

26
826

ASIFIRNewyork(Geeska)-DiblomaasigaMaxamuudCabdillaahiJaamac Sifir, ayaa soo jeediyey in xalalka Somaliland u banaan ay ka mid tahay inay abaabulaan shacabkooda iyo ciidankooda sidii loo jebin laha maamulka Khaatumo.

 

Mr. Maxamuud jaamac oo ka mid ah siyaasiyiintii ka soo laabtay fikirkoodii Somaliweyn, haatana jooga dalka Maraykanka ayaa soo jeediyey in Somaliland looga baahan yahay sidii ay uga hortegi lahayd isbedelka shirka London ku keeni doono xaalada nabadgelyo iyo siyaasadeed ee Somaliland.

 

Siyaasiga Maxamuud Jaamac Sifir, ayaa warqad furan oo hogaamiyeyaasha Somaliland u soo diray ku sheegay fikrado hordhac u noqon kara sidii loo waajahi lahaa caqabada ka dhashay shirkii Taleex iyo ka London ka soo bixi doona, waxaana warqadaa furan ee uu shabakada hadhwanaag ku baahiyey oo aanu idiin soo turjunay u qornayd sidan:

 

Fikirado hordhac u noqon kara siyaabaha loo waajahayo shirarka Taleex iyo London

 Waa maxay ujeedooyinka labadaa shir? Sidee xukuumada Somaliland ku waajahi kartaa?

Shirka Taleex: Shirka Taleex waxuu daahfuray caqabadihii Somaliland soo maray labaatankii sannadood ee u danbeeyey; u haysashada ama u fahamka in Somaliland tahay mashruuc Isaaq/SNM, iyo ka hakashada ama diidmada bulshada aan isaaqa ahayn, gaar ahaan labada qoys ee Barriga Somaliland iyo qeybo qurbo-joog ah oo ka soo jeeda degmada Boorama, gobolka Awdal.

 

Shirka Taleex sidoo kale waxuu qeyb ka yahay saansaanka cusub ee Soomaaliya: samaysanka kooxo qabiil ku dhisan oo damacsan gacan-ku-haynta maamulka dhexe, si ay u hantiyaan dhaqaalaha gudaha iyo kaalmooyinka dibedda iyagoo dugsanaya xidhidh qabiilna ku hantiya  xuduudo., laakiin, sida kooxaha, waxay doonayaan kaalin ay ka helaan qorshaha qaramada Midoobay qabanqaabisay ee jidka nabada, iyo  qeybtooda xubnaha baarlamaanka cusub.

 

Shirka London: Shirka London sidoo kale waxuu daahfuray ka hakashada ama ogolaansho la’aanta beesha caalamka ee aqbalaada go’aan goosashada keligeed Somaliland. Xukuumada Ingiriiska iyo wadamo kaloo reer Galbeed ah waxay doonayaan in Somaliland qeyb ka noqoto qorshaha Qaramada Midoobay ee Jidka nabada, sidoo kalena ay bedelaan xukuumada KMG ee Soomaaliya. Martiqaadku sidoo kale waa ogaanshaha in ka maqnaanshaha Somaliland hoos u dhigayso dedaalada bulshada caalamku ku raadinayso u helitaanka waara mushkilada Soomaaliya.

 

Shirka Taleex wxa lagaga dhawaaqay abuuritaanka maamulka Khaatumo ee Soomaliya, oo ujeedadu tahay in qabanqaabiyeyaasha iyo ka qeybgalayaashuba ku diideen  in reerka Dhulbahante qeyb ka yahay Somaliland ama Puntland, iyagoo hore qeyb uga ahaa kuwii abuuray Somaliland iyo PUntland labadaba, laakiin, ku gudoonsaday in abuurahsada maamul u gaar ah uu siyaasiyan faa’ido u leeyahay, isla markaanakordhinayo kaalinta iyo fursadaha hogaamiyeyaashoodu ka helayaan dhismaha xukuumada wadaaga.

 

Qabanqaabiyeyaasha iyo ka qeybgalayaasha maamulka Khaatumo waxay doorteen iska caabinta Somaliland. Somaliland iyo Puntland labaduba waxay si guud ugu darsadeen siyaasadood aiyo maamulkoodaba shacabka Dhulbahante. Puntland waxay doonayaan inay xuduudahooda durkiyaan oo gaadhaan in Dhulbahante dhamaantii  qeyb ka ahaado reeraha Puntland. Shirka Taleex, markaa waxuu keenay in Somaliland iyo maamulka Khaatumo isku dhacaan. Taasoo, mar horeba sii shiday iska hor-imaadkii Buuhoodle ee u dhexeeyey ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad u dhashay reerka taageeraya Khaatumo.

 

Qorshaha iyo sida lagu waajahi karo

Labada shir-ba waxay halis ku yihiin sharcinimada Somaliland. natiijada shirka Taleex waxuu halis degdeg ah ku yahay xasiloonid aSomaliland, halka sidoo kale natiijada shirka London hoos u dhigi karo sharcinimada iyo nabadgelyadii muddo Somaliland ku naaloonaysay. Labada shir-ba waxay abuurayaan xaalado u dhow waxa ka jira Soomaaliya, markaa ugu danbayn waxay daciifinayaan iska caabigii Somaliland ee argagaxisada sida Shabaab. Korodhka xasilooni darada Somaliland waxay xoojinaysaa halista imaatinka xoogaga dibeda ah iyo u sahlida in ogolaasho la’aan lugu soo galo, markaa, labada shirba waxay ku keenayaan ha;lis dhow xasiloonida iyo degenaanshahii Somaliland iyo ujeedadoodii helitaanka aqoonsi caalami ah.

 

Xukuumada Somaliland waa inay doontaa xalkii ay kaga hortagi lahayd, una dhamayn lahayd halista, isla markaana samayn lahayd qorshahii lagula dhaqmi lahaa jawi siyaasadeedkan cusub, iyadoo maskaxda lagu haynayo isbedelkan ka muuqda ee mandaqda iyo caalamkaba. Hogaamiyayaashu kuma eegi karaan aamusnaan isbedeladan ka muuqda soomaaliya, gobolka, iyo xoogaysiga go’aanka caalamiga ee ka hortaga halista budhcad badeedka iyo argagaxisada ka abuurmay burburka Soomaliya.

 

Somaliland waxay u baahan tahay inay ka hortagto in dagaalku fido. Waxay sidoo kale u baahan tahay dhowrashada guulahii shacabkeedu sida dimoqraadiga ku gaadheen, iyadoo maskaxda ku haysa lama huraanka in xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland iyo Soomaliya si qarsoon xidhiidh u leeyihiin.

Waa maxay xalalka Somaliland u banani?

 

Somaliland iyo hogaamiyeyaashoodu waa inay midkood xalalkan doortaan.

 

Xalka 1. Sidiina ku socda.

Abaabul ciidamada iyo shacabka si looga hortago loona jebiyo qorshayaasha abuuritaanka maamulka Khaatumo.

Diiditaanka ka qeybgalka shirka London, dib ugu dhawaaqa mowqifka Somaliland. In madaxbananida Somaliland lama taabtaan ay tahay, isla markaana Somaliland keliya xidhiidh la yeelan doonto Soomaaliya iyagoo laba dal oo madaxbanaan ah.

 

Xalka 2. Ku soco diiditaanka midowga iyo aqoonsi la’aan.

 Ka qeybgal shirka London kana codso gargaar caalami ah oo nabadgelyada, dib-u-dhiska Somaliland ah, iyo gargaar caalami ah oo lagu yareeyo khilaafaadka maamulka Khaatumo.

U bandhiga  shirka in helitaanka gargaar nabadgelyo iyo dib u dhiska Somaliland ku xidhan yahay ka qeybgalkiina shirka.  Abaabulka shir-beeleed dhamaan bulshada Somaliland sidii shirarkii Burco iyo Boorame oo lagu weydiinayo, lagu xoojinayo ama lagu darsayo gooni-isu-taaga Somaliland.

 

Xalka 3. Ku biiritaanka qorshaha.

Ku biira qorshaha, laakiin ku dhegenaada qorshahiina doorashooyinka Somaliland ee golayaasha degaanka iyo baarlamaanka, isla markaana u raadiya gacan qabasho caalami ah oo ku saabsan doorashooyinkaa si la mid ah hab socodka Soomaaliya.

 

Xalka 4. Ka mid noqoshada qorshaha

Soo jeediya abuuritaanka iskaashi dhexe oo idin dhexmara Soomaaliya, sida dib u midowga marka qorshayaasha beesha caalamka ee xilliga kala guurku dhamaado.

 

Xalka 5. Degdeg u gaadhida xalkii mustaqbalka

 Aqbala oo ogolaada maamulka Khaatumo, isla markaana wada hadal u fura dhexmara taageerayaasha Dhulbahante Khaatumo.

Ka qeybgala qorshaha jidka nabada, isla markaana raadiya in muddada kala guurka lagu saleeyo dastuurka Somaliland.

Soo jeediya midow iyadoo Khaatumo idiinla socoto ama idinka maqan tahay.

 

Mohamud Jama

January 28, 2012

New York,

Jama11432@Yahoo.co.UK

Comments are closed.