Waraysi Gaar Ah: Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac Sifir

0
765

ASIFIRHargeysa(Geeska)-Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac Sifir, oo ah diblomaasi muddo dheer ku soo dhex jiray badwenta diblomaasiyadda ee dunida, ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka uu Ingiriisku Somalida u qabanayo iyo waxyaabaha la filayo inay ka soo baxaan.

Dr. Sifir, oo isagoo jooga magaalada Newyork ee dalka Maraykanka xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku waajahan inay Somaliland shirkaas ka qayb gasho iyo inaanay ka qayb gelin. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Shirka Ingiriisku qabanaayo waxa ka taagan hadal hayn badan iyo wal wal, maxaa ka soo baxi kara ayay kula tahay, waa noocmase ajandaha la wataa ayaad filaysaa?

Horta shirka in la fahmo ajandahiisa iyo sababaha loo qabanaayo ayaa muhiima, ajandahiisu waxa weeye todaba qodab, todabadaas qodab waxa kaw ah inteeda badan waa shir aduunku uu Somaliya ka shiraayo ee Somali la shirinaayo horta maaha.

Somaliduna waa dhagaystayaal iyo shirkaas wixii kale ee ay ku dari karayaan ee aragtidooda ay tilmaami lahaayeen macnaa siday u arkaan xalka Somalidu sida uu noqon karo waana aragtiyaha lays waydaarsanayo, aduunkaana ka tashanaaya, aduunku waxa uu danaynayaana waxa weeye sida kaalmada la siinaayo ciidamda Afrika ee jooga Somaliya, sida budhcad badeeda loola dagaalamaayo ee loo cidhib tiraayo, sida argagaxisada looga hortagaayo, sida dadku abaarahu dhibaatada u keeneen loo bad baadinaayo, sida aduun ku si wada socota ula wada dhaqami lahaa ee aan siyaabo kala duwan loola dhaqmi lahayn iyo sida nabad iyo xasilooni dagmo walba looga samayn lahaa, meelaha dalka dagmooyinka sheegtay ee samaystay, waxa la doonayaa dagmooyinkaas nabada Samaystay in la caawiyo oo horumarka nabada iyo maamulka iyo horumarinta laga caawiyo,  waa nabad aan dagaal wadin ee nabad ku socota maamulada jirana aan sharcigooda ka hor iman.

Waxa soo raacana waa xalka Siyaasada Somaliya waxa-kan ay khariirada yidhaahdaan ee dawaldaha caalamku ay wadaan ee TFG-da ay doonayaan sanad kabacdi sidii lagu badali lahaa iyo waxii lagu badali lahaana sawiro layska tuso.

Marka aynu u nimaadno Somaliland oo kale ka qayb galkeedu shirkaas faa’ido iyo dhibaato keebuu u yeelanayaa adiga aragtidaada?

Horta shirka lagu go’aaminmaayo xal kama danbaysa, Somalida qadiyadeedana meel lagu dhamays tiri maayo ee arimaha aan soo sheegay uunbaa wax laga taabanayaa si  kumeel gaadha, markaas Somaliland ka qayb galkeedu waxa uu fursad u siinayaa inay aragtideeda ka muujiso sida matalan dawalda TFG-da marka la badalaayo in doorashooyin la sameeyo ayay doonayaan markaas Somaliland siday u aragto doorashooyinka halkaas laga wado iyada Saamayntay ku yeelanayso inay diyaar u yahiin inay ka qayb galaan, haddaanay ka qayb galayn wadada kale ee ay iyagu marayaan ee waxan u dhigma ayaa laga rabaa, markaa waa fursad ay aragtidooda tilmaami karaan oo dadka go’aanka qaadanayna ay wax u sheegi karaan kuna qancin karaan.

Marna maysku dayday madaxda Somaliland inaad kala soo xidhiidho arimahaas?

Hadalkan aan la hadlaayo imika iyo warqada aan qorayba waxay kamid tahay, dee anigu cidna xil uma hayo cidna xafiis uma fadhiyo markaas aragtida muwaadinku rayigiisa u gudbin lahaa baan u gudbinayaa oo Radio-yada iyo idinkaa u gudbinayaa.

Ugu danbayntii maxaad soo jeedin lahayd markay timaado shirkan imika aadka loogu muransan yahay?

Waxa weeyaan in laga wada tashado oo talo midaysan iyo ujeedo cad lala tago, haddii aan talo midaysan la lahayn ujeedo cadna la lahayn ka qayb galkiisu qiimo malaha. Meeshana dawladbaa jirta oo la doortay oo go’aanka kama danbaysta ah leh dadka inay la tashato weeye, laakiinse go’aanka u danbeeya dawladaa leh, dawalduna wax Somaliland jiritaankeeda wax ka badalaaya ma gali karto, lakiinse waxii horu loogu maraayo dhibaatooyinka jira ee aduunka lagula xaalaayo go’aanana way ka gaadhi kartaa soo jeedina way ka samayn kartaa dadkana inay wax u sheegto weeye, lakiinse waan aamusaynaa halkaasna iska fadhiyaynayaa hadal maaha.

Dadkuna waa inay dawalada u ogalaadaan oo haddii qof waliba yidhaahdo iyadoo aniga layla tashado mooyaane dawaladu waxba qaban mayso dee waxaasu dhaqan dawlad nimo maaha, doorashaa dhacday dadbaa la doortay  xilkii iyagaa haya inta doorasho laga gaadhayo, markaas iyagaa dhaqdhaqaaqa laga rabaa.