Xildhibaan Siciid Cartan Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Is casilo, Taladana Ku Wareejiyo Saylici & Dhaliilaha Uu Qoyska Madaxtooyada U Jeediyay

0
580

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu talada dalka ku wareejiyo madaxweyne-xigeenkiisa Saylici, isagoo soo jeedintaas ku sababeeyay madaxweynaha oo uu sheegay inaanu hoggaaminta dalka gudan karin.

Xildhibaanka oo u waramay Telefishanka Star, wuxuu sidoo kale boobka hantida umadda ku eedeeyay qoyska madaxweynaha, gaar ahaan Baashe Cawil oo uu madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay.

Ugu horayn isagoo la hadlaya Baashe Cawil wuxuu xildhibaanku yidhi  "Waxaan leeyahay inanka dilaalka ah oo hore loogu wareejiyay hoomihii shidaalka ee barmiilkii kastaba lacag ku leh, isaga oo shaybaadh xaaraan ah oo wax uu qabtaa aanay jirin khidmad ku qaata,  waa inanka dekeda lagu wareejiyay dilaalka yar ee uu u soo qaaday madaxtooyada awgeed, ee madaarka dartii lagu wareejiyay, saddexdaas isaga oo qaba ayaa uu maanta doonayaa dadka masaakiinta ah ee reer Saaxil inuu barakiciyo isaga oo ugu marmarsiyoonaya saldhig ayaa halkaas lagu balaadhinayaa, saldhigana laba qodob ayaa meesha ugu jiray oo saldhiga aasaaskiisu ahaa, waxa uu ahaa in saldhig ahaan uu madaarka Imaaraadku u isticmaalo, qodobka labaadna waxa uu ahaa inay deked yar samaystaan,maanta waxa uu marayaa isaga oo soo qaatay qandaraas u gaar ah inuu ilaa 25-Km dadkaas masaakiinta ah ee sharcigoodiina haysta ka barakiciyo, waxaan leeyahay Baashoow Morgankii rasmiga ahaa ee jiray ee ina Siyaad Bare qabay, qaxoonti ayuu ku danbeeyay, walaahi haddii dawlad cadaalad ah ay dhalato jeelbaad ku danbaynaysaa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyona waxaan leeyahay mudadii umaddan aad hogaaminaysay todobo sano ayaa kuu buuxsamay, waar waad ka tagtay qaranimo, qabiilna waad ka tagtay oo qoys ayaad maraysaa, waxaanu kugula talinaynaa inaad umadda ka hor dhaqaaqdo, labada bilood ee kuu hadhay xil ma gudan karaysid ee Saylici umadda ha u hoggaamiyo doorasho ee inaad umadda ka hor dhaqaaqdo, dadweynaha reer Saaxil waxaan u sheegayaa odaygan waxa meesha loo keenay ee looga soo celiyay Dubai in wareegtooyin laga saxeexo xaaraan ah, wax allaale iyo waxuu dalka ka ogyahay ma jirto."

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Waxaan leeyahay Axmadoow Somaliland way ku qarinaysay todobadaas sanadoodba waxaad taagan tahay aakhiral cimri wax aad hoggaamin kartaana ma jirto, xaaladaadana umaddu way la socotaa waxa laguu keenay inta wax lagaa saxeexo in lagu celiyo, wiigan ayaa dib loo clinayaa mana qabo inuu kursi danbe fadhiisanayo, waxaanu leenahay umadda labadaas bilood Saylici ha gaadhsiiyee ku wareeji xilka, umadda reer Saaxilna waxaanu u sheegaynaa wareegtooyin aan la garanayn meel allaale iyo meel ay ka socdaan ayaa idinku soo fool leh ee haw

hogaansamina,xukuumadani karaamadeedii iyo haybadeediiba way cuntay markaas wax xukuumad loo ictiraafo maaha, umadda dastuurka ayaa kala haga dastuurkiina waa ay jiidhay, waxay doonaysaa inay umadda fadhataysato oo hantidii guud way dhamaysay, dhismayaashii iyo dekediina waa dhamaysay, waxaanu leenahay nin walowba sharcigaaga gacanta ku hayso gacanta kalena ku difaac, hadday karaamadeedii lumisay uma aqoonsanin in wax dawlad ah ay jirto, waxaan leeyahay sharcigana ilaaliya sharci daradana ha qaadanina."