Waraysi Gaar Ah: Safiirka Itoobiya ee Hargeysa

0
777

Copy of BereheHargeysa, (Geeska)- Safiirka xukumada Itoobiya u fadhiya Somaliland, Danjire Bereha Tesfay ayaa cadeeyey inaanu jirin xidhiidh ka dhexeeya xukuumadiisa iyo siyaasiga Cali Kh. Galaydh, ciidamadooduna awood u lahayn inay soo raacaan siyaasigaas.

Brgd. Gen Bereha ayaa sheegay inaanay weli wax jawaab ah ka helin qoraal ay wasaaradda maaliyadda Somalialnd  u direen oo ku saabsan alaabada transit-ka ee dalkiisa u gudba, isla markaana ka digay hadaan wax laga qaban in ganacsatadu ku khasbanaan doonto inay dekedaha kale u wareegaan sida Jabuuti.

Safiirka Itoobiya ee Somaliland oo wargeyska Geeska Afrika shalay waraysi gaar ah ku siiyay xafiskiisa Hargeysa,  ayaa waxa kale oo uu ka hadlay dekedda Berbera oo ay Itoobiya danaynayso inay isticmaasho.

Brgd. Gen. Bereha Tesfay, oo la weydiiyey inuu jawaab ka helay qoraal uu hore ugu diray wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha dibbedda oo ku saabsan ganacsiga transit-ka ee dalkiisa u gudba, ayaa ku jawaabay, “Weli wax jawaab ah kamaanu helin ilaa xilligan. Waxaanse ka sugaynaa jawaab togan wasiirka maaliyadda, laakiin weli kama helin.”

Mar la weydiiyey waxa uu ka ogyahay wararka sheegaya in siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ciidamo Itoobiyaan ah gelbinayaan soo gaadhay degmada Taleex iyo xidhiidhka ka dhexeeya Itoobiya iyo siyaasigaas ayaa wuxuu yidhi, “Ugu horeyn aqoon uma lihin ninka aad ka hadlayso, ta labaadna ma jirto askari ciidanka Itoobiya ka tirsan oo la kulmi kara ninkaas, waajibna uma haystaan inay kulmaan.”

Safiirka Itoobiya Gen. Bereha oo ka jawaabayey inuu war u hayo nin la sheegay inuu yahay la taliyaha  madaxweynaha kililka shanaad ee Itoobiya oo la sheegay inuu ku xidhan yahay Hargeysa, ayaa ku jawaabay, “Maya, cid aanu ka maqalnay oo noo sheegtay warkaa ma jirto, waxaanay ku quman tahay idinkoo weydiiya waxa ka jira wasaarada arrimaha dibedda ama Gudaha ee Somaliland. Wax war rasmi ah oo naga soo gaadhay xadhiga ninkaa ma jirto,”

Mar la weydiiyey halkuu ku danbeeyey kulan hore loo sheegay in Xukuumada Itoobiya ku dhexdhexaadinayso xukuumada Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ayuu wuxuu danjiruhu yidhi “Taasi waxay ku xidhan tahay doonista xukuumada Somaliland iyo maamulka Puntland, wax xukuumada Itoobiya dusha kaga keenayso inay shir dhexdhexaadin ah u qabto ma jirto. Hadday jeclaystaan inay ku kulmaan dalkayaga waxaan diyaar u nahay inaan u fududayno, laakiin wax annagu aan ku qasbayno ama dusha kaga keenayno inay heshiisyaan ma jirto.”

Safiirka Itoobiya oo la weydiiyey siduu u arko fikirka dadka qaarkood qabaan in ku soo celinta Cali Xoorxoor dekeda Berbera wax ka tari doono ganacsigii transit-ka ee Itoobiya oo mudooyinkii u danbeeyey xanibmay ayaa ku jawaabay, “Ugu horeyn xidhiidh dhow oo aanu la leenahay qof dekeda la keeno ma jiro, ama Cali ha yimaado ama Cumar, laakiin waxaan doonayna in masuulka yimaada uu dhaqan geliyo xidhiidhkii ganacsiga ee labada xukuumadood Itoobiya iyo Somaliland hore u wada saxeexdeen.”

Brgd.Gen Bereha Tesfay, safiirka Itoobiya ee Somaliland oo la weydiiyey waxa ka jira in heshiiskii labada dawladood hore u wada gaadheen ee ganacsiga transit-ku saamaynayey saddex qodob oo ahaa Badeecadaha xukuumada Itoobiya, iyo deeqaha Midowga Yururb iyo WFP, ayaa ku jawaabay, “Muddo immika laga joogo sannado badan ilaa dhowaan xukuumada Somaliland way ku dhaqmaysay heshiiskii aanu wada galnay ee ku saabsanaa ganacsiga transit-ka ee u gudbaya dalka Itoobiya, iyadoo aan loo kala eegayn badeecado xukuumadeed ama kuwo ganacsato gaar ah leedahay dhamaantood waxa laga qaadi jiray khidmada dekeda, aduunka dhamaantiina waa sidaa oo ma jirto badeecad transit dal kale ku ah oo cashuur uu ka qaado dalka ay dhexmarayso. Dhowaan ayey soo baxday talaabadan cashuurta looga qaadayo dhamaan badeecadaha transit-ka ee Somaliland ka gudbaya. Muddo bil ka hor anigaa wasiirka Maaliyadda u gudbiyey ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala soo degayey dekeda Berbera, waanu ka caawiyey sidii ay ula soo bixi lahaayeen. Muddo fara badan ayey dhamaan badeecadaha xukuumada iyo kuwa ganacsatada gaarka ah adeegsanayeen dekeda Berbera iyagoo ka sita waraaqahii sharciga ahaa ee transit-ka baanka Itoobiya, waxaanan ku dedaalaynay inaan ku soo xidhno ganacsatada Itoobiya adeegsiga dekeda Berbera, laakiin cashuurta xilligan lagu soo rogay badeecadihii transit-ka ee dalkayaga u gudbayey waxay keenaysaa in dhaqaale badan ku seegaan Somaliland oo ganacsatadii isticmaalaysayna ku khasbanaadaan inay u wareegaan dekedaha jaararka sida Jabuuti, iyo dekedaha kale. Markaa waxaan ka rajeynaynaa wasiirka maaliyadda inuu dib u eego talaabada isbedelka keentay ee caqabada ku noqotay dhaqaalahii ka soo geli jiray Somaliland badeecadaha u gudbaya dalka Itoobiya.”