Milicsiga Wargeyska: Yaa Mudan inay Qaado Mucaawinada Soomaaliya?

0
767

Mar haddii ay dawladu go’aamisay in lacagtii caawimada ahayd ee la ururiyay la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu ku waxyeeleeyeen dalka Somaliya, waxa haboon in aad looga baaraan dego sidii deeqdaas loo gaadhsiin lahaa cidda loogu tallo galay. Ka sokow wareejinta deeqdaas waxa iyana muhiim ah in laga fikiro ciddii qaadi lahayd.

Laakiin intaasba waxa ka horaysa qaabka loo xulayo cidda qaadaysa taasina dabcan waxa ay ku xidhantahay xidhiidhka siyaasiga ah ee ka dhexeeya hadba labada dal ee ay duruufuhu qasbeen inay xidhiidh sameeyaan iyaga oo aanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn. Somaliland iyo Somaliya kama dhaxayso cadaawad iyo xumaan kale, waxase meesha yaala dawlad kasta oo ka soo baxda kooxaha tirada badan ee Somaliya ma aqoonsana qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, mana jirto cadaawad ka weyn cid kuu quudhi weyday qaranimadaada. Balse haddana haddii ay dantu keento inaad xidhiidh ku saabsan arrimo bini-aadminimo la yeelato dalkaas, waxa loo maraa nooc gaar ah oo ay dunidu u macaamisho.

Tusaale ahaan dal kasta oo dunida ka tirsani marka uu ku qasbanaado inuu la xidhiidho dal aanu xidhiidhkooda siyaasdeed iyo diblomaasiyadeed wanaagsanayn, waxa uu u maraa xildhibaanada Baarlamaankiisa oo uu u diro.   Shiinaha iyo Taywan oo ah laba dal oo kala go’ay iyagana ma jiro xidhiidh cadaawadeed oo ka dhexeeya laakiin dalka Shiinuhu ma aqoonsna qaranimada Taiwan iyadoo ay sidaas tahayna waxa labada dal booqashoyin kala duwan ku gaalaa bixiya xildhibaano ka tirsan labada dhinac oo loo diro hadba dhamaystirka baahida lama huraanka ka dhigtay in la xidhiidho. Su’aashuse waxay tahay waa maxay sababta xildhibaanada loogu diro dalalka aanu xidhiidhkiinu wanaagsanayn amaba uu idin dhex yaalo shaki siyaasadeed.? Sida caadiga ah xildhibaanku wuxuu ka tirsanyahay gole Baarlamaan, Barlamaankuna maaha waaxda fulinta ee waa waaxda sharci dejinta, marka ay sidaas tahayna awood uma laha inuu heshiis siyaasi ah la galo dal kale, waxase kaalintaas iska leh fulinta oo ah xukuumadda. Waana sababta fulinta loogu diri waayo dalalkaas ee loo doorbido mudanayaasha. Bal dib u xasuuso inta xildhibaan Maraykan ah Hargeysa timid ee aanu warkoodu yeelan saamayn siyaasi ah iyo saamayntii uu socdaalkii Jendayi Frazer ee saacadaha qaatay yeeshay.

Haddaba, waxa xukuumadda Somaliland la gudboon inay qaadista caawimada dadka tabaalaysan ee Somaliya u marto jid la mid ah dariiqa ay bulshada caalamku u macaamisho marka uu xidhiidhkoodu noocaas yahay. Waxa jirta aragti odhanaysa waa  in culimada iyo xubno ka tirsan bulshada rayidku qaadaan caawimadaas si looga fogaado dareeno siyaasadeed, laakiin taasi maaha aragti lagu eegay indho fiiqan oo salka ku haya qaranimada Somaliland. Waa hubanti inay culimada Somaliland iyo bulshada rayidka ahi kaalin mug leh kaga jiraan qarankan iyo horumarkiisa fog iyo midka dhowba, laakiin haddii ay noqoto inay qaadaan caawimada waxay muujinaysaa inay tahay caawimo ka timid dadka shacabka ah oo ku socota dad kale oo shacab ah taas oo dadka siyaasadda u kuur galaa ay ku tilmaamayaan inay wiiqayso higsiga umadda Somaliland hoosna u dhigayso miisaankii ay yeelan lahayd caawimadani haddii weji dawladnimo lagu gaadhsiiyo. Maxaa yeelay caawimadani  waa mid qaran.  Sidaas daraadeed culimada iyo ururada bulshada rayidka ahba kaalini halkaas ugama banaana.

Haddaba, Madaxweyne Siilaanyo waxa la gudboon inuu ka baaraan dego jid kasta oo mucaawinadaas lagu qaadayo. Waa inuu dejiyaa siyaasad aan shaki iyo dareen bulshada kala dhex dhigin islamarkaana Muqdisho ka muujisa cududa Somaliland, inkastoo uu yahay hoggaamiyaha qaranka oo uu isagu talada iska leeyahay, haddana waxa muhiim ah inuu dawladda Somaliya oo aanu xidhiidh wanaagsan oo siyaasi ahi ka dhaxayn Somaliland u maro jidka ay dunidu u macaamisho una dhiibo deeqdaas wefti ka kooban xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo ka soo kala jeeda saddexda xisbi qaran iyo guddoomiyaha hay’adda aafooyinka qaranka oo ah hay’adda dalka u qaabilsan maaraynta iyo ka hortagga aafooyinka dabiiciga ah.

Si kastaba ha ahaate dawladda Somaliya ka talisaa ma aqoonsana qaranimada Somaliland, taasina maaha wax fudud,  dadka la caawinayana maaha in lagu eego indho siyaasi ah oo iyana damqashadeeda ayay mudantahay. Sidaas daraadeed waa in qaadista deeqdaas lagu saleeyaa labadaas weji si caawimadu u gaadho dadka baahan ee reer Somaliya , sumcaddii iyo qarannimadii Somaliland na aanay hoos u dhicin.