Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Marxaladihii Dalku Soo Maray Iyo Xaaladda Maanta

0
401

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay inay Somaliland wada tashi ay ku soo gaadhay heerka ay Maanta taagan tahay, waxaanu ku baaqay in mar walba qaranimada iyo nabadgalyada la ilaaliyo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sidoo kale ka hadlay geerida ku timid Suldaanka guud ee Beesha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, waxaanu yidhi “Inaga ayaa dalkeena u tashanay, marxalado aad u adag oo duruufahooda watay ayaynu soo marnay, balse waxaynu kaga soo gudubnay wada tashi iyo isku tanaasul, nimcada aynu haysano waxaa jira dalal badan iyo dad badan oo aan haysan,waxaana Caalamka aynu xaq ugu leenahay inay ina siiyaan aqoonsi buuxa, maaddaama aynu nahay dal madax-banaan oo buuxiyey shuruud kasta oo looga baahan yahay dal la aqoonsan yahay, ta kale waxaan leeyahay mar kasta aynu nabaddeena ilaashano, oo qadiyaddeena aynu ilaashano, oo qaranimadeena ilaashano”.

Mar uu ka hadlayey geerida ku timid Suldaan Cumar wuxuu yidhi “Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo muddo dheer xanuunsanayey, xaqii baa u yimid, geeriduna waa xaq ee ALLE waxaan uga baryayaa inuu u naxariisto, oo jannadana ka waraabiyo, dhammaanteena uu samar iyo imaanba inaga siiyo”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office