Geeska Afrika Oo Helay Xogo Ku Saabsan Somaliland Oo La Xidhiidha Shirka UK

3
715

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay xogo dheeraad ah oo ku saabsan Shirka ay dawladda Ingiriisku u qabanayso Somalida, gaar ahaan qodobo la xidhiidha qaddiyadda Somaliland.

Xogahaas oo aanu helnay iyagoo qoraal ah ayaa waxa ka mid ah qoraal ay dawladda Sheekh Shariif u dirtay dawladda Ingiriiska oo ay kaga codsanayso arrimo la xidhiidha shirkaas London ka hor inta aanay aqbalin inay ka qayb galayaan. Qoraalka dawladda Sheekh Shariif oo ka kooban saddex bog, ayaa qodobada ay Ingiriiska ka codsatay in loo damaanad qaado waxa ka mid ah qodob Somaliland ku saabsan oo dhanaya Waa in dawladda Ingiriisku awoodeeda diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed u isticmaashaa sidii ay Somaliland miiska u keeni lahayd iyadoo qayb ka mid ah nabadda balse aan goob jooge ahayn. Qodobkan ayaa wuxuu ku jiraa qaybta ay dawladda Sheekh Shariif kaga hadlaysay dib u heshiisiinta ee qoraalka ay Ingiriiska u dirtay, waxaanu nuxur ahaan qoraalku  tilmaamayaa inay dawladda Sheekh Shariif codsanayso inay Somaliland shirkaas ka qayb gasho iyadoo Somaliya qayb ka ah.

Qoraal kale oo uu Geeska Afrika helay ayaa ayaa wuxuu ku saabsanyahay kulan magaalada Nayrobi gaar ahaana ka dhacay qolka saddexaad ee hoyga shirarka Qaramada Midoobay, kaas oo dhex maray masuuliyiin ka kala socotay dawladda Ingiriiska iyo Dawladda Sheekh Shariif. Kulankaas oo sida qoraalka uu Geeska Afrika helay ku cad qabsoomay 10 January, 2012, ayaa waxa ay xubnihii ka socday dawladda Sheekh Shariif oo uu Raysalwasaare Cabdiweli Ibrahim Gaas horkacayay ay weydiiyaan masuuliyiintii ka socotay dawladda Ingiriiska arrinta Somaliland, iyagoo codsaday in loo damanad qaado in la ilaalinayo waxa ay ugu yeedhaan madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliya. Sida qoraalka ku cad waxa ay masuuliyintii dawladda Ingiriisku u cadeeyeen inay ilaaliyaan qaranimada Somaliya, iyagoo u cadeeyay inaanay aqoonsanayn qaranimada Somaliland, balse ay aaminsanyihiin inay Somaliland wax badan ku kordhin karto mustaqbalka Somaliya. Waxaanay cadeeyeen inay Somaliland ku martiqaadeen shirka.

Sida laga warqabo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa go’aan ku gaadhay ka qayb galka shirkaas, ka dib markii uu ku qancay meeqaamka ay dawladda Ingiriisku ugu talo gashay weftiga

Comments are closed.