Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Xaaladaha xisbiga UDUB

4
777

Hargeysa(Geeska)-Ku simaha guddoomiyaha UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay xaaladda xisbiga UDUB oo uu loolan adagi ka dhex taaganyahay ragga doonaya inay noqdaan murashixiinta Madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbiga uga qayb geli doona doorashada soo socota ee madaxtooyada.

Axmed, oo uu waraysi la yeeshay tifaftiraha Hadhwanaag News, Axmed-naasir Jibriil, oo aanu su’aalo gaar ah ka soo qaadanay ayaa wuxuu u dhacay sidan:

Wararku waxay sheegaan in Cali Warancade oo kale oo ah siyaasiyiinta waawayn ee xisbiga Udub, inuu ka soo hor-jeedo shuruudahan lacagta iyo shahaadadan oo kale ee aad  maxaad ka odhan lahayd arintaas?

Cali Warancade waxa uu kamid ahaa guddida, markii la samaynayayna waa uu joogay markii loo codaynayayna waa uu joogay, isaga iyo ragbadan oo kale waa taan ku leeyahay waxa aanay guddida fulintu ansixin anigu ma keenin, guddi gaarana ma keenin, waa arin lagu qancay oo la doonaayo in Udub lagu kala reebo ragan baarqabada ah ee cad cad, hadii  xero laysugu keeno boqol baarqub oo qoodha, hadaan sagaal iyo sagaashan la dhufaanin waa ay is cunayaan.

Hadii adiga lagu waydiiyo Axmadow oo lagu yidhaahdo qofkeebaad jeceshahay inuu soo baxo maxaad odhan lahayd?

Wallaahi ciday naftaydu jeclaydaba waxaa ka weyn danta xisbiga, waa ay jiraan niman aanu saaxiib ahayn oo labaatan sano aan soo wada shaqay’naynay, lakiin waxa laga talinayaa waa danta xisbiga oo maanta ku noqday urur oo la doonaayo siduu u soo baxi lahaa, danta Udub-baa nin walba sidaan anba aan dib isugu taagay ninka yimaada waa inlagu qancaa oo laga fikiraa danta xisbigu maxay ku jirtaa oo danta gaara meel layska dhigaa waa ta aan aniguba aan ku shaqay’naayo, saaxibadayda labatanka sano aan soo wada shaqay’naynayna waxaan leeyahay waa in aan ku qanacnaa natiijada oo ah badbaadinta soo bixitaanka urur ee danbe.

Xukumad kastaa dabcan waxa ay leedahay mucaarad, xukumadan madaxweyne Axmed Siilaanyo maanta idinkaa u mucaarada maxaad dhaliilo u haysaan?

Waxaan u haynaa in aany lahayn wada shaqayn oo nin waliba uu dhan u wato wasaaradiisa, waxaan u arkaa xukumada  aan isku xidhnayn oo aan santar bool lahayn,  waxaan leeyahay taasuna umada dhaqimayso, Odaygana waxaan leeyahay waar nimanka afka wada’goo oo afka ka xidh nin walba, nin walba meel haku hirto oo yaan la kala shaqynin nin walbana meel haku hirto oo yaanay kala shaqaynin waayo taas waxa ku dhex halaabaysa danta umada, hadii kubad lawada ciyaaro oo koob iyo tobanka ciyaarayaa ay iska hor yimaadaan dee gool dhalin maayaan.

Madaxweyne Riyaale meel uu ku suganyahay war looma hayee xageebuu joogaa imka?

Imika Paris ayuu dagan yahay, waan wada xidhiidhnaa oo xidhiidhtoosa ayaan leenahay, hawlahana waa uu la socdaa,

Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin oo la waydiiyay sababta uu madaxweynihii hore Daahir Riyaale dalkiisa u dagi waayay, waxa uu ku jawaabay?

wallaahi aniga waxa uu igu yidhi duruufo gaara igu soo kordhay oo aan halkaas udagay, halkaasna uma aan dhaafin, dee qofna arimahiisa gaarka ah inaad sii dhex gasho maaha, ninkuna haduu ku yidhaahdo duruufo adag ayaa meesha idajiyay oo aan leeyahay, runtiina waxa dajiyay dee Somalida uunbaa dadka ilaa gudaa soctee,lakiin waxa dajiyay iyo duruufahiisa isagay u gaart yahiin.

Haddii aan fursad kuu siiyo dadweynaa reer Somaliland maxaad halkan uga sheegi lahayd?

Waxaan leeyahay ha’ka quusanina raxmada illaahay, waxa weeye Somaliland marbaa illaahay siiyay calan dagdaga waa ay garan wayday waa kuwii iska tuuray, waxaan leeyahay waxaan loo dhididin oo aanl loo dhiman oo loo baaba’in ciyar ciyaar laguma helo, kii aynaan u dhididin ee aynaan u halgamin waynagii aayar tuurnay, kana waxaan leeyahay ha loo dhidido oo haloo dhinto hala sabro, waxnba ma hadhine dhawaana waa laga baxayaa hala dhabar adaygo.

Comments are closed.