Waraysi lala yeeshay Suldaan Daakir

0
783

Hargaysa(Geeska) — Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mida sulaadiinta beesha Gabooye ayaa guddidii uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo u magaabay inay ka soo talo baxiyaan sidii ay siyaasada uga soo qayb gali kari lahaayeen beelaha la hayb-sooco  iyo haweenka waxa uu u soo jeediyay inay beelaas la hayb sooco ugu daraan golayaasha deegaanka ee gobal kasta 4 xubnood, waxaanu sudaanku ku tilmaamay in xubin loogu daro gobal kastaa inay tahay in beeshaas layska horkeenayo oo aanay  wax wanaaga ah u soo kordhinaynin.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo wagasyaka Geeska Afrika uwaramayay ayaa ugu horayntii waxa uu u soo dhaweeyay go’aanka uu madaxwaynuu ku soo magacaabay guddidaas, waxanu ku bilaabay hadalkiisa sidan “Waxaan doonayaa inaan wax ka idhaahdo guddidan uu magacaabay madaxwayne Axmed Siilaanyo ee ka soo talo bixinaysa arimaha beelaha la hayb sooco  iyo haweenka. Markaa marka ugu horaysa arinkaa waan ku hanbalyaynayaa waanan soo dhawaynayaa, maadaama oo uu madaxwaynuu ku taliyay inay dadkaasu ka qayb qaataan siyaasada dalka. Mar labaadka muhiimada aan doonayo in aan ka hadlo maanta waxa weeyaan fariin aan u diraayo, guddida ka soo talabaxinta loogun talo galay ee todabada xubnooda ayaan doonayaa in aan war u mariyo  Geeska Afrika oo, waxaan  doonaya anigoo kamida sulaadiinta beelaha la hayb sooco ee gabooyaha. Waxaan leeyahay marka hore alle haydiin fududeedeyo hawshaa laydiin igmaday, mar labaadka waxaan leeyahay muddo laba todobaadana waad haysataan anaga oo idinla kulmi doona”

Suldaan Daakir waxa uu guddida cod dheer ugu sheegay in aanay waxb u taraynin in gobalada dalka laga siiyo beelaha la hayb sooco min hal xildhibaan oo golaha deegaankaa, waxaanu sheegay inay beeha la haybsooco oo ka kooban afar reer inay arintaasi carqalad dhex dhigayso isaga oo arimaas ka ahadayana waxa uu ydhi “Waxaan soo horaysiinayaa hadaad doonaysaan inaad umadan wax tartaan oo aad siyaasada ka qab galisaan oo aad wax wanaagsan u qabataan waxa loo baahan yahay wax ku filan oo runtii iyagana wax tar unoqon kara inaad u qabataan, inaad hargaysa oo kale layidhaahdo xubin baa la siinayaa, hadii taas la yidhaahdo waxba u tari maysee iyaga isku dilaysaa dhibna u keenaysaa, waa afar beelood oo waawayn waa beesha  Muuse Dhariyo, Madhibaan, Tumaaled iyo beesha canaasood afarta beelood beelkastaaba waxay xaq u leedahay inay siyaasada dalak aka muuqdaan,  markaa waxan ku dhiiri gakinayaa nimanka guddida ah ee madaxwayaanuu arinta u xilsaaray golayaasha deegaanku waa waxay ka kooban yahiin 21 xubnood mana ah quraan munasala oo xaga rabi ka soo dagay ee waxa laga dhigi karaa 25 afartaas xubnoodna iyakaa la siin karaa, waxaan aad ugu cel celinayaa in magaalo kasta golaa degaanka afaraas xubnood lasiiyo si beel kasta oo xaq uleh in siyaasada ka qab gasho ay xaqnimadeeda ugaga qaybgasho.” Ayuu yidhi suldaanku, waxaanu intaas sii raaciyay “Laakin xubin marka la yidhaahdo waa laydin siinayaa wali arintaa run nimadeeda ma hubee, lakiin waxaan uga digayaa haday is yidhaahdaan wax soo qaada inay xubin iyo laba iyo wax la meela ay soo qaadaan, sababtuna waxa weeye hadhwtoole iyagay colaadii dhex tagaysaa oo isku qabsanaya, cidkastaana waxay jeceshahay inay ka muuqato siyaasada, markaa waxaan leeyahay macaa goleyaasha sharci dejinta afar xubnood haloogu daro, taladoodu inay caynkaas ku ururto ayaan aad iyo aad u soo dhawynayaa lakiin ma jeclin  mana soo dhawaynayno xubin iyo wax la hal-maala inay soo dhigaan meesha.”