Waraysi Gaar Ah: Wasiirka Gaashaandhiga

0
628

Wasiirka-Gaashaandhiga-Cusub-ee-Somaliland-Axmed-Xaaji-Cali-CadamiHargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay sababta keentay in la baajiyo xuska sanad guurada 19aad ee ciidanka qaranka oo khamiistii ku beegnayd, taas oo dib loo dhigay.

Wasiir Cadami, oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay guud ahaan xaaladda ciidamada iyo arrrimo kale, waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Ugu horayn mudane wasiir waxa aad warbaxin guud naga siisaa xaalada ciidamada qaranka ee wakhtigan?

Ciidamada qaranka marka laga tago sheekooyinka dadka qaarkood ay alifayaan ee suuqa, xaaaladoodu meel fiican ayay taagantahay, waxa soo gaadhay oo waynina ma jiraan, waxaanay joogaan aagii ay hore u joogeen oo waliba ka durugsan, golaha wasiirada rag ka tirsan ayaana kormeer ku tagay, taliyaha ciidanka qaranka ayaa tagay, hadda rag kale oo saraakiila oo aan fadhigoodu xagaas ahayn baa la jooga, markaas wax walwala oo ka jira joogitaankooda ma jiro, meesha ay joogaana dee waa halkaas ay markii horena joogeen oo ilaa 13Km u jiri karta Buuhoodle.

Arintaas Tafaasiisheeduna waliba waa iska hab ciidan oo waxaan ku soo koobayaa wax dhibaato ah oo ay qabaan iyo walwalna ma jiro, meel ay iyagu hadda isku ilaalinayaan difaaceedana ay diyaar u yahiin hadday cidi ku soo xad gudubto ayay joogaan.

Munaasabadii sanad guurada 19-aad ee ciidanka qaranku waa ay baaqatay sanadkan, maxaa sababay inay baaqato?

Wax walba waxabay ka horeeyaan xaalada ciidanku waa ay ka duwan tahay xaalada shacabka daqiiqado ayaanay wax isku badali karaan, xafladii iyo maalintii wax la ilaawayo maaha waa wax iska jira wakhtigeedana waa ay leedahay, laakiin waxa ugu weyn ee sababay markaan kuu sheego hawlo ka muhiimsan ayuu ciidanku mashquul ku ahaa, loomana diyaar garoobine diyaar garaw kale oo difaaca qaranka ah ayaa lagu jiray.

Ciidamada qaranka waxa ay sii daayeen laba maxbuus oo ay ka qabteen maleeshiyaadka Buuhoodle sidoo kale laba maxbuus ayaa ciidanka loo soo daayay, arintaas yaa ka shaqeeyay?

Arintaa waxa ka shaqeeyay caqli bina’aadam, waana caado soo jireena oo waligeed jirtay, sidaas oo kale marka wax la kala qabsado waxa la door bidaa intii la khaarajin lahaa in ciidankii uu ka yimid lagu celiyo, waana wax lays waydaarsado oo caalamiya, waanay jiraan oo fadliga ka qaadi maynee hay’da bisha cas ee Somaliland-na doorkeeda ayay ku lahayd, laakiin wax ka soo go’ay oo deedna la gartay in labada ciidan laysku celiyo, kuwo hore oo aan anagu qabanay oo badan oo aad ogtahayba oo dagaal hore ahaa iyagoo aan wax dhibaato ah loo gaysan ayaa markii danbe la celiyay markii wakhtigii u bislaaday, tana iyadana haddii dagdagnimadeeda aad la yaabayso waxa jira in raga qaar ay ahaayeen rag dhaawacan, intaan xasuusnahay labadaa nin ( Ciidanka loo soo daayay ) iyo mid isagana la soo daayay oo isgana xaga dhabarka xabadi kaga dhacday dabadeena alle hawnaxariistee waa uu dhintay iyada oo laakiin la soo gudbiyay oo la soo celiyay, markaas waa caadooyinka wanaagsan ee milatarigu uu leeyahay, dagaalka hore waxii aan wakhtigoodu ku galin oo nolal lagu qabto dagaalda hufan ee dadka iska walaalaha ah ee aan meel kala tagayn waa ay u badantahay in laysku celiyo, waa caadi.

Wasiir xaabsade waraysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in xaaladii gobalka Sool ay imika ka dartay, waxa kale oo uu soo jeediyay in ciidamada la kala qaado oo waliba ciidamada qaranku dib loo soo qaado, adigu arintaas aragti ahaan sideebaad aragtaa?

Bina’aadamku waa kala fikir, ciidamada qaadistoodu waa arin ciidan oo talo ciidan oo heerka u sareeya ah ka imanaysa, ogalaansha-heeda iyo diidmadeeduna waa arin gaadhaysa ilaa madaxweynaha, arin dibada iyo meel caadiya laga yidhaahdo maaha, waayo asbaabo badan ayaa la xidhiidha mar walbana waxay u baahantahay in uu wakhtigu bislaado, shuruudo ka horeeya ciidan qaadista yaana jira, ogalaanshuhuna halka u sareeya ee aan kuu sheegay ayuu ka imanayaa, waa in la yidhaahdaa maxaa arinku noqonayaa marka ciidankaas la’qaado ayaa ay horta su’aasha meeshaas la dhiganayaa ay tahay, dadka khubarada ku ah ee milatariga ah ayaa ka soo talo baxinaaya ogalaansha-heedana heerka siyaasiga ugu sareeya baa ogalaanaya, ilaa iyo guddida nabadgalayada qaranka.

Xaaladii Buuhoodle waatan ay adkaatay, oo waxay gaadhay isku dhacyo hubaysan, sideebaad u aragtaa in xal lagu heli karo?

Anigu xalka milatariga oo halkaas ka jira wax fudud oo rayigayga intaan iska cabiro sheegi karo maaha, anigaa wasiirkii gaashaan dhiga jooga, waanay dhici kartaa inaan wax badan ka ogahay, laakiin wali ii saamixi mayso masuuliyadu inaan si caama sidaas iyo sidaas bay tahay yidhaahdo, waliba anigoo is og inaan takhasus inaan u lahayn oo dad igaga haboon ay jiraan oo aqoonta milatari leh taladoodana ay tahay, oo marka wakhtigaas loo baahdana la dhagaysanaayo taladooda intaan siyaasigu go’aanka gaadhin, markaas ka hordhaci maayo hadda.