Shaqaalaha Muqurmaalka Ah Ee Dekeda Berbera Oo Dalbaday Xaqoodii Oo Kamaqan

0
620

Berbera(Geeska)-Shaqaalaha mururq maalka ah ee dekeda Berbera ayaa cabasho xoogan ka muujiyay heshiis ay xukuumada ka sugayeen oo beenoobay iyo xaqoodii oo ay sheegeen inuu ka maqan yahay.

Guddoomiyaha xoogmaalka dekeda Berbera Ciise Cali Hangoole oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumada ay kaga baxday balanqaadyadii, isla markaasna ay afgaran la'yihiin shirkada dekeda la wareegtay ee DP World, waxaanu isagoo arimahan ka hadlaayay uu yidhi  "Shaqaalaha muruqmaalka ah ee dekeda Berbera ee ka shaqeeya maraakiibta saaristooda iyo dajintooda, kuwaas oo tirsanaayay xaq kaga maqan dawlada iyo shirkada DP World  ee meesha la wareegtay in badana aanu ka hadalnay oo dawladu ay ka wada warhayso, taas oo wada hadalkeedii ilaa hada aanay waxba ka suurto galin oo madhalays ay noqotay, waxaanu nahay shaqaalii meesha ka shaqayn jiray oo shan boqol oo nin ku dhow, waa dadka kaliyaata ee xoogoodiina la duudsiiyay, shirkadan qabsatayna ay ugu sii dartay duudsigii, dawlada waraaqo ayaanu u dhiibnay iyo hadalba, waxaanu ahayn shirkad gaar u taagnayd oo tacab kii naga galay ayaanu rabnaa meesha, waxaanu rabnaa lacagtii nalaga qaadi jiray, waxa aanan helin xaqii shaqaalaha oo aan wali nalagu odhan waxaana waad leedihiin waxaasna ma lihidin, balamadii naloo qaadayna aanay waxba ka suurto galin”