Waraysi: Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadii UDUB

0
571

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii caafimaadka ee xukuumadii hore ee UDUB Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay in markii uu talada qabtay uu xilalkii ka qaaday agaasimayaashii iyo maareeyayaashii waday hawlaha maamul, kuwaas oo uu sheegay inay sabab u noqdeen inay shaqadii qaranku istaagto.Cabdi haybe

Cabdi Haybe, oo uu waraysi la yeeshay weriye Faysal Xiis Weerar, wuxuu Madaxweynaha ku bogaadiyay magacaabista maareeyahah dekedda Berbera uu u soo celiyay Cali Xoor-xoor. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Waxa aad tafaasiil guud naga siisaa xaalada dalka intii ay sii maqnayd  xukumadiinii maxaa isbadaly adiga aragtidaada?

Horta waxa isbedelay laba maamul, maamulkii aanu anagu ka tirsanayn ee Udub iyo maamulka cusub ee Kulmiye, labadaa maamul ayaa is badalay, Kulmiye waxa uu ku guul daraystay marka laba dawladood ay isbadalayaan wasiirada ayuun baa ka baxa meesha, laakiin dhibaatada ay sameeyeen waxa ay ahayd markay eryeen agaasime yaashii guud oo dhan iyo maareeyashii aqoontii waday meesha oo dhan markay eryeen ee ay yidhaahdeen waa Udub taasay dhibaatada gaadhay iyaga ay noqotay. Deedna qurbajoog iyo maqaaxiyo joog iyo qaar macdaaraalayaalaa laga wada dhigay DG-yaal markaas ayay maamulkii wadi kari waayeen markaasaa imika loo soo noqday maamulkii Udub in la fadhataysto.

Dhibaatada dhacday waxa weeyaan laba maamul haday is badalayaan cida maamulka wadaa waa agaasimayaasha iyo maareeyayaasha iyaga marna lagama maarmo oo dawlad kasta oo isbadasha waa ay joogaan waayo waa mishiinkii shaqada waday, markaa dhibaatada ku dhacaday Kulmiye waxa weeyaan aqoontiibay meesha ka saareen, wasiiradu dee iyagu meesha waa ay ka baxayaan markasta laakiin agaasimayaasha guud  iyo maareeyayaasha ayaa hawsha wada, waatan imika noqotay ee laga maariwaayay Cali Xoor Xoor oo kale oo dee khabiir ku ahaa dekeda markaa madaxweynuu wuu ku amaanan yahay inuu ragaas soo celiyo oo hawshoodii ku soo celiyo waayo waa muwaadiniin iyaguba xaq uleh inay hawsha wadanka ka shaqeeyaan.

Haddii aan halkaas su’aal kaasii waydiiyo ma kula tahay sida Cali looga maarmi waayay ayaa Udub looga maari waayay?

Udub waa muwaadidiin ka mida muwaadiniinta Kulmiye oo kale, xaq kulmiye leeyahay ayaa ay muwaadiniinta Udubna leeyihiin, madaxweyne Siilaanyana waxoo dhan isagaa u madaxweyne ah maanta, markaa nin kasta oo Somalilander ah xaq waxa uu u leeyahay in shaqadiisii lagu celiyo, xaqna maaha in lagu eryo muwaadinka xisbi hebel ayaad ahaan jirtay.

Waxaad ka warantaa xisbiyadii waa la furay, qaar isdiiwan galiyay iyo kuwo aan is diiwan galinba kuwo ay haween leeyihiin iyo kuwo ay wadaado ku dhawaaqeenba, adigu sideebaad u aragtaa?

Horta ururadan la furay anigu waxaan u arkaa burbur wadanka la burburinaayo, ta ugu wanaagsani waxa ay tahay in xisbiyadii qaran ee wadanka ka jiray in loo sameeyo sharci adag oo xakameeya oo aan loo qaadan xisbi walba in uu nin leeyahay, wax iyaga xakameeya oo qof kasta oo muwaadina oo xisbi ku jiraa uu awood u yeesho inuu iska sharaxo oo uu waxna doorto lana doorto, waxay ahayd uun in saddexdii sixbi ee hore la xoojiyo oo sharciga lagu xoojiyo oo aanay u muuqan xibi uu nin iska leeyahay, lakiin imika jaantu fagaxdan la sameeyay waa dawakhaaduun, imika ururkasta ninbaa leh oo ku magacaaban.

Maxay saamayn inagu keeni karaan ayaad u malaynaysaa?

Waa Burbur uun, wax sii xumaada mooyaane wax hagaagayaa ma jiraan.

Dhawaan waxa dalka barigiisa iyo galbeedkiisaba ka dhacay laba shaqaaqo, xukkuumadu labadaba waa ay ka hawl gashay, sideebaad u xalin jirteen markay arimaas oo kale yimaadaan?

Dhibaatada dhacda waxa lagu xoojiyaa guurtida, imika maamulkan jira intuu joogayba waxa dhacay shaqaaqooyin badan tan imika ka dhacday galbeedku hawgu danbaysee, guurtidii jiri jirtay ee wax xalili jirtayna badankoodii waa ay dhinteen, iyagana waxa badalay nin walba wiilkii uu dhalay, imika anigu uma arkaba inay guurti jirto, labaatan sano waa ay fadhiyeen cid sharci ku fadhida imika madaxweynaha uunbaa jira, guurtida baarlamaanka, deegaanka cid sharci ku fadhidaa maanta ma jirto, waxaanay ahayd ururadan la sameeyay ee la leeyahay deegaanbaa loo tartamayaa tan baarlamaankana in lagu lifaaqo oo ay doorashadu mar ay wada dhacdo,  shaqaaqadan iska socotaana waxa weeyaan waxa meesha laga saaray shaqadii guurtidu ay lahayd, marka soo qaadato Ceerigaabo tii ka dhacday oo kale waa tii guurtidu u gurmatay wasiiradii joogaybaa soo celiyay guurtidii oo yidhi laydiima baahnee iska taga, dil hadduu dhaco dhaqan       uunbaa lagu xalilaa sikale laguma xalilo, shaqadaa nabadayntana guurtidaa iska leh oo waxaad moodaa imika inay meesha ka baxayaanba.

Dhanka kale hadaan su’aal kaa waydiiyo waxa la leeyahay xisbigii Udub wada baarqab buu noqday sidii Kulmiye bari ahaan jiray oo waa uu wada sharaxanyahay, adigu sidaad u aradtaa?

Xisbiga Udub sidiisii ayuu isu haystaa, baarqabaduna waxa weeye meel walba waa ay ku jiraane ninkii wax isla haya ayuunbaa soo baxaaya horta, waxaana weeyaan Udub de sharcibay leedahay oo kala danbayn bay leedahay, ilaa imika waxa isa soo sharaxay oo aynu ognahay Cali Warancade iyo Jamaal Cali Xuseen, waxa isna jira Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo Jooga Koonfurta Sudan oo isna Cv-giisii soo diray, saddexdoodaa iyo cidii kale ee ku soo biiraysaba waa ay u furantahay tartanka inay galaan waana la kala saari doonaa.