CAWIL MUXUU KA YIDHI MAGACAABISTA CALI XOOR XOOR

0
674

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadii UDUB Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa u sacabo tumay go’aanka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Eng. Cali Xoor-xoor ugu magacaabay maareeyaha dekedda Berbera, waxaanu sheegay inay magacaabistiisu muujinayso in wax badan oo uu KULMIYE sheegi jiray xilligii ay mucaaradka ahaayeen aanay waxba ka jirin.

Cawil, oo shalay u waramay Wareyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu Madaxweynuhu qaatay go’aan adag mar haddii uu gartay inuu maareeyihii hore ku soo celiyo dekedda Berbera, “Xaqiiqdii madaxweynaha waan ku ammaanayaa magacaabista Cali Xoor Xoor  inuu mar kale ka dhigay maareeyihii dekedda Berbera, waxa weeye dekedda ay Somaliland ku nooshahay waa dekedda Berbera, ninka loo dhiibayaana waa inuu noqdaa mid khibrad iyo adkaysi leh, ilaa marxuum Cigaal isagaa Cali dekedda hayay, markii Rayaale noqday madaxweynahana wuu u dhaafay jagadii.” Ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciyay “Marxuum Cigaal iyo Rayaale kama ay ahayn Cali jeclaysi ee wuxuu ahaa nin shaqada dekedda laga rabo ka soo bixi kara oo ah nin ku filan iyo inuu yahay nin maamuli kara, mudadii aan wasiirka ahaana aad ayaanu u wada shaqaynay, shakhsi ahaana waa nin adag, waa nin karti badan. Markaas waan soo dhawaynayaan waanan ku ammaanayaa Madaxweynaha magacaabistaas.”cawiil

Cawil oo la weydiiyay aragtida ay bulshadu ka qaadan karto dib u soo magacaabista maareeyihii hore ee dekedda oo uu xisbiga KULMIYE ee uu Madaxweynuhu ka soo baxay si adag u cambaarayn jiray xilligii ay mucaaradka ahaayeen, wuxuu yidhi

 “Waxay ku tusaysaa KULMIYE mucaarad ayuu berigaas ahaa ilaa baarlamaanka ayaanu isku qabsan jirnay gaar ahaan  xildhibaanada KULMIYE maxaa Ina Xoor Xoor dekeda looga qaadi waayay,  waxaanan ugu jawaabi jiray waa nin shaqadiisa ku filan oo sabab looga qaadaa ma jirto, xaqiiduna waa taas.”

Wuxuu intaas raaciyay “Raasi waxay markaas ay tusaysaa in kulmiye aanu xaqiiq hayn ee ay mucaaradnimo ka hadlinaysay oo qofku marka xilka loo dhiibo ee uu ceelka galo ayuu culayska iyo dhibaatada ogaadaa, markaas KULMIYE markay dawlad noqdeen ayay garan karaan hawlaha meesha yaala iyo culayskeeda iyo wixii ay ku hadli jireen in  aanay waxba ka jirin, mucaaradku wuxuu doono ayuu had iyo jeer iskaga hadlaa, laakiin xaqiiqdu waxa weeye iyagaa masuuliyadii haya madaxweynuhuna waa ninkaas la doortay ee khibrada leh waxaanan ku ammaanayaa inuu talaabadaas qaaday oo nin alla ninkii dalka wax u qabanayay ee hawlbalaha ah inuu keeno,  waayo shaqaale dawladeed siyaasiyiin maaha ee waa cidda maamulkii dalka wadda.”

Ugu dambayn wuxuu Cawil yidhi “Markaas waan ku ammaanayaa waxaanay tusaysaa wixii KULMIYE  sheegi jiray inaanay waxba ka jirin, sannad iyo badhkaas uu dekedda ka maqnaa ayay hoos u dhaadhacday sidaan qabo.”