Ganacsato Ka Jawaabay Eedaymo Uga Yimi Maamulka Shirkada Indho Deero

0
653

berberaHargeysa(Geeska):-Shir-jaraa’id ay xalay fiidkii si wada jir ah ay u qabteen qaar ka mid ah ganacsatada iyagu dhisanaayey maxjarka cusub ee magaalada Barbera ee uu khilaafka adagi ka dhex taaganaa iyaga iyo maamulka shirkada Indha-deero oo habeenkii xalay ahaa ganacsatadan ku eedeeyey in ay si sharci darro ah ay u leexasadeen qalabka lagu dhisaayo Maxjarkaasi,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaasi ka soo yeedhay maamulaha shirkada Indha-deero,waxaana ay sheegeen in ay iyagu iska leeyihiin qalabkaasi oo ahbaa ay yidhaahdeen qalab ay u haystan cadaymihii lahaan shaha.

Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Md:Cabdiwahaab Cige Axme,waxaana uu faah faahin ka bixiyey u jeedada ay u qabteen shirkan jiraa’id:"Shirkan jaraa'id ee aanu maanta qabanaynaa waxaa uu ku saabsan yahay jawaab aanu ka bixinayno,hadal ka soo yeedhay shalay masuuliyiinta maxjarka loo yaqaano Indha-deero,kuwaas oo ahaa Abu-yaasir iyo sida oo kale Indha-deero,kaas oo ay kaga hadleen xiligan aynu joogno muddo todobo bilood ah biraha aanu ku wadno mashruuca ganacsatada xoolahu ay ka wadaan Barbera,ay yidhaahdeen birahaas waa nalaga soo xaday oo ah muddo todoba bilood gudahood ah,runtiina taas ayaa uu ku saabsan yahay shir ka yagan jaraa'id,waxaa la yaableh in ay xataa garan waayaan anaga oo ku tirinayna ganacsatada waawayn oo waa la wada hadli karaa laakiin in ay xataa dadka ay wax u sheegayaan ee ay warbaahinta u marinayaan ay ka fakeri waayaan in xataa ay dadku yihiin dad caqli leh.Hadda muddo badan ayaa mashruucayagani uu socday,waxaana muddo hada laga joogo Saddex bilood ay nagu qabsadeen niman qaraabo ay yihiin Mustafe oo ay dhulkayagii dhul ka mid ah ay qabsadeen,ka dibna ay arrintaas raali galin ka bixiyeen mustafe iyo ragii kale ee hawshaas ay khusaysay ku waas oo sameeyey dacwad ka noqosho,taas oo u dhignayd in aanu wada hadal aanu samayno,muddo dheer ka dib-na haddii aanu wada-hadalkii aanu isku fahmi waynay,waxaa ay ku dhaqaaqeen in ay sameeyaan gacan ka hadal,taas oo ay la yimaadeen ciidan badan oo ciidan maleeshiyaad ah iyo gawaadhi badan oo runtii mashruucayagii u gaysatay khasaare badan iyo dhibaato se may dhicin dhaawacyo bina aadam se waxaa dhacay khasaare aad u fara badan.Haddab mudadaas ka dib markay taasi socon wayday ay hadana ay yidhahdeen waxaa nalaga soo xaday biraha meesha lagu wado"Ayuu yidhi Cabdiwahaab Cige Axmed

Ganacsade Cabdi Cismaan Biindhe oo isna sida oo kale halkasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay dhacdadi ka dhacdy magaalada Barbera ay ahayd dhacdo ugub ku ah Jamhuuriyada Somaliland."Maalintii shanaad dhacdadii ka dhacday dagmada magaalada Barbera,waxaa ay ahayd tii ugu horeysay ee maleeshiyo ay shirkadi leedahay oo hubaysani ay soo weerarto mashruuc ganacsi ama shirkad iyada oo arrimaha noocaas oo kale ah lagu sheegi jiray uun koonfurta Somaliya,laakiin Somaliland ay maanta kow u tahay,waxaan u sheegayaa dawlada reer Somaliland oo aan uga digaayo in ay arrintaas ay jidayn doonto suno xun iyo in cid kasta ay isku daydo in ay sharciga ku fushato gacantiisa,waxaanu mar labaad aanu u sheegaynaa ciidamada amaanka in aanu saluugsanahay ama sida ay u siicoto hawsha waxqabadkeeda"Ayuu yidhi Cabdiwahaab Cismaan Biindhe.

Yuusuf Cali Nuur oo isagu ahaan ninkii ay Mustafe Cabdi Cawad (Indha-deero) iyo ganacsadaha carbeed ay ku eedeeyeen in uu si sharci darro ah uu dakada magaalada Barbera uu uga leexsaday qalabka lagu dhisaayo Maxjarka magaalada Barbera ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadlakaasi waxaana uu yidhi isaga oo sharaxaaya hadalkaasi:"Xalay waxaa ay yidhaahdeen ninka la yidhaahdo Yuusuf Cali la yidhaahdo waxaa uu noo ahaa shaqaale,anigu waxaan u sheegayaa in aan muddo Sano ah aan ahaa wakiil markabeed(Agent),waxaan leeyahay xafiis caan ah oo la yaqaano oo la yidhaahdo Tawfiiq Agence,waxaanan boqolkiiba 35% aan wakiil u ahay maraakiibta dakada magaalada Barbera, waxaanan ahaan jiray shan iyo tobankii agent ee ugu horeeyey waagii Somaliya,waxaanan ahaa kabtanada iyo saraakiisha sar sare.Anigu allaabtan ay ka hadlayaan waxaa siday maraakiib caalami ah oo cadaymo leh,sifo sharci ahna waxaa ay u yimaadeen dakada magaalada Barbera sifo sharci ahna waa ay u soo dageen,dakada Barbera-na laguma foojariyeyn,si nadaam ah ayaa ay u soo baxeen allaataasina waa allaab aanu leenahay cadaymahayagana ku qoran,waxaase ceeb in nimanka tujarta ah ee reer Somaliland ahi ee gacma-dheer " Cabdilaahi Carab oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:"Dhacdadan runtii reer Somaliland waa ay ka dharagsanayd oo runtii horena umay dhicin waayo anagu waxaanu u tudhaynay shacabka reer Somaliland ama Xukuumada Somaliland hase ahaatee maanta waxaa nagu kalifay in aanu hadalno markii kii dambiilaha ahaa uu soo fadhiistay Tv-ga oo uu dadka wax aan jirin uu u sheegay ayaa nagu ka liftay in aanu hadalno oo dadka aanu u cadayno waxa aanu nahay.Runtii Somaliland waxaa ay ku soo caano maashay nabad.”