Waraysi Gaar Ah: Ganacsade Maxamed Yuusuf

2
755

maxamedLondon(Geeska)-Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali-Gurey oo kamid ah maal qabeenada waaweyn ee ka soo jeeda Geeska Afrika kana ganacsada waddanka Ingiriiska, ayaa waraysi khaasa xafiiskiisa ku siiyay Wargayska Geeska Afrika iyo shabakadda Hadhwanaagnews.  Waraysigan uu la yeeshay weriye Muniir Axmed Cigaal, waxa aanu ku waydiinay arrimo badan oo ay kamid yihiin, maalgashi ballaadhan oo uu ku samaynaayo waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, arrimaha ku dhiiriyay inuu maal gashi ku sameeyo dalka, ku lug lahaanshihiisa siyaasadda dalka iyo arrimo kale. Wuxuuna u dhacay Waraysigii sidan.

Maxamed Yuusuf aad baad ugu mahad santahay inaad naga ogolaato isla markaana nagu casuunto Xafiiskaga, su'aasha ugu horeysa ee aan ku waydiinaynaa waxay tahay. Waxaad dhawaan Waraysi siisay Telefeeshinka weyn ee BBC-da, waxaanad ku sheegtay in Somaliland tahay waddan dihin oo khayraad ka buuxo una baahan in la maalgashado, ma wax maal gashi ah ayaad dalka ka samaynaysaa. ?

Aad baad u mahad santihiin ugu horreyn waan idin soo dhaweynayaa Shabakadda Hadhwanaagnews iyo Wargayska Geeska Afrikaba hadaad tihiin, waa run sidaa aan sheegay Somaliland, ciday u bahaantahay oo aan illahay ahayni ma jirto, waa waddan dihin oo khayraad ka buuxo isla markaana ammaan ah, hadaan u soo noqdo su'aashada ah maalgashiga runtii haddii anay cida maalgashiga samayn kartaa oo ah ganacsatadu ku dhiiran oo aanay maalkooda dalka ku samayn cid ajaanibi kuma soo dhiiranayso. Shakhsi ahaan horena way iiga gonayd inaan dalkayga maalgashi ku sameeyo hadana waan kaga dhabeeyay, waxaan wadaa in khayraadka Somaliland dibadda losoo saaro si fakhriga iyo shaqo la'aantu u yaraato oo shaqo abuur u samaysmo, arrintaas waan ku dhaqaaqay, lacag ka badan malaayiin gaadhaysa ayaa ku baxaysa, waxaan alle ka baryayaa anigoo kashanaaya shacabkayga inay hirgasho dalkuna ku najaxo.

Badanaa maal gashiga Somaliland waxay sherkadaha caalamiga ahi ku xidhaan aqoonsi, taas oo carqalad ku noqotay in khayraadka dibadda lasoo dhigo, sidee maal gashigan ballaadhan ee aad ka dhawajisay iyo arrimahaas laysu wafajinayaa.?

Waa su'aal fiican, horta Somaliland waxaa ka jira dawlad ay u dhan yihiin dhammaan haykal kii dawladeed, isla markaana adduun weynuhu la macaamilo, maaha khasab in soo saarista khayraadku aqoonsi uun ku xidhnaado, waddamo badan oo caalamka ah oo aan aqoonsi haysan ayaa himiladoodi ka dhabeeyay, arrinta aniga ii sahlaysa waxay tahay anigoo Maxamed Yuusuf ah oo ganacsigayga ku aaminay waddankan aan muddada dheer degenahay ee Ingiriska ayaa go'aansaday inaan bilaabo oo hantidayda ku aamino waddankaygii Somaliland, anigoo la kashanaaya shirkado kale oo caalami ah, markay shirkadaha caalamiga ahi arkaan maal qabeen u dhashay dalkiisa oo hantidiisi galinayaa way fududahay inay yaguna ku dhiiradaan.

Maxamed Yuusuf waxaa igu maqaalo ah in aanad ka madhnayn xagga siyaasadda oo aad tageero ballaadhan u mujisay Urur kamid ah ururada dhawaan is diwaan galiyay, isla markaana aad tahay shkahsigii ka danbeeyay in ururkaas in la sameeyo, ma jirtaa arrintaasi.??

Runtii jawaabtu waa haa wuu jira ururkaas aan anigu abaabulay, waxaana keentay baahi waana Ururka Horyaal, sababta aanu u samaynay waxaa weeye, marka ugu horeysa Somaliland waxaa ka dhaqan galay dimuquraadiyad, tasoo ah waxyaabaha Somaliland addunku maanta isugu soo taagay, hasa yeeshe dimuquraadiyadii uma dhaadhac sana gudah oo wali uma daadagsana axsaabta dhexdoodi, maadaama oo aan maanta u soo jeedo dalkaygii waxaan go'aan ku gaadhay in aan wixii wax tara ka gaysto haday tahay shaqo abuur iyo hagaajinta siyaasaddaba, waxaan aad u saluugay qaabka ay unkameen ururada hadda jira ama kuwii hore u jiray, markaa taas baa igu kaliftay.

Ugu danbayntii yaa ku jira ururkan Horyaal dad caan ah oo bulshadu ku xidhan. ama uu shacabku yaqaan?

Ururkani sida ururada kale cidna uma xidhna oo cid kastaa way iska dhex sharici kartaa, cidna uma xidhna dhammaan dadku way u simanyihiin waa taanu doonayno inuu kaga duwanaado Ururada kale. Waxaa laga yaaba qof soo galay inuu Musharax ka noqdo, lakiin kuwa kale dhammaantod cidbay u xidhanyihiin, ninkaas horfadhiya ayuunba doonaaya inuu hadhawna ku soo baxo oo musharax ka noqdo, markaa dad caan ah way ku jiraan kuwo kale oo layqanaana way ku soo biiri donaan, ummaday u taala inay yagu Ururkan ay leeyihiin soo saartan oo ka soo baxan, ana waan ku tageeraya waxaynu u baahanahay jiil cusub iyo shakhsi aan kursiga ku haliilayn, dhammaan anoon eedeynayn raggan badan ee wax doonaaya way yartahay inta cilmiyaysay ama daraasad ka samaysay, markaa annagu waxaanu u taaganahay in la midoobo cududa meel laysugu geeyo ka dibna shakhsigii saxda ahaa uu soo baxo marka laysla garto, wanan ku rajaweynahay in aanu ku soo baxayno golayaasha degaanka.

Maxamed Maadaama oo ganacsiga iyo siyaasadda aad loo kala ilaaliyo sideed u aragtaa in aad Urur tageerto.?

Waa Su'aal fiican runtii adduunka cida Madaxda ka noqotaa ama la tixgaliyaa waa dadka ganacsatada ah, haddii aanad siyaasaddii hagaajin adigoo ganacsade ah oo aan dalka waxba ka doonayn, dee hagaajin maayo qofka faraha madhani. Anigu ganacse ayaan ahay waa run, waxba kama rabo Somaliland oo lacag ugama baahni waayo alle waa isiisay wax igu filan, lakiin inaan dalka hagaagiisa ka qayb qaato ayaa hamigaygu yahay, anigoo waliba maalgashi samaynaaya oo khayraadka waddanka dibadda soo dhigayna, markaa waanu is baal wadayna shaqo abuurkii iyo hagaajintii siyaasadda mustaqbalka. Markay sidaa tahay waxaanu noqonaysaa ururka kaliya ee dadka iyo dalkaba wax ku celiyay.

Comments are closed.