Ma Masar Baa Isbedeshay Mise Somaliland Baa Qardo Jeex Ah..Staff Writer

2
830

Salaasadii toddobaadkan waxa dalka Masar u ambobaxay wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo uu weheliyo Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Weftigaasi waxa ay saxaafadda u sheegeen in ujeedada safarkoodu la xidhiidho martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Masar oo ay tilmaameen inay uga baxday sanqadh tilmaamaysa inay dib u eegayso siyaasadeedii dibadda ee bariga Afrika. ‘Waxaan filaynaa horta isbedelka siyaasadu xidhiidho iyo kulamo joogto ah ayuu u baahan yahay, xilligana siyaasada dawlada cusub ee Masar waxa nooga baxay inay dib u eegayso siyaasadaheedii ku wajahnaa wadamada barriga Afrika.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadu.

Hase yeeshe dad badan ayaa ka soo horjeeda aragtida xukuumadda Somaliland waxaana sabab looga dhigayaa siyaasadda soo jireenka ah ee cadowtinimada ku dhisan ee ay Masar ku eegto qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, cid walibana haddii aan indhaha laga qarsanayn way ka war qabtaa aragtida Masar ee Somaliland,

Ma jirto meel ay dawladda Masar ku sheegtay inay ku bedelayso aragtideedii Somaliland, lamana hayo tibaax muujisay arrintaas, waxase la ogyahay inay dawladda Masar kaalin muhiim ah ka ciyaarto dib u soo celinta midnimadii riyada ahayd ee Somaliland iyo Somaliya iyadoo eeganaysa danaheeda siyaasadeed ee ku waajahan gobalka Geeska Afrika. Marka lagu noqdo weedhihii uu horaantii bishan Hargeysa ka sheegay safiirka Masar u qaabilsan dalka Somaliya Ambasator  Ayman Magdi, lama arag meel uu ku muujiyay inay bedelayso siyaasadeedii dibadda. Safiirkii ka horeeyay ee la bedelay ayaa isna la ogaa hadaladii xajiinta lahaa ee uu Hargeysa kaga tiraabay wakhtigii u dambeeyay ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin ay talada haysay.

Markase laga hadlo tiraabta wasiirkeena khaarajigu ku cabiray safarkiisa ee ah inay bidhaan suubani uga baxday dalka Masar ayaa iyaduna ah aragti la naqdiyi karo. Sida la wada ogyahay dalka Masar wuxuu ku jiraa xaalad koomo ah tan iyo markii horaantii sannadkan talada laga tuuray Madaxweynihii hore Maxamed Xusni Mubaarik, mana jirto dawlad weli ka hadli karta xidhiidho dibadeed oo dalkaasi yeeshay waxaana weli hoggaamiyaha golaha milatariga Masar oo uu weliba wasiirka gashaandhiga u yahay wasiirkii gaashaandhiga ee Xusni Mubaarik oo in ka badan labaatan sannadood xilkaas hayay, waxaana mudadas uu Madaxweynihii hore sii maqnaa Masar ay yeelatay ugu yaraan saddex Raysalwasaare, waxaana halkaas ka cad inaanay dawladda Masar jaanisba u helin xaalado ka baxsan dalkeeda oo weliba gaadhsiisan bariga Afrika, marka ay sidaas tahayna waxa la odhan karaa sanqadha xukuumadda Somaliland u baxday waa mid salka ku haysa martiqaadka ay sheegeen in loo soo diray oo dabcan midhiisa la ogaan doono marka ay Qaahira gaadhaan iyo masuuliyiinta ay la kulmaan.

Sidaas daraadeed, waxa la isweydiin karaa ma dhabaa oo Masar ayaa bedeshay siyaasadeedii ku waajahnayd Somaliland, mise Somaliland ayaa qarda jeexaysa.? Su’aasha jawaabtan waxa ay dad badani aaminsanyihiin inay adagtahay inay Masar inay u soo jeedsato iska daaye ay ku adagtahay inay xataa u calool dabacdo, marka laga tago aragtida xukuumadda Masarna waxa fikirkan iyaguna qaba shacabka Masar oo aaminsan in Somaliland oo madaxbanaani heshaa aanay dan u ahayn dawladda iyo danaha dadka reer Masar, haddiise ay weftiga xukuumadeenu war kaas hore ka duwan inoo keenaan waa la arki doonaa.

Comments are closed.