Waraysi Gaar Ah: Safiir Axmed Sangore Oo Diiday Inuu Xilka Wareejiyo

0
734

u_67250d_2012-5-25-11-5-13f_sangoreLondon(Geeska)-Safiirka Somaliland ee London Md. Axmed Sangoore, ayaa ku adkaystay inuu isagu weli yahay safiirka Somaliland ee rasmiga ah, maadaama oo aanay madaxtooyada ka soo bixin qoraal rasmi ah oo xilka lagaga qaaday. Waxaanu diiday inuu xilka wareejiyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ku duuldaraystay xaflad uu khamiistii doonayay inuu xilka ugu kala wareejiyo Mr. Sangore iyo masuul cusub oo uu Madaxweynuhu magacaabay, ka dib markii uu ka horyimdi xil wareejintaas Mr. Sangore oo sheegay in marka la eego hab maamuuska dawladnimo aanay cidna ku soo wargelin in xilkii laga qaaday. Haddaba, waxa uu Wargeyska Geeska Afrika xalay waraysi la yeeshay safiirkaas Axmed Sangore, waxaanu waraysigii u dhacay sidan:

Waxaad  diiday inaad xilkii wareejiso, maxada gundhig  uga  dhigaysaa doodaada?

Horta marka ugu horaysa xilka aad gacanta ku haysaa waa xil qaali ah, ilaa ay xil wareejini timaado oo aad meel ku hubsato, in si yar oo fudud umaddan masuuliyadeedii aad u haysay iyo xilkii u wareejisaana ma wanaagana. waxa jirta Baratakoolo safaaradaha u gaar ah, waxa jira bartakoolo xal ah oo inaga inta badan inaga qabyo ah haddaynu nahay Somaliland.

Aniga markii aanu odayga [Madaxweynaha] wada hadalnay ee uu xilka ii dhiibay, waan ka guddoomay kana aqbalay, waxaanan ku idhi xilkaas maalinta aad tidhaahdo ii soo celi ayaan kuu soo celin karayaa ama maalinta duruufo ii yimaadaan ee aan caafimaad ahaan u gudan kari waayo, inta ka horaysana xilkaas waan haynayaa, xilkan sidii maalintaas si caama aan London kula wareegay ayaan ku hayaa wali caam ahaan.

Waxa meesha yaalay oo aan warbaahinta ka arkay warqad yar oo la leeyahay Axmadaw waa lagu badalay, markiiba waxaan is idhi iska yara hubso oo Email-lada eeg eego, markaan waxba arki waayayna, waxaan is idhi waa iska sheeko aan meel fog gaadhsiisnayne danahaaga iyo hawlahaaga iska wado, walina sidiibaan danahayga u wataa, markaas waxa yaabo yar yar oo aan baritikoolkaba qaban ayaa ka yimi shalay ilaa doraadba, laakiin taas laftigeeduba waa arin  kale oo u baahan in si hoose oo diblamaasiyadeed u dhamaystirno, laakiin wax si caama layidhi dawlad ahaan xilkii waan kaaga wareejinay ma jirto.

Madaxweynihii ma ka wardoontay in xilkii lagaa qaaday in iyo in aan lagaa qaadin?

Hortay  sharaf dhac ayay ii tahay madaxweyne xil isaaray inaan ku noqdo oo aan  idhaahdo xilkii miyaad iga qaaday.

Ma jirtaa farriin aad madaxweynha aad  u  dirayso, ileen wakhigan waa ay xaniban tahay shaqadii safaarada, haddii is jiid jiidad yimaadana ceebaa diblamaasiyadeed ayaa ka imanaysa?

Anigu xilkii aan hayay ee madaxweynuu uu ii dhiibay ee aan umadda u hayay halkiibaan ka sii wadaa, xilkina waa la wareejin karaa, markaas umadaan xil u hayaa oo ilaa aan meel rasmiya oo aan ogahay ku hubsado halkiibaan ku hayaa.

Sideebaad u aragtaa wasiirka arimaha dibada iyo hawlgaladiisa siyaasada ee dibada?

Markaan eego Maxamed wuu dadaalayaa, laakiin mararka qaarkood waxa uu ku dhaqaaqaa talooyin qorshe la’aan ah, waxaanu u baahan yahay inuu wax eego, anigana waxa uu igu yidhi khaladbaa dhacay, aniguna waxan ku idhi khaladka dhacay anigu saxi maayo ee hawshaada qabso aniguna taydaan qabsanayaa. Aniguna waxaan ahay safiirkii Somaliland ee Ingiriiska, madaxweynaha ayuunbaana xilkaas iga qaadi kara.