Wada Hadaladii U Socday Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Burburay

0
915

Hargeysa(Geeska)-Shirkii xisbiyada Kulmiye iyo Waddani uga socday magaalada Hargeysa ayaa burburay kadib markii ay labada dhinac waxba isku afgaran waayeen.

Labada xisbi ayaa wada hadal ka lahaa kala dirista komishanka hadda jooga ee doorashada iyo sidii si siman loogu qaybsan lahaa xubnaha komishanka cusub ee la soo dhisi doono, waxaanay shaaciyeen in aanay waxba isla afgaran.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ahaa masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u matalaayay wada hadalkaas ayaa shaaciyay in uu burburay isla markaasna aanay waxba isku afgaran labada xisbi ee damacsanaa inay wax isla meel dhigeen

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“ Isniintan  Isniinteedii ayay ahayd maalintii aanu madaxtooyada isugu tagnay shir uu gudoominaayo madaxweynuhu ay sadexda xisbi ka qaybgaleen halkaasna ay ka soo baxday oo waliba qolada Kulmiye ay codsatay in xisbiga Kulmiye iyo Waddani ay gooni isku arkaan saddex maalmood ayaanu kulanay intii ka danbaysay wada hadaladayaduna inta badan laba qodob ayuunbay ku wareegayeen Komishankan doorashooyinka ee imika jooga, waxaan ka warqabnaa in aanay ahayn komishankii doorashada inoo qabanaayay oo mudo xileedkoodiiba uu dhamaanayo intaan la gaadhin maalinta doorashada, mar haddii ay sidaas tahay inuu caqligu ina faraayo in komishankii doorashada inoo qaban lahaa aynu keeno oo hawshiisa uu diyaarsado si doorashooyinku ay u qabsomaan xiligii loogu talo galay ee sanadkan dabayaaqadiisa qodobka kalena waxa uu ahaa in komishankaas soo socda ee komishankan badalaya uu noqdo komishan si siman loo soo qaybsado.”

Waxa uu xildhibaanku nasiib daro ku tilmaamay in shirkaasu uu ku dhamaaday is afgarad la’aan“Nasiibdaro waxaan halkan idiinka sheegayaa in labadii qodob aanan midnaba heshiis aanan ka gaadhin, in komishankani uu tago oo kii doorashada inoo qaban lahaa uu yimaado, midhkaasi waa uu ku adkaaday qoladii kale in si siman loo soo qaybsadana waxaad moonaysay inay si dheel dheel ah ay u hadlayaan aan kordhino oo shantii aan haysanayna halkii haynoo yaalaan sadexda xisbi min laba xubnood ha qaataan oo sidaasna kulmiye 7 ha ku yeesho waddanina laba aaraada ka soo baxaysay ayay ka mid ahayd.”

 

Waxa uu sida oo kale ka hadlay mudo xileedka golayaasha deegaanka ee dhamaaday“Golayaasha deegaanka iyo wakiiladu waxay ku wada fadhiyeen mudo kordhin mudo kordhintaasina mid la moogan yahay may ahayne mid cid waliba ogtahay ayay ahayd, maalintii uu madaxweynuu u codsanaayay golaha wakiilada, madaxweynuu si kutalogal ah ayaanu is leenahay waa uu uga reebay golayaasha deegaanka mudo kordhintii loo codsanaayay; 29 oo jimcii ahayd ayuu wakhtigii kaga dhacay, maanta gole deegaan oo cashuurtaas dadka uu ka qaadayo sharci u haysta uu ku isticmaalo inooma joogo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here