Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed Oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inay Hagratay Gobolka Hawd

0
578

“Madaxweyne Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Cadaaladu Waxay Ku Jirta Inay Xukuumadda Aad Madaxweynaha Ka Tahay Si Siman Umadda Wax Ugu Qabato….”

Hargeysa (Geeska) – Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa ka hadlay xadaynta loo kala sameeyey Gobollada Maroodi-jeex iyo Hawd, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu si siman oo cadalaadi ku jirto Mashariicaha horumarinta aan dalka looga wada fulin, waxaanu si gaar ah farriin iyo tallooyin ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi. 

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa dhawaan amray in Kaantaroolka Gobolka Maroodi-jeex laga durkiyo halka uu hadda ku yaallo, taasi oo keentay shaki ah in deegaano ka mid ah Gobolka Hawd la raacinayo dhinaca Maroodi-jeex.

Haddaba, Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa Qaddiyadan ka hadlay, waxaanu yidhi “Wasiirka Arrimaha Guduhu go’aanka uu qaatay iskamuu qaadan ee Rag baa u geeyey oo weydiistay inuu caynkaas sameeyo, waayo? Wasiirka Arrimaha Guduhu inuu xadayn u kala sameeyo Gobollada iyo Degmooyinka isaga ayaa u madax-banaan, una xilsaaran, laakiin imika waxan dhacay isagu dambi kuma leh ee Ragga u tagay ayaa dambi ku leh”.

Mar uu ka hadlayey mashariicaha horumarineed ee dalka laga hirgaliyo ayuu yidhi “Xukuumadda Kulmiye wax alaale waxay siisay Gobolka Hawd ma jiraan, Kursiga ugu sareeya ee talada qaranka ee ay iskaga dambeeyeen Siillaanyo iyo Muuse Biixi waxba looguma  qaban Gobolka Hawd, Mashaariicaha horumarnta ee dalka laga fuliyo, ha noqdaan Caafimaad, Waxbarasho, Biyo, MCH-yo iyo Mashaariicaha kale ee dalka laga fuliyo Gobolka Hawd wuu ka qatan yahay, markaas waxaa xaqiiqo ah in Xukuumadda Kulmiye ay hagratay Gobolka Hawd, Gobollada kale ee dalka waxaa laga fuliya oo laga hirgaliyaa mashariico badan, oo ah mashariicaha muhiimka u ah bulshada, ee wax ka taraya nolosha aasaasiga ah, tusaale ahaan Gobollada Galbeedka intaas oo Mashruuc ayaa laga fuliyey, malaha imika ayaa la yidhi Gobolka Hawd ha loogu daro hal waadh iyo garoon, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay cadaaladdu waxay ku jirta inay Xukuumadda aad Madaxweynaha ka tahay si siman ummadda wax ugu qabato, oo waliba siday u kala daran yihiin wax ugu qabato, Madaxweyne cid gaar ah Madaxweyne uma tihid ee dalka oo dhan iyo dadka oo dhan ayaad Madaxweyne u tahay ee mar kasta cadaaladda ogow”.

Dhanka  kale, wuxuu ku baaqay in Ciyaaraha laga daayo rabashadaha, oo laga digtoonado wax kasta oo dhibaato keenaya, Nabadgalyadana wax u dhimaya.

 

Geeska.net/Hargeisa Office