“Xukuumaddu Way ka Tagtay Xayndaabkii Sharci”Xildhibaan Siciid Gaane

0
670

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa sheegay inay Xukuumaddu xayndaabkii sharci ka baxday, oo sharcigii iyo dastuurkii qaranka ay baalmartay, oo dantii guud ee qaranka ka door biday dano gaar ah, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu aanay qorshe rasmiya oo la raaco ka yeelan Abaaraha, Sicir bararka iyo dhoofka xoolaha ee la joojiyey.

 Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xnukuumaddu ugu baaqay in aanay sharci daro ugu kala hiilin Xisbiyada Qaranka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waxa muhiim ah inaynu ilaalino shuruucda inoo taala, waxa muhiim ah in la ilaaliyo Shuruucda iyo Sharciga Doorashada ee inoo yaala, balse Dimuqraadiyada kuma jirto xoog iyo awood in la isku adeegsado, awooda Dawladdana waa loo siman yahay, oo Mushaharka Dawladda waxa bixiya Shacabka, markaas Xukuumaddu yaanay sharciga ka talaabsanin oo Xisbiyada sifo sharci daro ah iyo awood ugu kala hiilinin”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey sicir bararka iyo kharashkii loo ururiyey dadkii ay abaaruhu ku habsadeen yidhi “Markaad xaalada wadanka dib u eegto boqolkiiba lixdan ayuu roob helay, markaas Xukuumaddu qorshe rasmiya oo la raaco kamay yeelan abaaraha, sicir bararka iyo xoolihii la joojiyey, waxaas oo dhan oo is biirsadayna abaaro kale ayey noqdeen, markaas waxyaabahaas oo dhan wey ku fashilantay Xukuumaddu inay wax ka qabato, Guddidayadan faraha badan ee xadka ka baxay Xukuumaddu  waxay doonaysaa inay ku lumiso la xisaabtankii, maaha Guddiyo sharciyada waafaqsan, waana dhibaato kale oo musuq-maasuqa qayb ka ah, Dastuurku wuxuu sheegaya in xaalad kasta oo lacag lagu ururinayo waa in Barlamaanka la soo mariyaa, kadibna uu ansixyaa, Sanduuqna loo sameeyaa, iyadoo ay jirto Hay’addihii Afooyinka Dabiiciga, in cid kale marba la magacaaba waa sharci daro, lacagtan dambe ee loo ururiyey abaaraha ee loo bixiyey ka soo kabashada abaaraha waa in sanduuq loo sameeya, oo Bangiga dhexe lagu shubo, oo aan loo dhiibin niman suuqa jooga, Xukuumaddu waa inay ilaalsaa sharciga iyo dawladnimada, waxaynu ku wada joognaa waa sharciga balse haddii ay Xukuumaddu sharcigii ka dhigto Guddiyo iyo Hebelo waa ayaan daro”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey musuqa ayaa yidhi “Mar haddii uu musuqu fara bato, danta guud waa laga tagaa, oo danaha gaarka ah ayaa bata, haddii xayndaabka sharci laga baxo,musuqa ayaa bata, waxaana dhab ah in Xukuumaddu xayndaabkii sharci ka baxday, diyaarna u ahayn in lala xisaabtamo”.