Cabdi Haybe Oo Wasiir Duur Kula Taliyay Inuu Is Casilo

0
962

CabhiHargaysa( Geeska )- Wasiirkii wasaaradda caafimaadka ee xukuumadii hore Md.  Cabdi Haybe Maxamed, ayaa ka hadlay khilaafka xisbigooda Udub  ee maxakamadda galay iyo waxay ka rajaynayaan, isagoo wasiirka arrimaha gudaha u soo jeediyay inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu wax ka qabto ka hor intii aanay dhibaatadu ka dhicin xerada wershadda kabista ee dhawaan xurguftu ka dhacday.

Waxa uu arimahan kaga hadlay Cabdi Haybe waraysi uu siiyay weriye Faysal Xiir Weerar (Afgaab), waxaanu waraysigaas oo koobani u dhacay sidan:

Waxa jira in xisbigii Udub oo laba garab ahi uu maxkamadda iskula jiro, markaas maxaad ka rajaynaysaan maxkamadda?

Waxaan ka rajaynaynaa maxkamadda sare inay caddaalad u samayso, xisbigu guddoomiye ayuu leeyahay, shaqadda gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenkuna waa laba shaqo oo kala nooc ah, marka gudoomiyaha xisbigu wadanka gudahiisa joogo ku xigeen haddaad maqasho shaqadiisu waa waxii loo dirsado uun, hawshana waxa iska leh gudoomiyaha oo hadduu wadanka joogo gudoomiye ku xigeenku inuu wax magacaabo xaq umalaha, maxkamadda sarena waxaan leenahay waxa muran gala maaha ee waa inay cadaalad fashaa iyo sida sharcigu yahay.

Markii dacwadu ka furantay dhawaan maxkadda waxa gudoomiyaha lagu eedeeyay xil gudahso la’aan, maxay la xidhiidha xilgudasha la’aantaasu?

Wax xil gudasha la’aan la yidhaahdaa meesha ma taalo, shirkii ugu danbeeyayna waxa loogu igmaday gudoomiyaha iyo ku xigeenka, xog hayaha guud iyo ku xigeenkiisa ayaa loo cusboonaysiiyay shan sanno oo cusub, gudoomiye ku xigeenku waxa uu qaban karaa oo kaliya waxii gudoomiyahu u soo igmado, xataa hadduu wadanka ka maqan yahay.

Dhawaan waxa jirtay shaqaaqo ka dhacday gudaha magaaladda Hargaysa, arintaas ka xisbi ahaan iyo shaqsi ahaanba sideebaad u aragtaa?

Arinkaas waan la socday oo muddo ayuu soo jiitamayay, arinkuna waxa uu gaadhay madaxweynaha, ku xigeenka iyo wasiirka arimaha gudahaba, markaas shaqadaas waxa iska lahayd wasaaradda arimaha gudaha, wasiirka arimha gudahuna waxa uu ka soo jeeda beesha xeradda ciidanka weerartay meeshana wuu daganaa, amaankana dalka isagaa u qaabilsan, markaas waxay ahayd inuu wasiirku ku yidhidhaahdo intaanay waxba ka dhacin meesha iskaga taga waa xero ciidane, arintan ka hortageeda iyo dhamaynteedaba wax iska lahaa wasiirka arimaha gudaha, waana ninka hawshiisii gabay, waxan dhacayna isagaa masuul ka ah oo wax uu dhamayn kari lahaa ayuu ka seexday, xilkana inuu iska casilo weeye, mida kale waxa lagu eedaynaayo Cali Warancade, Cali waa nin nabadeed horena wadankan wax uga soo qabtay, in arintaas lagu eedayana waa wax xaaraan ah, dhalinyaradda falka samaysayna in maxkamad militari la geeyo xaaranbay ahayd.

Dadweynaha reer Somaliland ugu danbyntii maxaad u soo jeedin lahayd?

Shacbiga waxaan u soo jeedinayaa in nabadgalyadda iyo isku duubnida  la ilaashado, wada jirna wax loo qabsado, aynu ilaalinanan jiritaankeena iyo gooni isku taageenaba.