Wargeyska Geeska Afrika Oo Waraysi La Yeeshay Daahir Rayaale Kaahin

0
838

rayaale-dhin77acHargeysa(Geeska) – Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa cadeeyay mawqifkiisa la xidhiidha khilaafka ka dhex oogan xisbiga UDUB oo sii xoogaystay ka dib markii ay garab ka mid ah xisbiga UDUB oo uu hoggaaminayo ku simaha guddoomiyaha Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ay sheegeen inay murashaxa Madaxweyne ee xisbiga u doorteen aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, taas oo ay ku gacan saydheen xubno kale oo uu hoggaaminayo Cali Maxamed Warancade.

Madaxweynihii hore, Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo uu xalay waraysi khaas ah khadka telefoonka kula yeeshay tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Maxamed-Rambo, ayaa wuxuu sharci daro ku tilmaamay doorashadaas shalay lagu doortay murashaxa UDUB, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay inuu Axmed Yuusuf Yaasiin fulin waayo tallo uu khadka Emailka ugu soo diray oo ahayd in dib loo dhigo xulashada murashaxa tan iyo inta laga faraxalanayo doorashada goleyaasha deegaanka si aanu khilaaf uga dhex oogmin xisbiga UDUB. Waraysiga uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay Madaxweynihii hore oo ku sugan dalka Faransiisku, wuxuu u dhacay sidan:

Madaxweyne, xisbigii UDUB waxa ka dhex taagan xoogay khilaaf ah oo garab ka mid ahi wuxuu doortay murashax, garab kalena wuu qaadacay. Markaas adiga ayaa ah guddoomiyihii UDUB ee waa maxay aragtidaadu?

Kolka u horaysa bahweynta xisbiga UDUB iyo umadda reer Somaliland waxaan leeyahay sannad wanaagsan, waxaanan hawada idiin soo marinayaa salaam iyo duco. Ta’ labaad arrinta maanta ka dhacday UDUB waa arrin aan looga baran, arrin loo baahnaana may ahayn, markaan ogaaday inay arrintu noqonayso laba kooxood, waxaan shalay [doraad] guddoomiye ku xigeenka UDUB u soo diray farriin Email ah oo aan ugu sheegayo in hebel hala doorto ay ka muhiimsantahay wada jirka xisbiga UDUB. Sidaas darteed waxaan kugula dardaarmayaa inaad dib u dhigto doorashada wakhtigan, maadaama oo aanay suurtogal idiin ahayn inaad midaysaan kala qaybsanaanta, doorashada deegaanka ka dibna aan qabsano murashaxnimada aniguna aan goob joog ka ahaado. Horta aad ayaan uga xumahay inuu taladaas sideeda u fulin waayo, waxaanan leeyahay xisbiga UDUB go’aanka halkaas ka soo baxay sharci maaha, lagumana dhaqmi karo, dib ayaana loogu noqonayaa, wuxuu noqonayaa tallo aynu iskaga nimaadno oo aynu isu tanaasul samayno oo cidda la dooranayaa cid la isla ogalyahay ay noqoto haddii Alle idmo. Markaas farriinta aan UDUB u gudbinayaa waa taas, anigu shakhsi gaar ah oo aan gaar u wataa ma jiro.

Markaas waxaad soo jeedisay in doorashada Murashixiinta dib loo dhigo oo marka hore deegaanka la qabto, sidaas saw maaha?

In deegaanka la qabto, deegaanka ka dibna murashixnimada Madaxweynaha iyo ku xigeenka la qabto aniguna aan goob joog ka ahaado oo aan ku hoggaamino talo la isku waafaqsanyahay haddii Alle idmo.

Maxaa cusub ee aad UDUB ahaan doorashada ku galaysaan?

Waxaan ku galaynaa, horta annagu waxaanu nahay xisbiga keliya ee taariikh wax qabad leh;  laba sannadood oo dhowdhow ayaa imika ka soo wareegtay markii aanu xilka wareejinay, waxyaalo badan oo maanta jira oo shalay annaguun baa lana dhaliilayay oo xukunka joognee, waxyaabo badan oo muuqda oo aanu garawshiiyo ku helayno oo xisbigayaga dib loo aqbali karo ayaa noo yaala, dee talooyin cusubna waanu ku biirinaynaa haddii Alle yidhaahdo kuwaasna wakhtiga ololaha ayaanu u dhigaynaa imika ka hordhici mayne, talloyin iyo afkaar cusubna waanu ku biirinaynaa xisbigayada.

Marka aynu intaas UDUB kaga tagno, xaaladda siyaasadeed ee dalka maxaad ku qiimayn lahayd xilligan?

Taasi inay imika tan iga dhex gasho ma jeceli ee si gaar ah ayaan uga hadli doonaa haddii Alle idmo, laakiin xisbiga UDUB iyo farriinta aan u gudbinayaa waxa weeeye taladaasi dhicis ayay noqotay maanta ka soo baxday Hargeysa, dib ayaynu ugu noqonaynaa inagoo isku dhan oo xisbiga UDUB ah ayaa cid aynu isla ogonahay soo saari doona haddii Alle yidhaahdo.

Marka ay UDUB isu timaado miyaad xilka guddoonka wareejinaysaa mise waad sii haynaysaa?

Ilaa sannadka 2014 anagaa joogna, taasna taladeeda waanu geli doonaa markaan imaado haddii Alle yidhaahdo.

Ilaa goorma ayaad imanaysaa?

Inshaalah bilaha soo socda waan imanayaa, yaanan maalin kuu sheegine.

Waad Mahadsantahay Madaxweyne

Idinkaa mudan, waanan idiin mahadcelinayaa.

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa cadeeyay mawqifkiisa la xidhiidha khilaafka ka dhex oogan xisbiga UDUB oo sii xoogaystay ka dib markii ay garab ka mid ah xisbiga UDUB oo uu hoggaaminayo ku simaha guddoomiyaha Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ay sheegeen inay murashaxa Madaxweyne ee xisbiga u doorteen aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, taas oo ay ku gacan saydheen xubno kale oo uu hoggaaminayo Cali Maxamed Warancade.