Meles Zenawi Oo Soo Jeediyay in Somaliland la siiyo aqoonsi hoosaad

0
718

malezHargeysa(Geeska )-Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa soo jeediyay in Somaliland la siiyo aqoonsi hoosaad u dhigma midka ay haystaan maamulka Falastiiniyiintu.

Meles Zenawi, wuxuu sheegay in haddii Somaliland la siiyo aqoonsi hoosaadkaasi uu ka caawin doono arrimo badan oo ay ugu horayso inay dunida la macaamisho. Hadalkan wuxuu Meles Zenawi u sheegay ku simihii kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka  u qaabilsan Afrika Mr. Phili Carter, mar ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa 30 January 2009, waxaana waxyaabihii kulankaas la isku weydaarsaday banaanka soo dhigay sir fashiliyaha Wikileaks ee bedka soo dhiga farriimaha ay safaaradaha Maraykanka ee dunidu u dirayaan wasaaradooda arrimaha dibadda ee Washington.  Kulankan iyo waxyaabihii la isku weydaarsaday wuxuu Wikileaks baahiyay laba toddobaad ka hor, waxaana wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u diray Ambassador Donald Yamamoto oo ahaa safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa. Qoraalka dhammayska tiran ee uu Ambassador Yamamoto diray ee uu Wikileaks helay oo uu Wargeyska Geeska Afrika, soo turjumay wuxuu u dhignaa sidan: “Wada xaajood 30-kii January ee sannadkan dhex maray kaaliyaha  xoghaya arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Phil Carter iyo raysalwasaaraha dalka Itoobiya Meles mar ay kulan doceed yeesheen, ayuu Raysalwasaare Meles ku dooday in Somaliland la siiyo haaf-aqoonsi, isaga oo ku tilmaamay tallaabo xooggan oo lama huraan u ah xoojinta awoodda bulshada caalamku u leedahay in Somaliland laga taageero amniga gobolka iyo xasiloonidiisa iyo weliba in la taageero dadaalladeeda maxalliga ah ee ku aaddan dimuqraadiyadaynta.

Meles waxa uu ku dooday in nooca xidhiidh ee ay hadda bulshada caalamku la leedahay Somalland yahay mid aan la difaaci karayn (Aan xujo haysan), iyo in ay Somaliland u baahan tahay jid kale oo ay uga wareegto aqoonsiga sharciyeed ee ay raadinayso si ay ugu ogolaato bulshada caalamku in ay aqoonsato qaybo ka mid ah hay’adaha maamul ee Somaliland oo ay wada shaqayn la wadaagto.

Meles waxa uu u garaabay doodda xoghaye ku xigeenka Mr. Phil Carter ee ah habka ay labadii sano ee u dambeeyey u socotay siyaasadda arrimaha gudaha ee Somaliland aanu caawinayn qadiyaddooda, isaga oo ku waafaqay in gobolkan (Somaliland) ay la gudboon tahay in ay dib ugu soo noqdaan dhabbaha saxda ah oo ay sidii qorshuhu ahaa, gu’ga sannadkan qabtaan doorashooyin lagu qanci karo [La soco waa doorashooyinkii 2010 ka hor ]. Laakiin Meles waxa uu weli ku sii adkaysanayey in nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland aanu sii jiri karin, haddii aan la helin nooc uun ah aqoonsi ku-meel-gaadh ah oo u suurtogelin kara in la siiyo taageero caalamiya si loo badhi-taaro hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland samaysatay.
 Meles waxa uu caddeeyey in fikradda ah in Somaliland la siiyo aqoonsi ku-meel-gaadh ah ama aqoonsi hoosaad u dhigma ka maamulka Falastiiniyiintu uu haysto, inuu hadda ka hor kala hadlay madaxweynihii Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, iyo in uu Rayaale si isa soo taraysa uu ugu soo dhowaanayey aqbalitaanka Istiraatijiyaddan.
Meles waxa uu ku dooday in bulshada caalamka ay u taallo tallaabooyinka kuwan xiga si ay gacan uga geystaan sidii dadka reer Somaliland loogu qancin lahaa hab noocan ah. Markaa kadib waxa ay Somaliland u baahanaysaa in ay bulshada Afrika ka hesho gadh wadeen fiican, si ay ugu si dhowaadaan qadiyadda.
Meles waxa uu soo jeediyey in Djibouti ay tahay dalka ugu habboon in uu kaalintaa buuxiyo, isaga oo xaqiijiyey in Itoobiya aanay iyadu ku habboonayn. (Maadaama oo tallaabadani ay keeni karto khatarta ah in ay keliya sii xoojiso xujooyinka ay cuskanayaan kuwa ku doodaya in ay Itoobiya u heellan tahay kala googoynta Soomaaliya).
Marka Istaraatiyaddaasi ay taageero ka hesho dalalka Afrika, Meles waxa uu ku dooday in culaysku uu fuuli doono Maraykanka iyo Ingiriiska oo laga rabo in ay aqoonsi hoosaadkan ku qanciyaan reer Yurub iyo dawladaha kale ee bulshada caalamka.”