Qaybe Oo Madaxweynaha Ku Taageeray Shirka UK

1
578

Hargeysa(Geeska)-Guddomiyihii golihii hore ee wakiilada Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa taageeray in Madaxweyne Siilaanyo ka qayb galo shirka uu Ingiriisku ku martiqaaday ee Somalida loo qabanayo.

Oday Qaybe, oo shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu isagoo shirka Ingiriiska ka hadlaya uu yidhi, “Waxaan ku raacsanahay madaxdii ku talisay inuu Madaxweynuhu ka qayb galo shirka London ee uu Raysalwasaaraha Ingiriisku ku martiqaaday. Haddii kale waxay isaga iyo dawladiisu u qaadan karaan in aynu quudhsanay (Snubbed).”

Qaybe, waxa kale oo uu soo jeediyay in ka hor inta aanu Madaxweyne Siilaanyo tagin Ingiriiska dib loo soo raro ciidamada qaranka islamarkaana la raro maleeshiyaadka Buhodle, “Waxaan soo jeedinayaa in ciidamada is horfadhiya dib loogu kala raro saldhigyadoodii Qorilugud iyo Buhodle inta aanu Madaxweynuhu safrin.” Ayuu yidhi Oday Qaybe.

Qaybe, wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ula tagi doono talooyin kale oo ku saabsan shirkaas Ingiriisku qabanayo ee uu ka qayb galayo.

Ugu dambayn waxa uu Beesha Dhulbahanate ugu baaqay inay iska qabtaan Dr. Cali Khalif Galaydh, “Beesha Dhulbahante Cali Khalif ha iska qabteen hadday doonayaan inay deriskooda nabad ku wada noolaadaan.” Ayuu yidhi Qaybe.

Comments are closed.