Gudoomiyaha Baanka Somaliya Oo Loo Magacaabay Muwadin Reer Somaliland Ah

0
550

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyaha Baanka dhexe ee dalkaas u magacaabay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaahdo Dr.  Cabdisalan Xaaji Hadliye.

 

Dr. Cabdisalaam,, ayaa ah aqoonyahan qurbe-joog ah oo ku nool dalka dibadiisa, waxaanu degenyahay dalka Maraykanka, waxaanu ka soo jeedaa gobalka Awdal. Dr. Hadliye, maaha qofkii u horeeyay ee reer Somaliland ah ee uu Madaxweynaha Somaliya xil u magacaabo, waxase ay Dr. Hadliye iyo Foosiya Yusuf Xaaji Aadan ba ka mid yihiin weftiga uu hadda u kaxaystay dalka Maraykanka.

Guddoomiyaha loo magacaabay baanka Somaliya, lagama yaqaano masraxyada siyaasadda Somaliya, waxase uu caan ka yahay gudaha dalka Maraykanka isagoo marna sarkaal sare ka noqday dawladda hoose ee magaalada Washington.