Bashir Cabdi Xariir Oo Caaqil Bulbul ka hor istaagay shir ay Habaryoonis lahayd

0
886

Hargaysa(Geeska )- Caaqil Bulbul Cabdi Madoobe, oo kamid ah madax dhaqameedka beelaha a Habaryoonis ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shir ay isugu yimaadeen madaxdhaqameedka beelaahooda iyo siyaasiyiin xukuumadda ka tisan oo loo diiday in uu galo.

Waa uu caaqilku ku eedeeyay wasiiro, agaasimayaal iyo xubno kale oo dawlada haatan ka mid ah inay olale balaadhan ugu jiraan urur siyaasiyeedka Wadani, isla markaasna isaga shirka oo ka socday hotel Shiraaqle looga hor joogsaday maadama oo ay beeshiisu dhawaan si rasmiya ugu biirtay ururka Umadda. Waxa uu sidan ku sheegay Caaqil Bulbul Cabdi Madoobe mar uu xalay nagu soo booqday xarunta  Geeska Afrika, waxaana hadaladiisa kamid ahaa “ Markii naloo sheegay shirkaas, ayaa aniga oo ah caaqil ka tisan madaxdhaqameedka beelaha Habaryonis aan goobtii shirka soo galay, markii aan galay ee aanan wali gaadhin halkii la fadhisanayay, ayuu agaasimaha madaxtooyadda u qaablisan arimhaa siyaasada Bashiir Cabdi Xariir  yidhi naga joog adigu, faqbaanu leenahay waadigii naga baydhaye. Shirkaasna may jirin cid  kale oo beesha aan ka soo jeedo ee Cali Saciid ka joogay.” Ayaa uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii watan waxa uu raaciyay  “Markaas dhawaan ayaanu haddanu nahay beesha Cali Saciid magaaladda Burco intaanu si mug leh u tashanay  ku biirnay ururka Umadda, beeshayadaas ku biirtay ururka Umadda ayay noqotay arinkii waydinka meel kale ku biiray ee naga joog.”

Caaqilku waxa uu dhacdo fool xun ku tilmaamay in shirkaas loo diido, islamarkaana waxa uu wax lays waydiiyo ku tilmaamay sababta ay masuuliyiintu dawlada ka tirsani ugu olalaynayaan urur kale oo aan ahayn xisbul xaakimkii “Arintaasu waxay ahayd dhacdo fool xun oo aanay beeshayadda iyo mid kale toona aan qaban, manay haboonayan in shir beeshaydu leedahay sidaas layga yidhaado. Ayaamahan danbena waxa soo baxaysay wasiiradda, agaasimayaasha,maareyayaasha dawlada Siilanyo ku jira ee beeeshayadda inay si qaawan ugu olalaynayeen ururka Waddani, isaga oo ay doonayaan inay qof walba ku qasbaan, waxaanay ku luminyaan olalahaas wakhtigii ay umadda u shaqayn lahaayeen iyo hanti labadaba. Su’aasha lays waydiinayaana waxay tahay ururka Waddani ma waxa uu noqoday xisbul xaakimkii xukuumadda, mise wasiirada iyo agaasimayaasha beesha Habaryoonis iyo dawlada ayaan is ogayn oo si kale u kala shaqaynaaya, taas aas yaanu isku waydiinaynaa.”