Warbaahinta Dunida Carabta Oo Indhaha Dawladda Isreal Ku Soo Jeedinaya Somaliland

0
500

Hargeysa (Geeska) – Warbaahinta Menafn oo ka mid ah Warbaahinta Dalalka Carbeed, ayaa wax ka qortay sida ay xilligan muhiimka u tahay In Isreal ku baraarugsanaato inay soo celiso xidhiidhkii ay la lahayd Somaliland 1960-kii, maaddaama oo ay soo celinayso xidhiidhka Imaaraadka oo dabcan isaguna xidhiidh la leh Somaliland.

War-bixinta oo lagu lafa-guray Taariikhda Somaliland ee illaa lixdankii, ayaa lagu sheegay Isreal ka mid ahayd Dalal ka badan 30 oo Somaliland aqoonsaday markii ay lixdankii xornimada ka qaadatay Ingiriiska.

“Maaddaama Dawladda Israa’iil ay ka mid ahayd waddammadii ugu horreeyey ee aqoonsiga Taariikhi ah siiyey Jamhuuriyadda Somaliland muddadii koobnayd ee ay jirtay 1960-kii, ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya” ayaa lagu sheegay War-bixinta uu daabacay MENAFN, taasi oo intaas ku dartay “Imaaraadku wuxuu ka mid yahay Dawladaha rumaysan Kiiska Somaliland, sidaa darteed wuxuu caadi ka dhigayaa xidhiidhkii ay la lahaayeen Israa’iil..”

War-bixinta ayaa Isreal ugu baaqday “Dawladda Israa’iil waa in aanay ku guuldaraysan inay ogaato in xidhiidh diblomaasiyadeed oo taariikhi ah ay la lahayd Jamhuuriyadda Somaliland..”

David Shinn oo ah Dublamaasi Muddo 37 sano ku jiray siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka, soona noqday Safiirkii Maraykanka ee dalalka Itoobiya iyo Burkino Faso, ayaa mar wax laga waydiiyey dalalkii Isreal ka mid ahayd ee Somaliland aqoonsaday lixdankii ayaa ku jawaabay “Xoguhu way ku kala duwan yihiin tirada dalalkii aqoonsaday Somaliland sannadkii 1960. Qaar baa yidhaahda 34, qaarna 35, haddana qaar kale 36 ayay sheegaan. Kuwa la sheegay inay aqoonsadeen Somaliland waxaa ka mid ah Shiinaha, Masar, Itoobiya, Faransiiska, Gaana, Israa’iil, Liibiya, iyo Midowgii Soofiyeeti, Maraykankuna xilligaa wuxuu U diray Somaliland Telegaraam Hambalyo, laakiin si rasmi ah uma aqoonsan”

Alison K. Eggers oo isaguna daraaseeyay Qadiyadda Somaliland, ayaa qoraal ku yidhi “Bishii Juun 1960-kii Somaliland waxay noqotay dalkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee ay aqoonsato Qaramada Midoobay, laakiin  Toddobaad ka dib, horraantii bishii July 1960kii, Somaliland waxay ku biirtay Soomaaliya si ay u samaystaan hal dawlad oo fadhigeedu yahay Muqdisho…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office