“Wargeyska Geeska Afrika Waa Wargeys Koray’e; Waxaan Ku Dhiirigelinayaa Inuu Ka Faa’iidaysto Khibradaas 11 Sanno Ah”Wasiirka warfaafinta Md. Cismaan Saxardiid

0
585

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ayaa ka hadlay sannad guuradda 11aad ee ka soo wareegay aasaaskii Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu ku tilmaamay inuu yahay Wargeys koray.

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay abaarta, guud ahaana Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Wargeska Geeska Afrika  “11 sanno waa wakhti dheer, inuu Wargeysku 11 sanno iyo in ka badana uu sii jiro oo uu sii hano qaado ayaan ugu ducaynayaa, waana  hambalyeynayaa, Wargeyska Geeska Afrika waa Wargeys koray’e waxaan ku dhiirigelinayaa inuu ka faa’iidaysto khibradaas 11 sanno ah oo  qaranka, dadka iyo dalkaba u ahaado mar walba dhex-dhexaad, oo Bulshada bara waxay Saxaafaddu tahay, aadna  waan u hambalyeynayaa Wargeyska Geeska Afrika”.

Wasiir Caddani mar uu ka hadlaayey is bedelka ku yimid Wargeyska ayaa yidhi “Habkan uu Wargeysku u guuray waa qurux iyo Wargeyskii oo la wanaajinayo, waxaana  idin leeyahay Hambalyo Guddoomiyaha Kamaal, Tafatiraha Maxamed Rambow iyo dhammaan Hawl-wadeenada kale duwan ee Wargeyska”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa dhinaca kale waxa uu guud ahaan Warbaahinta kala duwan ee Somaliland ugu baaqay inay ku dadaalan inay baahiyaan warar dalka iyo dadkaba dan u ah, waxa kale oo uu ka hadlay Abaarta wali taagan, ee daba dheeratay, waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu abaarta inaga dulqaado, oo raxmad khayr qabta inoogu bedelo,waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey inay Qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan, oo cid walba oo lid ku ah Qaranimada Somaliland iska dhex qabtaan.