Ma Dhabaa In Maraykanku Xusuusta Ka Masaxay Madaxweyne Mursiga Masar?

0
570

 

 

Picture2Qaahira (Geeska)- War u muuqda in uu dacaayad yahay oo dhowaan lagu faafiyey bog ka mid ah bar-kulanka bulshada ee facebook ayaa sheegaya in Maraykanku xusuusta ka masaxay madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi xilligii uu joogay dalka Maraykanka oo uu la shaqaynayey wakaaladda hawada sare ee Maraykanka, kana mid ahaa khubarada NASA la shaqeeya kuwa ugu maskaxda iyo aqoonta badan. Warku waxa uu sheegayaa markii uu Mursi go’aansaday in uu joojiyo hawlihii uu la qabanayey, in NASA oo ay dabada ka wadaan khubaro Yuhuud ahi tirtirtay xusuusta maskaxeed ee Madaxweyne Mursi oo ay ku sameeyeen qalniin iyo camaliyad qarsoodi ah, si aanu cid kale uga faa’idayn xogta baaxadda leh ee uu ka hayey NASA iyo guud ahaanba hawada sare ee dunida.

 

Bog facebook ka furan oo lagu magacaabo, “Dooni mayno xukunka calmaaniyiinta iyo is-beddel doonka” oo la aaminsan yahay in ay maamulaan dad taageersan siyaasadda islaamiyiinta dalka Masar iyo xukunka madaxweyne Mursi ayaa sheegay in tallaabadaa ay NASA xogta hawada sare kaga masaxaysay Mursi ay saamayn ku yeelatay xusuusta caadiga ah ee madaxweyne Mursi iyo weliba ku hadalka afka-Ingiriisida. Qoraalkan waxaa lagu soo gabagabeeyey in akhristayaashu Ay Alle ku mahadiyaan in xusuusta madaxweyne Mursi ee la masaxay aanay illowsiin Qur’aanka Kariimka ah oo uu dusha ka qaybsan yahay illaa hadda.

Warkan ayaa dood badan ka dhex dhaliyey dadka reer Masar oo qaarkood u arkeen war madaxweynaha lagu dacaayadaynayo oo loogu soo dhuumanayo in la duro awooddiisa maskaxeed iyo xusuustiisa, halka dadka qaarna ay ku doodayaan taa liddigeeda oo ah in dadka warkan sameeyey ay u dan leeyihiin in ay kor u qaadaan sumcadda madaxweynaha oo ay ka dhigaan nin reer galbeedka dhibbane ugu ahaa aqoontiisa iyo wadaniyaddiisa awgeed, dadkani waxa ay ka baqo qabaan in arrintan ay kor u qaaddo madaxweynaha oo uu shacbiyad badan ku kasbado.

Maxamed Mursi waa madaxweynihii ugu horreeyey Xusni Mubaarak dabadii ee dalka Masar yeesho kacdoonkii kadib, waana madaxweynihii abid ugu horreeyey dalka Masar ee ku soo baxa doorasho xisbiyo badani ka qayb galaan oo xor iyo xalaal ah. Waxa uu dhashay sannadkii 1951kii, sannadkii 1975kii ayuu darajada ugu sarraysa oo cilmiga Injineernimo ah ku qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor), isla jaamacadda Qaahira ayuu ka qaatay shahaadada labaad ee Master oo isla Injinneernimadii ah sannadkii 1978kii. Mar kale ayuu gobolka California ee dalka Maraykanka ku diyaariyey shahaadada Bachelor oo injineernimada ah iyo shahaadada PhD oo uu sannadkii 1982kii dhamaystay, waxa aanu bartay cilmiga ilaalinta iyo hannaanka shaqoo ee dayax gacmeeddada iyo hawada sare. Mursi Waxa uu Maraykanka ka qabtay xilal badan oo dhinaca jaamacadaha ah, waxa aanu si dhow ula shaqayn jiray wakaaladda NASA ee hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanka, waxase dad badan oo ogaa in uu muddo joogay Maraykanka waxna ka dhigay jaamacadaha dalkaas, layaab ku noqotay markii ay arkeen madaxweyne Mursi oo aan afka Ingiriisida ugu hadli karayn sidii ay ka filanayeen qof isaga oo kale ah.