Warbaahinta Faransiisku Siday Wax Uga Qortay Jabkii Ciidamadooda Ee Somaliya?

0
607

 

Picture3Warbaahinta wadanka Faransiiska ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxay si weyn u hadal hayaan meydka sawirada askari Faransiis ah oo ku dhintey hawlgalkii fashilmay ee ciidamada Faransiisku ku doonayeen inay ku soo furtaan Basaas ka tirsan sirdoonka Faransiiska oo mudo sadex sano ka badan afduub ay ugu haystaan gudaha Soomaaliya kooxda Al-Shabaab.

 

Telefishinka Euro News ee fadhigiisu yahay wadanka Faransiiska ayaa baahiyey muuqaalka sawiro askariga geeriyoodey ee ay Shabaabku ku soo bandhigeen Internet-ka & qalab kale oo ciidan uu watey, iyadoo sidoo kale wargeysyada iyo Telefishinada kale ee Faransiisku ka hadlayaan dhacdadan, waxaan ay sheegeen in askarigaasi markii hore dhaawac ahaan uu ugu gacan galay xoogaga Shabaabka, iyadoo aanay dawlada Faransiiska xaqiijin karin qaabka uu u dhintey.

Laakiin Al-Shabaab ku soo bandhigay bogooda Twitter-ka ee Internet-ka in askariga dhintey uu yahay sarkaalkii hogaaminayey ciidamada Faransiiska ee weerarka gaadmada ah ku soo qaadey degmada Buulo-Mareer, waxaana ay sheegeen in uu u dhintey dhaawacii soo gaadhay.

Qaar ka mid ah warbaahinta Faransiiska gaar ahaan kuwa raacsan siyaasada asxaabta Mucaaradka ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid qayb ka ah wax ay ugu yeedheen siyaasad xumada xukuumada Madaxweyne  Francois Hollande ee la xidhiidha arimaha dibada, waxaana lagu macneeyey guuldarada weerarkaasi iyo soo bandhigada meydka askarigaasi iyo qaar ka mid ah qalabkii military ee ay ciidamada Faransiisku ku hawlgaleen mid waji gabax ku ah haybada ciidamada & xukuumada Faransiiska.

Boga Internet-ka ee Tv-ga Franch 24 ee ay leedahay dawlada Faransiisku oo sheekadan si weyn loogu faaqiday waxaa lagu sheegay in meydka sawirka ay soo bandhigeen Shabaabku ay qoorta u sudhan tahay katiinad calamada Kiristaanka, waxaana qaar ka mid ah dadka arimaha siyaasada ka faalooda ay ku tilmaamay arintan mid ay Al-Shabaab ku doonayso inay ku kiciso Shacabka Muslimka ah ee Soomaalida iyagoo ka dhaadhicinaya in ay sax tahay dooda ku aadan in dalka Soomaaliya ay duulaan ku yihiin Gaalo.

Laakiin wasiirka difaaca Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo arintan ka hadlayey wuxuu sheegay in ay dhab tahay in laba askari oo ka mid ah Kumaandooska Faransiiska ay weerarkaasi ku dhinteen iyo waliba la haystihii ay doonayeen inay soo furtaan Denis Alex, waxaana isagoo ka hadlay sawirada Shabaabku soo daabaceen uu sheegay in ay tahay qayb ka mid dacaayadahooda.

Awooda Al-Shabaab

Abdullahi Halakhe, oo ah sarkaal hay’ada xasaradaha ee caalamiga ah International Crises Group (ICG) qaybteeda bariga Afrika oo ka hadlayey weerarkan wuxuu yidhi “Waxaa jira warar sheegaya in israsaaseyn culus ay dhexmartey maleeshiyada Al-Shabaab & horin ka mid ah ciidamada Kumaandooska Faransiiska taasi oo socotey mudo saacad ah, sidaasi darteed tani waxay muujinaysaa in Al-Shabaab ay wali muuqdaan.

“Marnaba ciidan ahaan looma jabin Shabaabka, waayo magaalo kasta iyaga ayaa isaga baxa” ayuu yidhi Halakhe.

Faransiisku maxay ka aaminsanaayeen hubka Shabaabka?

Sida uu qoray wargeyska Faransiiska ee Le Monde wuxuu baahiyey in Military-ga Faransiisku ay rumaysanayeen  in Shabaabku ku hubaysan yihiin hubka fudud ee AK 47, balse sida dhabta ah ku hubaysnaayeen hub culus.  “Waxay tani ku tahay calaamad su’aal nooca uu yahay mukhaaraakda dad ee ay haysteen Faransiisku, Soomaaliya ma ahan meel sahlan ma hubo inta uu gaadhsiisnaa mukhaabaaradka ay isdhaafsadeen Mareykanka & Faransiiska ee la xidhiidha Soomaaliya ayuu yidhi Halakhe.

Wareysi dhanka Telefoonka ah oo Tv-ga FRANCE 24, uu la yeeshay Vince Canistraro oo ah sarkaal ka mid ahaa laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa sheegay in aanay xooganeyn isdhaafsiga wararka sirdoon ee Mareykanka iyo Faransiiska ee la xidhiidha weerarkii sabtidii ay fulisay dawlada Mareykanka.

Franch 24 wuxuu sheegay in ay ka soo xigteen Canistraro, in sirdoonka Mareykanka ee Soomaaliya uu yahay mid aad u hooseeya, isagoo ku tilmaamay in uu ku kooban yahay uun weeraro dhanka hawada ah oo fuliyaan diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee loo yaqaan Drons, isagoo xusey inaanay ku laheyn mukhaabaraad goobta wax ka dhaceen. “Laakiin hadii ay xaaladu tahay mid la xidhiidha maxaabiis iyo dad la haysato waa waji kale” ayuu hadalkiisa raaciyey Vince Canistraro.

Canistraro wuxuu ku macneeyey in Mareykanka taageerada uu taageray hawlgalkaasi ay qayb ka tahay isbahaysiga ka dhaxeeya labada wadan, balse xogta ay ka hayeen Mareykanku aad u yareyd, inkastoo Madaxweyne Obama uu sheegay in Mareykanku ku taageereen hawgalkaasi Faransiiska, balse arintaasi xeeldheerayaashu calaamad su’aal ayay dulsaareen.

Saameynta Midowga Afrika

Warbixinta French 24 Tv wuxuu kaloo ku tilmaamay fashilka hawlgalka Faransiiska mid taabanaya midowga Afrika kaasi oo ciidamo ka socda oo la magac baxay AMISOM ay ku sugan yihiin Soomaaliya, fashilka hawlgalkanna wuxuu ku yahay mid aad u khatar ah.

Al-Shabaab & Warbaahinta

Abdullahi Halakhe oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee xasaraha caalamiga ah (ICG) wuxuu sidoo kale ka Hadley firfircoonida hawlaha warbaahineed ee Al-Shabaab isagoo yidhi “Al-Shabaab aad ayay ugu fiican yihiin dhanka hawlaha warbaahinta, sida dhabta ah waxaan hubaa in ay tan ka dhigan doonaan yoolka ugu weyn sheekadooda, waxay odhan doonaan  waynu guulaysanay oo anagga ayaa helnay gacanta sare, waxaynu sidaasi oo kale ku sameyn doonnaa ciidamada Kenya, Ugandha & kuwa Burundi, waxayna noqon doontaa arinta xiisaha leh nooca jawaabta ay bixin doonaan madaxda ururka Midowga Afrika mana u muuqan doono mid wanaagsan xidhiidhka Faransiiska & Midowga Afrika.

Meydka askariga ay Al-Shabaabku soo bandhigeen & qalabkii kale ee military ee la aaminsan yahay in askarigaasi watey ayaa waxaa baahiyey Tv-ga EURO NEWS ee saldhigiisu yahay magaaalda Lyon ee wadanka Faransiiska.