Warbixin Soo Bandhigay Habaca Ku Yimid Dhismaha Wadada Ceerigaabo

0
684

Ceerigqabo(Geeska)-Shaqaalihii ka hawlgalaayay wadada Ceerigaabo ayaa cabasho balaadhan ka muujinayay mudooyinkii ugu danbeeyay in aanay qaadan wax mushaharaad ah, isla markaasna aanay qaban wax shaqo ah.

Telefishanka caalamiga ah ee Eryal Tv ayaa habeen hore baahiyay warbixin uu ku sheegay in mashruuca wadada Ceerigaabo  ahaa kii ugu weynaa ee xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ay bilowdo, waxase uu Telefishanku sheegay in hadda shaqadii jidkaas muhiimka ahi u joogsatay Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) oo ay sheegeen inuu ku mashqulay hawlaha xisbiga KULMIYE iyo danihiisa gaarka ah.

mid ka mid ah shaqaalaha wadadaas oo warbixintu soo bandhigtay ayaa sheegay inay xukuumadda codsi u gudbinayaan. "Waxaanu wasiirka iyo xukuumadda ka codsanaynaa in aan shaqaalahan halkaas lagu ilaawin ee ahmiyada koowaad la siiyo." Sida oo kale mid ka mid ah shaqaalaha oo tirsanaayay in la ilaaway ayaa isaguna dhankiisa yidhi"Waxaanu ahayn shaqaalihii mutaystay ee shaqadan ku guulaystay ee gacanta saaray ee ayaan nala ilaawin."

Waxa ay ka codsadeen xukuumadda iyo wasiirka hawlaha guud in mushaharkooda la siiyo"waxaan leeyahay shaqaalaha marka laga bilaabo Injineerada,darawaliinta baabuurta wada, kuwa wada cagafyada iyo mishiinada waaweyn ilaa kuwa xaydha ka shaqeeya iyo kuwa saliideeya, hablaha waxa noo kariya dalka xaq ayay ku leeyihiin, codsigoodanina waa mid waajib ah."

Telefishanku wuxuu sheegay in sidoo kale ay meesha ka baxday wacyigelintii dadweynaha Somaliland ee inay ka qayb qaataan dhismaha jidkan, waxaanay warbixintu intaas ku dartay in gaadiidkii jidkan dhisayay lagu ururiyay meel halka qaarkoodna u fadhiyaan cilado kooban.

Warbixinta Eryal TV, waxa ugu dambayn lagu sheegay in dadweynaha reer Sanaag aaminsanyihiin in hakadka ku yimid dhismaha jidkaasi uu masuuliyadeeda leeyahay wasiirka hawlaha guud.  Wasaaradda hawlaha guud ayaan weli ka jawaabin warbixinta Telefishanka oo habeen hore la baahiyay.